Sunday, October 27, 2013

Ciidanka Bilayska Somaliland oo Xabsiga u taxaabay Madaxii Xarunta Dhaqan-celinta Dhalaanka Hargeysa Luul Xasan Mataan


Hargeysa(GNA)-Ciidanka booliska Somaliland ayaa goor dhaweyd Xabsiga u taxaabay Haweenay Madax ka ah xarun Derbi jiifka lagu xanaaneeyo oo ku taala Magaalada Hargeysa.




Luul Xasan Mataan, ayaa madax ka ah xarunta Derbi-jiifka ee Mustaqbal oo muran soo noqnoqday xukuumadda kala dhexeeyay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Boolika oo la xidhiidha sababta xadhigeeda ka dambeysa, balse saraakiil la hadlay Gobanimonews ayaa sheegay inuu salka ku hayo muranka xarunta ay maamusho ka taagnaa.




Xarunta mustaqbal ayaa sanadkii 2007-da lagu dhisay si tabaruc, waxaana xiligaasi qorshaha lagu dhisay hormuud ka ahaa Luul Xasan Mataan iyo Madaxa Hay’adda Maxaliga ah ee ODHA  Faadumo Siciid.




Wasaarada Qoyska iyo arrimaha Bulshada, ayaa dhawr jeer isku dayday inay ka wareejis Marwo luul Maamulka Xarunta oo ay si rasmiya ula wareegtay sanadihii 2010-kii, intii ay xukuumadda Siilaanyo jirtay.




Gabadhan la xidhay ayaa ka sekow madaxtimimadeeda Xarunta, ah Xaaska Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha xukuumaddii Rayaale, waxaanay dhinaca kale walaalo yihiin Maareeye ku xigeenka Telefishanka Qaranka oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wiil ay walaalo yihiin oo magaciisa la yidhaahdo Qaasim Xasan Mataan.




Luul Xasan Mataan, ayaa sidoo kale walaal la ah ama ay wada dhasheen Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Prof Cabdirashiid Xasan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com