Thursday, October 31, 2013

Quraanka iyo Dareenka Maqaarka!Akhri qormo Cilmi ah W/Q Siciid Gahayr


Maqaarku waa xubinta ugu ballaadhan ee jidhkeenna ku jirta, waana xubinta ugu soo xigta xagga dusha (oogada) sare xubnaheenna. Waxaanu qabtaa shaqooyin kala duwan oo waxtar u leh noolaha, sidaasna waxa  lagu caddeeyay cilmiga barashada maqaarka ama dubka ee loo yaqaanno “Dermatology”. Shaqooyinka uu qabto waxa ka mid ah:




1. Maqaarku waa gaashaanka jidhkeenna ka celiya in ay soo galaan xayawaannada yar yar ee sababa xanuunnada (pathogens), kuwaas soo u gudbi lahaa gudaha iyaga oo ka imanaya dibadda.




2. Maqaarku waxa uu soo nuugaa Faytamiinka loo yaqaanno “Vitamin D”, oo uu ka soo dabro fallaadhaha cadceedda, oo loo yaqaanno Faytamiinka Ileyska Cadceedda (sun shine vitamin). Waxa uu lagama maarmaan u yahay lafaheena, la’aantiisna waxa dhaca xaalad la yidhaahdo lafo-jilica (Rickets).




3. Maqaarku waxa uu ka qaybqaataa qaboojinta jidhkeennu marka uu kululaado.  Sidoo kale waxa uu door ka ciyaaraa kulaylinta  marka uu qaboobaado ee uu heer-kulka jidhku hoos u dhaco. Guud ahaanna waxa xubin muhiim u ah ka joogtaynta heer-kulka jidhka (Thermo regulation).




4. Maqaarku waxa uu nuugaa qaar ka mid ah fallaadhaha kulkulul ee ay cadceeddu soo dayso loona yaqaan “Ultra Violet Rays” oo sababa kansarka maqaarka ku dhaca, waxyeellona u geysta walxaha hiddaha ee jidhka.




5. Maqaarku waa xubin ka mid ah xubnaha dareen-wadka, waxaana jidhkeenna ku jira dareen-wadayaal saddex nooc ah, kuwaas oo kala ah:




A. Sensory Neurons oo ah dareenka ka qaada maqaarka ee gaadhsiiya maskaxda(brain) ama xangulaha(spinal cord). Dareen-wadayashaa ku jira maqaarku waxa ka mid ah:




    Pacinian Corpuscle oo qaada dareenka cadaadiska.




    Meisseneirs corpuscle oo qaabilsan dareenka taabashada.




    Ruffins end organ oo masuul ka ah dareenka qabawga iyo




    Dareenwadayaal kale oo qaada xanuunka, kulaylka IWM




B.  Motor Neurons oo iyaguna amarrada ka soo qaada maskaxda iyo xangulaha soona gaadhsiiya xubnaha jidhka ee uu maqaarku ka mid yahay iyo




 




C.  Multi Polar Neuron (Inter Neuron) oo laga helo habdhiska dareenwadka ee dhexe, shaqadooduna ay tahay in ay isku xidhaan sensory neuronska iyo motor neuronska.




 




Berigii hore lama ogayn in maqaarku yahay xubin dareen, waxaana loo haystay in maskaxdeennu dareento xanuunka, qabawga, kulaylka IWM, oo aanu dubku haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn.




Laakiin markii la baadhay arrinkan ayaa waxa la ogaaday in maqaarku yahay mid ka mid xubnaha dareenka ee jidhka.




Quraanka kariimka ah ayaa se arrinkaas ka warramay 1400 (kun iyo afar boqol )oo sano ka hor.  Ilaahay isaga oo ka warramaya ciqaabta ehlu naarka uu marsiin doono maalinta Qiyaamaha waxa uu yidhi:




 “Kuwii ka gaaloobay aayaadkayaga waxaanu gelin naarta, mar kasta oo uu gubto haraggooduna(maqaarkooduna) waxaan ku beddelnaa hargo (maqaarro) kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka.  Ilaahayna waa Casiis Xakiim ah”. Aayada 56 ee Suurat An-Nisaa.




Sababta uu Ilaahay u cusboonaysiinayo maqaarrada gaalada mar kasta oo dubkoodi dhammaado, waa in ay dhadhamiyaan cadaabka, waayo haddii diirkoodu dhinto ma damqayo cadaabku, oo maqaarku waa xubinta dhaadaysa cadaabka kulaylkiisa.




Miyaynaan odhan karin Quraanka ayaa 1400 oo sano ka hor sheegay in maqaarku yahay xubin dareen, iyada oo aanu sayniska casriga ahi wali arrinkaas ka ogaanba?   Jawaabtu waa Haa, sababtoo ah,  quraanka waxa soo dejiyay Ilaaha abuuray samooyinka iy dhulka iyo waxa u dhexeeyaba, oo ka cilmi badan cid kasta oo aqoon isu tuhunta.




Masaladan, waxa ay hawlwadeenno ka tirsan hay´ada Islaamiga ah ee Al-Xaramayn uga warrameen dhakhtar u dhashay waddanka Thailand, oo magaciisa la odhan jirey Dr Tejatat Tejasen oo haystay diinta Budiisamka.




Dr Tejatat Tejasen waxa uu Guddoomiye ka ahaa waaxda Anatomyga ee jaamacadda  Chiang Mai University oo ku talla Thailand, horena waxa uu u ahaa hormoodka (Dean) waaxda (faculty)  caafimaadka ee jaamacaddaas.  Digtoorku waxa uu joogay markaas  lala kulmay shirkii 8aad ee caafimaadka ee ka dhaca waddanka Sucuudiga, gaar ahaanna waxa uu  ku sugnaa Jaamacadda King Abdi Aziz.  Markii uu dhaktarku  arkay xogtii quraanka ku sugnayd ee looga warramay waa uu yaabay !!.  Xogtaas oo ahayd in Quraanku sheegay 1400 sano ka hor in maqaarku ka mid yahay xubnaha dareenka. Isaga oo sheegay in uu Quraanka ku raacsan yahay in maqaarku yahay xubin dareen, waxa uu se u qaadan waayay in Kitaabka Alle sii sheegay cilmi dhawaan la daahfuray muddo gaadhaysa 1400 sano ka hor.




Dr Tejajet waxa la weydiiyay su’aal ahayd: “Miyay suurto gal tahay in Nebi Maxamed SCWW uu xogtaas ka helo bani Aadan ama dad?”.  Dr Tejajat Tejasen waxa ku jawaabay “Macquul ma aha in cilmigaas laga helo bani Aadam xilligaas”.  Intaasi markay dhacday waxa uu  codsaday in loo sheego cidda laga helay warbixintan saxda ah 1400 sano ka hor? .  Waxaana loogu jawaabay“xogtan waxa laga helay Ilaahay oo ah Macbuudka dhulka abuuray, haddii xikmad la helana Ilaahay ayaa laga helaa waayo isaga ayaa Xakiim ah, haddii Cilmi la helana isaga ayaa laga helaa oo Caliim ah”.




Professor Tejatat Tejasen waxa uu garwaaqsaday warbixinta waafiga ah ee laga siiyay Ilaahay iyo Quraanka Shariifka ah.  Markii uu waddankiisii Thailand ku laabtay, waxa uu Digtoorku ardaydiisii uga warramay sida uu Quraanku uga hadlay maqaarka iyo mawduucyo kaleba, waxana hadalkiisii ku islaamay shan ka mid ah ardaydiisii !!. Waa Ilaahay mahaddii.




 




Sanad kaddib ayuu Dr Tejatat Tejasen ku soo laabtay dalka Sucuudiga waanu istaagay isaga oo erayadan leh “Saddexdii Sano ee u dambeeyay waxaan xiisaynayay Quraanka oo uu Sheekh Cabdilmajiid Az-Zaydani i siiyay sanadkii u dambeeyay.  Waxaan rumaysanahay in wax kasta oo aan shirkan ka arkay iyo wax kasta oo uu Quraanku qorayba ay run yihiin isla markaana lagu caddayn karo Saynis ahaan. Maxamedna waa Rasuulkii Ilaahay, Quraankan runta ahina waa mid uu Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Maxamed.  Ilaahayna waa Abuuraha u qalma inuu wax abuuro.  Imakana waxa la soo gaadhay wakhtigii aan odhan lahaa Laa Ilaaha illa Laah ee aan islaami lahaa”.




Halkii ayuu ku islaamay Dr Tejatat Tejasen oo markii hore haystay diinta Budiisam ka, Waxaanu dhakhtarku caddaymihii quraanka u turjumay luqadda lagaga hadlo waddankiisa Thailand oo ah luqada Thai-ga.  Sidoo kale waxa uu duubay cajalado ka warramaya sida uu Quraanku beri horeba u sii sheegay waxyaabo hadda ku cusub tijaabooyinka casriga ah ee Sayniska.




Ilaahay ayaa mahad leh, Ilaahaas innaga dhigay ummad Islaam ah, oo aan inaga dhigin qaar caabuda sanamyo aan waxtar lahayn, isla markaasna aan ka leexanin jidkii toosnaa ee Islaamnimada.




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)




saedmgahair@hotmail.com




Maroodi-jeex Schools




Facebook: Saeed Mohamoud Gahair