Berbera(GNA)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si qaawan u weeraray Gaadiid ay leedahay Shirkadda dhisaysa Madaarka Berbera.
Maxamuud Xaashi ayaa maalin saddexaad amar ku bixiyay in la soo xidho Gaadhi Xaajiyad ah oo iyo mid Lancruiser Land Rover ah, kuwaasoo ka mid ah Gaadiidka loogu talo galay in lagaga shaqeeyo Dhismaha Madaarka Berbera oo ay qadaraastay Shirkad waddani.
Labadan Gaadhi ayaa la sheegay wasiir xaashi inuu damac kaga jiray tan iyo markii ay shirkaddu la soo degtay, isla markaana dhawr jeer uu waydiistay Maamulka Shirkadda in loo bedelo oo uu isagu gaadiid u soo kireeyo Shirkadda.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan wasaaradda Duulistu, wasiirka ayaa laba maalmood ka hor amar ku bixiyay in la soo xidh-xidho labadaa gaadhi iyo darawaliintooda, isagoo aan wax xidhiidh ah kala sameyn Maamulka Shirkadda oo sida la sheegay dalka ka maqan.
Bixinta amarkaasi ayaa la sheegay inuu fuliyay Taliyaha Madaarka Berbera oo ah sarkaal ay wasiirka isku qoys yihiin, waxaana la sheegay in isla markiiba mid ka mid ah labada gaadhi laga qabtay Magaalada Berbera isagoo shaqada ku jira, halka kii kale uu darawalkii waday ku xareeyay xarunta shirkadda ee Berbera.
Inkasta oo sida uu dhigayo Heshiiska Shirkaddu ku gashay qandaraaska Madaarka labadan gaadhi marka hawshu dhamaato lagu wareejinayo wasaaradda, hadana waxa la sheegay inuu wasiir Maxamuud Xaashi sugi kari waayay inta la dhamaystirayo Madaarka, isla markaana doonayo inuu Khasab kula wareego Gaadiidkan oo qayb ka ah Agabka Shirkaddu ugu talo-gashay inay shaqadeeda ku qabsato.
Arintan ayaa muujinaysa Maamul xumadda iyo Macangagnimada Wasiirkan oo hore ugu fashilmay Dhismaha Madaarka Hargeysa, iminkana doonaya inuu khal-khaliyo ka Berbera oo ay meel fiican marayso hawshiisu, si wanaagsana u waddo Shirkadda qadaraastay oo Khubaro Ajaanib ah iyo kuwo Mawaadiniin ahba ka shaqaalaysiisay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda Conseng madaarka Dhisaysa, balse waxa la sheegay in talaabada Wasiirku qaaday durba saameyn ku yeelatay hawshii dhismaha Madaarka, baahidii gaadiidkaasi shirkaddu u soo iibsatayna banaantahay.
Noomay suurto gelin inaanu helno Wasiir Xaashi si aanu wax uga waydiino sababta uu talaabadan u qaaday, balse ilo-wareedyo ku dhadhow ayaa sheegaya in sababta uu arrintan u samaynayaa ay tahay si uu labada Gaadhi mid ka mid ah ula wareego oo uu ugu qaato si gaar ah, taasaana ah waxa ku kalifay inuu xoog kula wareego Gaadhi Qaranku leeyahay oo hawshii loogu talo-galay iyadoo aan lagu dhamaystirin uu u amro in loo soo xidho.
Dhinaca kale, waxa la sheegay in Wasiirka duulista Hawadu maaganyahay in dib loo xidho Madaarka Hargeysa mar kale bilaha soo socda, si uu mar kale qandaraaskii fashilmay mid la mid ah oo uu ku doodayo in lagu dhamaystirayo dhabaha Diyaaradaha uu u xidhayo Madaarka.
Wali qorshaha lagu xidhayo Madaarka Hargeysa dibada umuu soo wada bixin, balse saraakiil ka tirsan wasaaradiisa ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu socdo qorshahaasi, bilaha soo socdana uu ku talo jiro inuu ku dhaqaaqo.
Si kastaba ha ahaatee Musuqmaasuqa iyo Maamul Xumadda Wasiirka Duulista Hawadda ayaa u muuqata mid madaxweyne Siilaanyo ugu hamranayo Qabyaalad cadaan, maadaama uu ka mid yahay shanta Wasiir ee Beeshiisa ka soo jeeda ee ma dambaabeyaasha ah.
Waayo hadii aanay sidaasi ahayn, waxa Madaxweyne Siilaanyo talaabo ka qaadi lahaa xiligii uu ku fashilmay Madaarka Hargeysa ee uu isagu difaacayay dhaliilaha muuqda ee kaga soo noqday Madaarkii shanta Milyan ee Dollar.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com