Wednesday, October 30, 2013

Hargeysa: Dadweyne Cabasho ka muujiyay Dhibaatada Bacda iyo Halista Qashinka dawladda hoose Ilowday+ Sawirro


Hargeysa(GNA)-Dadweynaha degen Xaafadda Sheikh Cumar ee Koonfur Galbeed Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyay nadaafad xumo iyo fayo-dhawr la’aan ka jirta xaafadaasi.




Xaafadan oo gad’oon kaga jirta Magaalada Inteeda kale, lahayna waddooyin, biyo iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, ayaa waxay ka cabanayaan dhibaatooyin deegaan iyo mid caafimaad oo ay ku hayso bacda iyo qashinka kale oo ay sheegeen inaanay haba-yaraatee dawladda hoose ee caasimaddu waxba ka qaban.




“Bacdu waxay ka mid tahay waxyaabaha deegaanka waxyeelada u geysta, iminkana xaafadan meel walba waxa taala bac Dugsigii Caruurtu dhiganaysay ayay meel walba ka saarantahay, markaa waxaan dawladda hoose ka codsanaynaa inay wax ka qabato nadaafad darada ay bacda iyo qashinka kale ku hayaan xaafadda”sidaasi waxa yidhi Cabdillaahi Cabdi oo la hadlay wariyeyaasha.




Sidoo kale Axmed Cabdillaahi Aadan oo ka mid ah waxgaradka Xaafadda ayaa sheegay inay nadaafad xumada jirtaa sababtay in adhigii ka dhintay qoysaska qaarkood “Anigu laba riyoodbaa lahaa oo maalin dhaweydbay bakhtiyeen, waayo markii ay bacdaa cuneen ayay ku xanuusadeen, mida kale Bacdu Geedka ay fuushaa wuu qalalaa, markaa waxaan dawladda hoose u jeedinaynaa inay wax ka qabato”ayuu yidhi.




Xubno kale oo ka mid ah dadweynaha xaafada ayaa iyaguna dawladda hoose iyo wasaaradda Deegaanka ku dhaliilay inay indhaha ka qarsanayaan wax ka qabashada dhibaatada bacda iyo qashinka deegaanka waxyeeleeyaa ku hayaan Xaafadaha Magaalada, khaasatan kuwa ay ku nool yihiin dadka danyarta ahi.  




Khadar Axmed Xaashi




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com