Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Calin Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay dhawr arimood oo ay ka mid tahay falal amni daro oo dhawaan dalka ka dhacay iyo arrimon kale.
Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay ogaadeen in qaar ka mid ah Maxkamaddaha dalku la shaqeeyaan Dhalinyarada Rabshadaha amni daro sameeya, kuwaasoo uu ku eedeeyay in dadka la soo xidh-xidho ay sii daayaan, iyadoo aan wax ciqaab ah la marin.
“waxa ayaan daro ah oo aan wanaagsanayn in halkan laga sheego, balse aanu ogaanay inay Maxkamaddaha waddankeena qaarkood la shaqeeyaan Dhalinyarada falalka amni daro aanu u soo qabanay oo inta ay wax yar ka qaataan dabadeed sii daayaan, uyadoo aan wax ciqaab ah la marin, Dhalinyaradaasoo inta badan geysta Kufsi iyo falal kale oo amni daro”ayuu yidhi Cali waran cadde.
Waxaan intaasi ku daray “dad badanbaanu soo qab-qabanay hada oo xidhan,dhakhsona waxa loogu xukumi doonaa ciqaab”ayuu yidhi.
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in dhalinyarada baxsada inta ay falaal amni daro ah geystaan, ay ku bedelayaan waalidkooda “dhalinyarada loo taagi waayo waxaanu ku bedelaynaa waalidkooda oo aabihii ama Hooyadii ayaanu xidhanynaa k aka waantoobi waaya dhibataynta Bulshada”.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta Baasboorka Somaliya oo beryahan dambe mawduuceedu taagnaa, waxaanu sheegay inay dhawaan dawladdu samayn doonto Baasboor cusub oo Somaliland leedahay oo saddex sanadoodle ah, kaasoo dadku dibada ugu dhoofi doonaan.
Muddooyinka dambe ayaa waxa Magaalada Hargeysa ku soo badanayay falal amaanka lagu khalkhal gelinayo oo ay fuliyaan Kooxo dhalinyaro ah, kuwaasoo Tuugo iyo waxyeeleyn dad isugu jira.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com