Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega 8da ee koobka Capital One Cup ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa Emirates Stadium.
Labada tababare ee Wenger iyo Mourinho ayaa wax ka bedelay line-upkooda kulankii ugu danbeysay ee Premier League, iyadoo Chelsea ay kulankeedii labaad ciyaareysay in ka yar muddo 48 saacadood ah.
Blues ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 24aad markii Jenkinson kubad uu damcay inuu madax ugu dhiibo goolhaye Fabianski uu dhexda ka helay daafaca Chelsea Cesar Azpilicueta kaasoo si habsami leh shabaqa u dhex dhigay.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay natiijadaas oo ay 1-0 ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.
Qeybtii labaad Arsenal ayaa isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabatay laakiin Chelsea ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 66aad markii Juan Mata uu koontaroolay kubad uu madax ku soo taabtay Willian ka hor inta uusan shabaqa la beegsan isagoo goolka ka soo toogtay meel ka baxsan xerada goolka.
Ciyaar fiican oo weerar ah ka dib Chelsea ayaa ku badisay 2-0 islamarkaana Arsenal ka reebtay koobka Capital One Cup, kuwaasoo markii ugu horeysay muddo 11 sanno ah ku hara booskaan, waxaana Chelsea ay haatan u soo baxday wareega 8da koobka League Cup.
Waxaa wareegaas kula biirtay Manchester United kuwaasoo iyagana 4-0 kaga badiyay kooxda Norwich City oo marti ugu aheyd Old Trafford.
Guusha ay gaartay Man United waxa ay uga mahadcelineysaa Javier Hernandez kaasoo dhaliyay labo gool labadii qeyb ee ciyaarta, iyadoo mid ka mid ah goolasha ay aheyd rigoore.
Waxaana dhamaadkii ciyaarta gool seddexaad dhaliyay Phil Jones, iyadoo daqiiqadii 4aad ee 10 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray uu shabaqa soo taabtay Fabio oo u afareeyay United islamarkaana dhaliyay goolkiisii 3aad ee mustaqbalkiisa United.
Waa markii 8aad ee 11 xilli ciyaareed oo Man United ay u soo baxdo wareega 8da ee League Cup.
Kulamada kale Leicester City ayaa iyadana u soo baxday wareega 8da ka dib markii ay 4-3 kaga badiyeen Fulham, halka West Ham ay 2-0 kaga badisay Burnley.