Saturday, October 26, 2013

Mombasa: Rabshaddo ka dhacay Masaajid laga madnuucay Muxaadirooyinka Jihaadka oo Dhalinyaradu ku xidhnayd






Mombasa(GNA)- Rabshado ayaa dhacay xalay Masaajid ku yaala Magaalada Xeebta ku taala ee Mampasa ee dalka Kenya, ka dib markii ay isku dhaceen Dhalinyaro Muxaadirooyin Jihaadka ku saabsan halkaasi looga marin jiray iyo Guddida Maamusha Masaajidka Muusa ee Magaaladaasi.




Guddida Masaajidka ayaa  joojiyey  Maxaadirooyin Jihaadka lagaga hadlo oo dhalinyarada looga jeedin jiray, ka dib markii Hay’adaha amaanka iyo Saxaafaddu si weyn indhaha ugu soo jeedjiyeen Masaajidkaasi iyo dadka ku xidhan, tan iyo markii la fuliyay weerarkii westgate mall bishii hore dabayaaqadeedii.




Masaajidkan ayaa loo arkay in farimaha jihaadka ee laga jeediyo  lagu dhiiri gelinayo taageerada Ururada xag-jirka ah, taasoo sababtay inay Culimada gacanta ku haysaa talaabo lagaga hortegayo Khatar kaga timaada dhanka Dawladda u joojiyeen Muxaadirooyinka.




Muxaadirooyinka Dhalinyaradu ku xidhnayd ee Jihaadka waxa ka jeedin jiray laba wadaad oo lagu dilay dalka Kenya oo la kala odhan jiray Cabuud Roobow iyo Sheikh Ibraahim Roobow, kuwaasoo lala xidhiidhin jiray inay gacan saar la leeyihiin Ururka Al-shabaab.




Wariye Maxamed Cabdi Bootaan oo ka mid ah dadka Masjidka Rabshaduhu ku dhaceen ku tukada ayaa ka waramay sida ay wax u dhaceen“Rabshadahan ka dhacay Masaajidka Muusa oo ka mid ah masaajidda Magaalada Mambasa,waxay ka dhasheen, go’aan Guddida Masjidku ku joojiyeen Muxaadirooyin Jihaadka ku saabsan oo laga jeedin jiray, iyadoo Guddidu qortay warqad ay ku dalbanayaan inaan la jeedin Karin muxaadiro aan la soo marin Golaha masjidka, dabadeed dhalinyarada masjidka ku xidhnayd ayaa bilaabay inay sii wadaan Muxaadirooyinkaasi, oo ay ka jeedin jireen laba sheikh oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Mambasa oo dhawaan la dilay”ayuu yidhi.




Wariyaha ayaa intaasi ku daray inay Ciidanka Amaanka ee Magaalada Mambasa masaajidka soo gaadheen wax yar ka dib markii muranku bilaamay, isla markaana dibada looga soo saaray masaajidka labadii kooxood ee rabshadu dhex martay.




Arrintan ayaa muujinaysa saameynta uu Weerarkii dhismaha westgate ku amaanka iyo xoriyada Muslimiinta Kenya, kuwaasoo ay hada si ka duwan sidii hore ula socdaan Hay’adaha amaanku, isla markaana cabsi badani la soo deristay.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com