Monday, October 28, 2013

SL: Amaanka Magaalooyinka oo la adkeeyay iyo Xafiisyada Hay’adaha Caalamiga ah oo Milateri lagu wareejiyay


“29 October Waa maalintii la weeraray Xafiiska UNDP , Madaxtooyada iyo Safaaradda Itoobiya ee Somaliland”




Hargeysa(GNA)-Amaanka Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loo adkeeyay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, siiba Maanta oo Isniin ah, sababo la xidhiidha foojignaan lagaga hortegayo dareemo laga qaatay in Kooxaha wax qarxiyaa ama Argagixisadda ahi weeraro la maaganyihiin dalal ay Somaliland ka mid tahay.




Goobaha Xafiisyada Dawladda iyo Hay’adaha Caalamiga ahi ku jiraan, gaar ahaan agagarka Xaafadda Shacabka ilaa Eeriyadda warshadii hore ee Pepsiga, ayaa la dhigay Ciidamo tiro badan oo Milateri iyo Bilays isugu jira, kuwaasoo Gaadiidka si xoog ah u baadhayay “Haa Meel kasta waxa la taagan Ciidan, waxaanay baadhayaan Gaadiidka, sidoo kale laamaha kale ee amniga ayaa si xoog ah u shaqaynayay maalmahan, waana talaabo lagu sugayo amniga”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka amniga.




Foojignaan Ciidanka amniga la geliyay iyo hawlaha socda, ayaa salka ku haya laba arimood oo ah xuska sanad-guuradii 5-aad Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa sanadkii 2008-dii laga fuliyay Saddexda xarumood ee Magaalada, taasoo ku beegan 29 Bishan  October “sababaha amaanka loo adkeeyay waxa  ka mid ah waxa berri ku beegan 29 October oo maalintii qaraxyada lala beegsaday Safaarada Itoobiya ee Hargeysa, Madaxtooayada iyo Xafiiska UNDP”ayuu yidhi mid ka mid ah Saraakiisha oo isna Gobanimo la hadlay.




Arrinta labaad ayaa ah mid muddoba soo socotay oo ku saabsan digniintii Al-shabaab horaantii bishan  u dirtay waddamada Somaliya ku gedaaman, taasoo Somaliland ka mid tahay waddamada ay liishaanka ku hayso, isla markaana laga cabsi qabo inay weeraraan xarumaha danaha reer Galbeedka iyo kuwa dawladda ee muhiimka ah.




Agagaarka Xafiiska Hay’adda UNDP, ayaa la daadiyay Ciidamo Milateri ah, kuwaasoo waddooyinka xafiiskaasi soo gala gaadiidka si xoogan ugu baadhayay,lana arkayay iyagoo baabuurta safaya parkin-da, dabadeed ilaa gudaha baadhaya.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Hay’adaha kale ee Nabad-gelyada, balse sida ay Saraakiisha Bilayska qaarkood sheegeen foojignaanta dheeraadka iyo baadhitaanada socda ayaa sii socon doona ilaa wakhti aan cayimnayn.




Ugu 28 Qof, ayaa ku dhintay, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen weeraro Argagixiso oo 29-kii bishii October 2008-dii lala beegsaday Dhismaha Madaxtooyada, Xarunta UNDP iyo Xafiiska Safaarada Itoobiya ee Somaliland.




Waxaana weerarkaasi fuliyay, Naftood hureyaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo uu ka mid yahay Shirwac Axmed oo ahaa Somali haystay dhalashada Maraykanka oo sida rumaysanyahay ka mid ahaa ilaa 20 Dhalinyaro Somali maraykan ah oo wakhti yar ka hor xiligaasi ku soo biiray Ururka Alshabaab.




Weerarkan ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee Ururka Al-shabaab ka fuliyay deegaamada Somaliland, waxaanu bilow u ahaa kuwo kale oo baaxadda Khasaarahoodu ka sahlanaa kan, balse saameyntooda yeeshay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com