Friday, October 25, 2013

Maryan Geedi oo Sheegatay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Xara-dheere iyo Mawqifkeeda shirka Nairobi






Muqdisho()-“Hadaba inagu ma taageeri doonno qodobadii ka soo baxa Shirkaan looga hadlayo Maamul u sameynta Gobollada Dhexe eek a socda Nairobi waxna nagama quseeyaan” sidaasi waxaa tiri Maryan Cabdi Geedi oo sheegatay Madaxweynaha Maamulka Xaradheere State, maalin uun ka dib markii Nairobi laga furay shirka Maamul u samaynta Goboladda dhexe ee Somalia.




Maryan Cabdi Geedi ayaa horjeesatay shir Maamul loogu sameynayo Gobollada dhexe oo ka soconaya Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, waxaanay intaasi ku dartay in shirkaasi aan lagu Casuumin Maamulkooda , islamarkaana ay ka soo horjeedaan qodobadii ka soo baxay .




Maamulka Ehllu suna wal-jameeca ee Goboladda dhexe somaliya ayaa shalay ku dhawaaqay inaanay aqbalayn shirkaasi, kana soo horjeedaan wax kasta oo ka soo baxay.




Dawladda Somaliya ayaan Jawaab ah ka bixin aragtiyaha Maamul sheegtayaashu ka qabaan shirkaasi, iyo doorka ay ku leedahay qabashada shirkaasi toona.




\Maryan ayaa ah Haweenaydii ugu horaysay ee madaxweyne u sheegata mid ka mid ah Maamul Goboleedyada faraha badan ee ka jira Somaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com