Hargeysa(GNA)-Shirkadda Isgaadhsiinta ugu weyn Somaliland ee Telesom oo saaka illaa xalay qaybo ka mid ahi ciladaysnaayeen ayaa raali-gelin ka bixisay ciladaas oo ay sheegeen in ay hagaajiyeen.
“Shirkadda Telesom waxay raaligelinaysaa macaamiishii hawada ka maqnayd mudadii kooban ee uu hakadku kaga yimi isticmaalka adeega Telefoonka” sidaas waxay shirkaddu ku sheegtay farriin kooban oo ay ku soo dirtay qaybteeda farriimaha ee Mobile-ka gacanta.
Cilada saaka ku timi shirkadda Isgaaddsiinta Telesom ayay dadweynuhu aad u dareemeen kadib markii ay is maqli waayeen dadweynaha isticmaala adeegoodu, waxaana mashquul galay guud ahaanba wicitaanka Shirkadda ilaa xili dambe oo wakhti qadihii ku dhadhow.
Saraakiil Shirkadda u hadlay oo Gobanimonews la xidhiidhay ayaa sheegay inay ciladu ku timi si hab farsamo oo lagu balaadhinayay Adeegyada shirkadda ee dhinaca Talefoonada.
Shirkadda Telesom, ayaa ah shirkadda ugu baaxada balaadhan dhinaca Isgaadhsiinta waddanka, waxaana Telefoonkeeda gacanta isticmaala tirada ugu badan ee Bulshada reer Somaliland ee wata Mobile-ka gacanta.
Dadweyne badan ayay maanta danahoodu kaga lumen ciladan waxaana la dareemay faa’iidada Adeega shirkadaasi bulshada ugu fadhiyay, wallow intii aya xanibnayd maanta hawlo badani ka dayacmeen bulshada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com