Dimishiq(GNA)-Afhayeen u hadlay Hay’ada Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegay maanta oo talaada ah inay baaris ku hayaan 12 caruur ah oo ay ka muuqdaan calaamado la mid ah kuwa cudurka dabeysha, dalka Syria.
Kiisaskan Dabeysha ee la xaqiijiyay waxa ku jira caruurta laga helay kuwo aad u yar yar, kuwaas oo la aaminsanyahay inaanay hore u qaadan talaalka ka hortagga cudurka dabeysha.
Cudurka Dabeysha ayaa ah mid la isugu gudbin karo cunada iyo biyaha, waxaana halistiisa laga dareemay waddamo badan oo caalamka ka mid ah, khaasatan wadamada Aasiya iyo Afrika.
Dalka Syria ayaan cudurkan lagu arag tan iyo sanadkii 1999kii, laakiin WHO ayaa ka digtay horaantii bishan in dalkaasi uu halis xooggan ugu jiro xanuuno badan, sababo la xiriira colaadda ka sii socota iyo adeega caafimaadka dawliga oo aanay shacabku intooda badan heli karin.
Sarkaal u hadlay WHO ayaa ka digay in maadaama dabeysha la isqaadsiiyo dadka faraha badan ee ka cararaya dalkaasi ay isu gudbin karaan, sidoo kalena ay u gudbin karaan dadka ku nool dalalka ay u talaabayaan.
Wadamada Turkiga, Masar iyo dalal kale oo ka mid ah Qaaradda Yurub, ayaa khatar ugu jira inuu cudurkani ku faafo, maadaama ay yihiin meelaha ay Qaxoontiga Syrian-ka ahi u qaxaan.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com