Tuesday, October 29, 2013

Xildhibaan Qabille oo cayaayir ku tilmaamay hadal uga yimi Cukuse iyo Bilayska oo qabtay Nin kale oo ku Eedeysan falkii uu ka badbaaday


“Ismaaciil Laan-gadhe oo bilaysku maanta qabtay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shan Nin oo weerarka ku wada jiray”




Hargeysa(GNA)-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa maanta gacanta ku dhigay nin kale oo ka mid ah shan Nin oo ku eedeysan Weerar 21-kii bishan lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo markii hore sarkaal Ciidanka ka tirsan oo qudha loo haystay, balse hada la sheegay inay qayb ka ahaayeen tiro afar nin oo kale oo uu ku jiro kan maanta la soo qabtay.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Boolisku, Ismaaciil Laangadhe oo ka mid ah Eedeysaneyaasha weerarka xildhibaanka ku wehelinayay Tabaarig Maxamed Ducaale, ayaa Maanta laga soo qabtay deegaanka Dacar-budhuq, halkaasoo laba maalmood ka hor laga soo qabtay Ninkii falkaasi qirtay ee Askariga ah.




Ninkaan ayaa la sheegay in markii Xildhibaanka Rasaasta lagu riday uu isagoo hubaysan ku jiray Gaadhi ay wateen shanta uu ku jiro ee Kiiskan ku eedeysan, waxaana la sheegay inay wali bilaysku raadinayaan saddex kale ee maqan.




Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ah Dhibanahan raga loo soo xidh-xidhay, ayaa markii ugu horaysay soo dhaweeyay hawl-galka hay’adaha amaanku ku soo qab-qabteen Nimankaasi.




Xildhibaanka ayaa sheegay in nimanka kale ee la raadinayaa la socdeen Tabaarig markii uu rasaasta ku riday, waxaanu dhanka kale jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhayay maalmahan wasiirrada xukuumadda ee uu la xidhiidhiyay inay soo maleegeen weerarka lagu soo qaaday.




“Shan Nin oo hubaysanbay ahaayeen oo Gaadhi wada watay oo kan  markii hore la soo qabtay ku jiro, kuwa kalena waa lagu daba jiraa, si wanaagsana ilaa hada kiisku wuu u socdaa si baaadhistu u noqoto mid xogteeda loo wada halona waxaan ku boorinayaa hay’adaha amaanku inay soo qabtaan kuwa kale ee maqan”ayuu yidhi Xildhibaan qabille oo Gobanimonews la hadlay.




Waxaanu intaasi raaciyay isagoo Hay;adaha maanka bogaadin u diraya “Ilaa hada sida hawshu u socoto waan ku kalsoonahay, waanan soo dhaweynayaa, waxaanse bilayska ku adkeynayaa in la dedejiyo, dhamaan dadkii ka dambeeyay weerarkii laygu soo qaaday 21 bishan”.




Xildhibaan Qabille ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Wasiir ku-xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor, kuwaasoo  eedeyn uu weerarkiisa uga jeediyay ka dib, kaga jawaabay inaanay wax lug ah ku lahayn falkaasi, isla markaana Hay’adaha Garsoorka uga dacwoonayaan,  Xildhibaan qabille.




“anigu Kiiskayga waan tegay hay’adaha baadhista wixii aan u gudbiyayna waan u gudbiyay, laakiinse Nimanka kiiska ku eedeysan ee dafirayaa haday ka doodayaan horta ha iska baraxeen, maxay Hay’ado sharci hortegi iyagiibaa dil loo haystaaye, Nin dil loo haystaa siduu u dacwoon karaa, horta ha iska dul qaado tan lagu haysto”ayuu Xildhibaan qabille sheegay isagoo la hadlayay Gobanimonews.




Si kastaba ha ahaatee weerarka xildhibaanka ayaa nusqaan amni iyo mid siyaasadeedba dalka ku soo kordhisay, ka dib markii lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin xubno ka mid ah Golaha wasiirrada xukuumaddu fulinta weerarkaasi, isla markaana si gaar ah farta loogu fiiqay in Wasiir ku-xigeenka amniga oo kaashanaya saraakiil kale oo dawladdu u shaqeeyaa Lacag ku bixiyeen sidii Mudanahan loo hujuumi lahaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com