Sunday, October 27, 2013

Somaliland oo Masar kala hadashay Mashaariic waxbarasho iyo Mashaakilka Haysta Jaaliyadda


Qaahir(GNA)-Waxaa maanta oo ah Sabti oo taariikhdu tahay 26/10/2013. Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxabarshada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan, ayaa kulan socday muddo saacad iyo badh ah xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka waxabarshada sare ee wadanka Masar AL Daktoor .Husam Ciisa oo uu waheliyo  wakiilka madaxa qaybta hawlaha Wax barashada iyo dhaqanka ee dalka masar Alstaad Dr. Mahamed Samir Xamse.




Kulankaasi oo lagu sheegay mid aad u muhiim ah waxa lagu soo qaaday lagana wada hadlay arrimo khuseeya wax barashada iyo xaalada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Masar iyo mashaakilka ka haysta si loo xalin lahaa iyo sidii loo heli lahaa deeqo wax barasho oo hor leh .




War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa lagu sheeegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Wasiirka wax barashada somaliland ay u bandhigeen arrimo ku saabsan deeqda waxbarasho ee dalka Masar u siiyo Somaliland taas oo ardaydii ugu horeysay oo 10 ah ay dhawaan iman doonaan dalka Masar oo Wasiirka wax barashada sare ee dalka Masar balan qaaday in ay si dhakhso ah ay dalka iman doonaan iyaga oo ku socdaalaya Baasaboorka Somaliland.




Dhinaca kale waxa wasiirka wax barashada sare ee Masar balan qaaday in Masar ay somaliland siin doonto deeqo wax barasho oo u gaar ah Somaliland.




Kulankan oo ku dhamaaday jawi dagan iyo is afgarad buuxa wuxuu ka dhacay xafiiska Wasiirka wax barashada sare ee dalka Maser iyada oo weftiga Somaliland ee u hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibeddu ay balamo dhawr ah oo kale la leeyihiin laamaha kale duwan ee dawladda.




Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay isku soo horfadhiistaan Madax ka socota xukuumadda Somaliland iyo Dawlada ku-meel gaadhka ah ee Masar, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Masaarida Maxamed Mursi.




Waxaanu xidhiidhka kulankan lagu bilaabay noqonayaa mid ugub ah oo ay Labada dhinac yeesheen xili aanay dawladda Masaarida ee Milaterigu taageeraa cago adag ku taagnayn, isla markaana wali dalka ay ka sii socdaan qul-qulatooyinkii bilaabay bishii April.




Boqolaal arday waxbarasho ku jirta ah iyo dad kale oo u dhashay Somaliland ayaa ku sugan dalka Masar, kuwaasoo qaarkood culays badan iyo Cabsi amaan soo waajahday xiligii Kacdoonaddu ka socdeen dalka Masar.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com