Wednesday, October 30, 2013

40 ka mid ah Askarta UGANDA ee Somaliya ku sugan oo la xidh-xidhay iyo Faddexad Musuqmaasuq oo loo haysto


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 40 ka tirsan ciidamada Uganda ee ka hawl-gala Dalka somaliya ayaa xabsiga loo taxaabay , ka dib markii lagu eedeeyay inay xadeen qayb  ka mid ah saadka Ciidamada AMISOM.




Raga ayaa loo qaaday Dalka Ugadha si halkaasi kiiskooda loogu baadho, waxaana la sheegay inay lunsadeen SAAD isugu jira hub , rasaas iyo shidaal.




AMISOM ayaa Taageero dhaqaale ka hela qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, waxaana ujeedada somaliya loo keenay ay tahay dib u soo celinta amaanka waddanka oo bur-bursanaa 23 sanadood.




Afhayeen u hadlay milateriga Ugandha, ayaa xaqiijiyay in askar ciidankooda ka tirsan la xidh-xidhay.




”Waxaan u qaadanay si adag eedeymaha naloo soo jeediyay waana mid aan la ogolaan karin in la iibsado cunada loogu tala galay ciidamada” ayuu yiri Captain Padi Akunda oo u hadlay ciidamada Ugaandha.




“Ma aqbaleyno in dad kooban ay halis galiyaan howl galka balaaran ee ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya ayuu sii raaciyay hadalkiisa afhayeenka u hadlay Ciidamada Uganda.




Afhayeenka u hadlay Ciidamada Uganda Pandhi akunda ayaa sheegay in ciidamada iyo saraakiishaas la xiray sida ugu dhakhsiyaha badan maxkamad la soo taagi doono.




Eedeymahaan loo soo jeediyay Ciidamadaan Uganda eek u jira AMISOM ayaa minjo xaabinaya Kalsoonida Ciidamada kale ku qabi karaan inay la wadaagaan Saadka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.




Hogaanka Amisom ayaa dhawaan laga wareejiyay Uganda, waxaana lagu wareejiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Djabouti.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com