Wednesday, October 30, 2013

Turkiga oo furay Waddo-tareen Badda Hoosteeda maraysa oo Isku xidhaysa Yurub iyo Aasiya


Stanbul(GNA)-Ra'iisalwasaaraha Turkiga Racip Erdogan ayaa rasmi ah u furay mashruucii u horeeyey ee tareen badda hoosteeda maraya oo isku xiraya labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya.




Tareenkani cusub ee badda hoosteeda maraya waxa uu ka gudbaya khooriga loo yaqaanno Bosphorus, waxanu isku xidhaya xeebaha Yurub iyo Aasiya markii ugu horraysay taariikhda.




Hirgalintan mashruucan waxay ka dhabeysay riyadii Sultaankii xukumayay Turkiga 150 sano ka hor oo mashruucan oo kale ku fakaray, si loo helo jid loo bixiyey 'Jidkii Xariirka' oo lagu hammiyayey in la xidhiidhiyo ilaa iyo Shiinaha.




Waxa ku baxay mashruucan 3 bilyan oo euro, waxaana iska kashaday Turkiga iyo Japan.




Markii xariga laga jaray mashruuca oo ay ka qayb galeen madax badan oo adduunka ka kala socotay oo lagu martiqaaday ayaa musiga dalka Turkiga la garacay oo loo dabaaldegay.




Dhaqan ahaanna magaalada Instanbul waxay u taagnayd magaalo kulmisa xadaaradaha Aasiya iyo dhinaca kale kuwa reer Yurub, sidaasi awgeedna waxa munaasabaddani loo sameeyey xaflad weyn oo caalami ah oo lagu casuumay madax adduunka ka kala timid.




Madaxda ka qayb gashay waxa ka mid ah madaxwweynaha dawladda Federaalka ah ee Somali, Xassan Sheikh Mohamoud.




Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Erdogan waxa uu ku tilmaamay mashruucani in aanu ahayn mid u gaar ah Turkiga oo qudha, laakiin u faa'iideynaya ban'iiaadamka oo dhan.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com