Muqdisho(GNA)-Xukuumadda Somaliya ayaa soo dhaweysay weerarkii lagu dilay Sarkaalka Al-shabaab ee shalay ka dhacay duleedka degma Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhoweeyay howl galkaasi
"Howlgalkaasi weerarka ah wuxuu ahaa mid u fulay sidii loogu talagalay, waana talaabo qeyb ka qaadaneysa nabadda iyo xasiloonida dalka" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Ibraahin Cali Cabdi waxaa uu khatar ku ahaa dadka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo caalamka oo dhan,iskaashi furan ayaana caalamka kala leenahay ciribtirka dadka noocan oo kale ah , kuwaasi oo khatar ku ah Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka oo dhan"ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliyaah Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku faantay in howl galkaas sidii loogu tala galay u fulay, hase ahaatee ma aanay sheegin cida ka dambeysay weerarka, iyadoo Mareykanka uu sheegtay inuu fuliyay weerarka diyaarada Drone ay ku dishay Sarkaalkaas.
Ibraahim Cali Cabdi ayaa la aaminsanyahay inuu ka qayb-qaatay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 29-kii bishan October ee sanadkii 2008 lagu qaaday Aqalka Madaxtooyada Somaliland, xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa iyo Safaaradda Itoobiya, sida ay Gobanimonews xogo lagu kalsoonyahay ku heshay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com