Tuesday, October 29, 2013

PL: Faroole oo mar kale looga Digay Colaad ka Qaraxda Taleex


Nairobi(GNA) - Xaaji Maxamed Yaasiin oo u sharaxan Madaxtinimada Puntland doorashada soo socota ee la filayo inay Puntland ka dhacdo ayaa shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Nairobi, kaga digay colaad ka hurta Taleex.




Xaaji Maxamed Yasiin ayaa ku dheeraaday ka hadalka Shirka taleex iyo siday muhiim u tahay in beel meel degani tashan karto laakiinse waxaa uu aad ugu dhaliilay maamulka Puntland wafdida halkaasi uu u diray ee uu hogaaminayo Gen Cabdisamad Cali shire.




Xaajiga ayaa sheegay in Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Craxmaan Faroole uu ku dhaqaaqay tallaabo khaldan oo hada hadaan wax laga qaban hadhow ay adkaan karto in wax laga qabto.




 “Hadii la ilaalinayo ammaanka Garowe oo hubka iyo wax walba aan loo ogolayn , maxaa ciidamo iyo hub loo dulgeynayaa oo loogu duulayaa Dadka degan taleex ee aayahooda ka shiraya , Waa maxay waxa aan banneeneyn dhiiga Garowe ee banneynaya dhiiga dadka reer taleex “ Ayuu yiri




Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sidoo kale baaq u diray odayaasha dhaqanka iyo qurbo joogta reer Puntland oo uu ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sidii Puntland aysan uga dhici lahayn wax colaad ah , waxaanu si gaar ah dadka reer Puntland ugu baraarujiyey in loo baahanyahay in dadku meel uga soo wada jeestaan Colaad uu murashaxu sheegay in Maamulka hada jira ka abuurayo Taleex.




 




Murashax xaaji maxamed yaasiin ayaa ku dooday amaanka caasimada Garowe xiliga doorashada iyo Maaliyadda dawladda loo baahanyahay in cid dhexdhexaad lagu wareejiyo Madaama Madaxweyne Craxman Faroole murashaxyahay.




Hadalka Murashax Xaaji Maxamed Yaasiin oo u tartamaya madaxtinimada Puntland  ayaa imaanaya iyadoo uu socdo shirka taleex halkaasi oo beelaha wada dega kaga arinsanayaan aayahooda isla markaasina maamulka Puntland uu u diray halkaasi wafdi iyo ciidamo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen, Cabdisamd Cali shire.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonimonews.com