Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay fiidkii u ambabaxay dalka Turkiga, ka dib casuumaad uu ka helay Xukuumadda dalkaasi.
Dawladda Turkiga ayaa ka mid ah waddamada taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeedba siiya somaliya.
Xukuumadda Somaliya ayaa Maamulka Dekedda iyo Madaarka muqdisho ku wareejisay shirkaddo laga leeyahay dalka Turkiga bishan gudaheeda, waxaanay taasi ka mid tahay saameynta Stanbul ku leedahay muqdisho xiligan kala guurka ah.
Ma cadda mudada uu qaadan doono Safarka xasan sheikh, hase ahaatee saraakiisha madaxtooyada ayaa sheegaya inuu la kulmi doono madaxda ugu saraysa dalkaasi.
Hay’addo samo-falka ka shaqeeyo oo tiro badan ayaa sidoo kale Stanbul ka jooga dalka, kuwaasoo badankoodu ku foogan mashaariic horumarineed oo muhiim ah.
Safarka Xasan Sheikh ayaa timi saacaddo kooban ka dib markii kulan kula yeeshay xafiiskiisa wefti ka socda dawladda Holand oo Ganacsato iyo wasiirro isugu jira, kuwaasoo uu sharaxay fursadaha Ganacsi iyo Maal-gashi ee ka dihin, waddankan 22 sanadood Colaadaha Sokeeye iyo kuwa siyaasadeed la dageen.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com