Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Xaga Horumarka iyo Binu-Aadanimada ee Somaliland iyo Somaliya Mr. Philippe Lazzarini, kaasoo booqasho ku jooga Somaliland.
Kulanka ayaa wakhti socday, ka dibna markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kaasoo sheegay in labada dhinac wada hadleen arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay xidhiidhka Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo barmaamujka loo yaqaano New Deal-ka ee dhawaan Bilguim-ka lagu ansixiyay.
Halka Daawo Kulanka iyo faahfaahinta Wasiirka:-