Jowhar(GNA)-Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goor dhaweyd ku toogtay badhtamaha magaalada Jowhar Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada Somalia ee halkaasi fadhigoodu yahay.
Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Xuseen Cumar Hilowle (MOOJA MOOJA), ayaa Koox Baastoolado ku habaysani Caloosha xabad kaga dhufteen,waxaanu geeriyooday wax yar ka dib iyadoo lagu sii waddo cisbitaalka Magaalada Jowhar, sida ay goob-joogeyaal warbaahinta u xaqiijiyeen.
Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah deegaamada nabddoon ee dalka, ka dib markii sanadkan gudihiisa laga saaray Dagaalyahanada Al-shabaab, isla markaana ciidamada dawladdu si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.
ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka, lamana sheegin in cid loo qabtay falkan iyo in kale, balse dad ku sugan agagaarka goobta dilku ka dhacay, ayaa Gobanimo u xaqiijiyay inay halkaasi ciidanku hawl-gal ka bilaabeen, wakhti yar ka dib markii weerarku dhacay.
Waa dilkii ugu horeeyay ee noocan ah ee Magaalada ka dhaca inta la ogyahay muddadii dawladdu gacanta ku haysay Jowhar, waxaana lagu waramayaa inay xaalada Magaaladu degentahay hada, balse cabsi amaan uu sababay weerarka lagu dilay sarkaalku.
Gobanimomews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com