Hargeysa(GNA) Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goordhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen.
Guddida ayaa Guddoomiye u doortay Abubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale, halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.
Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ah Yuusuf Guruje.
Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afar iyo toban xubnood.
Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.
Guddoomiyaha la doortay Abubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtaa ka hadlay, waxaanua mahad-naq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay.
Kulankan waxa aan goob-joog ka ahayn hogaanka xisbiga Kulmiye iyo ilaa 12 xubnood oo ka mid ah Guddida, waxaana muuqata inay jirto kala qaybsanaan guddida soo kala dhex galay, taasoo aan la ogayn baaxada ay le’egtahay, balse hogaanka xisbiga iyo dhinacyada ku loolamayaa ku kala qaybsanyihiin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com