Wednesday, October 30, 2013

Gabiley: 11 ka mid ah Golaha Deegaanka Magaalada oo Xabsiga loo taxaabay, maalin ka dib mudaharaadkii Jaamacadda


Gabiley-(GNA)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin geedi Yamarug oo uu weheliyo Taliyaha saldhiga gabiley cabdi sebanle ayaa xabsiga u taxaabay  11 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Gabiley , sida ay Warbaahinta qaarkeed sheegtay.




Magacyada xildhibaanada la sheegay in la xidh-xidhay ayaa kala ah sidan:




1-xildhibaan xasan Axmed awmaxamed




 




2-Xildhibaan Amiin cumar cabdi




 




3-Xildhibaan mustafesayid abokor




 




4-Xildhibaan Iid xasan cabdi




 




5-Xildhibaan Dr Axmed maxamed cali(Sanguba)




 




6-Xildhibaan Axmed siiciid kibaar




 




7-Xildhibaan C/samad sh. Aadan jamaado




 




8-Xildhibaan Caydaaruuus c/laahi sheedaal




 




9-Xildhiban cali axmed yuusuf




 




10-xildhibaan c/samad ciidle cali




 




11-xildhiban c/qaadir maxamed faarax




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka iyo madaxda Golaha deegaanka Gabiley oo la xidhiidha arrintan, balse waxay salka ku haysaa sida ay Gobanimonews dadka deegaanka qaarkood ka heshay xadhiga xildhibaan Golaha ka tirsan oo maanta la xidhay.




Magaalada Gabiley, waxa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka taagnaa muran ku saabsan shaqaalaha ka hawl-gelaya Tirakoob Dawladdu samaynayso oo ay Ardayda Jaamacaduhu ka biyo diideen dad hargeysa laga keenay oo ka hawl-gelaya.




Si kastaba ha ahaatee khilaafka jira iyo xadhiga xildhibaanadan ayaa noqonay kii ugu horeeyay ee noocan ah ee Maamulka Gobolka iyo bulshada qaybaheeda kale iskaga hor-yimaadaan.




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com