Hargeysa(GNA)-Xisbiga kulmiye ayaa Shaaciyay tiradda Ergada ka soo qayb-gelaysa shirweynaha xisbigaasi ee bisha December u muddeysayn.
801 Ergay ayaa la sheegay inay ka qayb gelayaan shirweynaha xisbiga sida lagu go’aamiyay shir maanta ay yeesheen guddida fulinta iyo hogaanka xisbigaasi, kaasoo qabsoomay maalin ka dib dar-daran iyo duco madaxweyne Siilaanyo shalay madaxtooyada ku siiyay hogaanka iyo Guddiyada xisbigaasi ee shirka ku foogan.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay caawa Xafiiska xisbigaasi , ayaa lagu shaaciyay tirada Ergada iyo arimo kale oo la xidhiidha hawlaha xisbiga, waxaanu warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warqabadka Gobanimonews ee Hargeysa u dhignaa sidan:=
WAR-SAXAAFADEED
28/10/2013
UJEEDDO: NATIIJADA SHIR GUDDIGA FULINTU YEELATAY
“Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wadahadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qaybgalay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.
Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey”ayaa lagu yidhi.
ALLAA MAHAD LEH
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com