Wednesday, October 30, 2013

Kismaayo: Madaxdhaqameedka Jubboyinka oo Gacmaha isu qabsaday Dedaal nabadeed oo Dhiig lagu Maydhayo


Kismaayo(GNA)-Salaadiinta iyo cuqaasha deegaannada Jubbooyinka ayaa markii ugu horreysay si wada-jir ugu dhawaaqay dadaallo nabadeed.




Kulamadaan nabadeed oo qeyb ka ahaa dadaallo nabad raadin iyo iska shaafin isugu jira, kuwaasi oo u dhexeeyey beelaha degen gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qeyb ka mid ah lagu soo gabagabeeyey xarunta jaamacadda Kismaayo maanta.




Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan hoggaan dhaqameedyada beeluhu, ayaa muhiimaddiisu ay tahay in odayaasha dhaqanku ay ka wada hadlaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii bishii June ka dhacay magaalada Kismaayo.




Madax dhaqameedka kulanka ka qeyb-galay waxaa ka mid ah  Suldaan Cabdullaahi Cali Sonkor, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Suldaan Muuse Nuur iyo madax dhaqameed kale oo tiro badan, kana mid Isimada Gobolka ugu waaweyn.




Hadallo loo kala dambeeyay oo ay Shirkan ka jeediyay waxay dhamaantood hoosta kaga xariiqeen inay u dhaqaayaan sidii loo mideyn lahaa Dadka Reer Jubo.




Kulanka Oday dhaqameedka ayaa dhamaadkii waxa Gaadhi Prado ah lagu wareejiyay Ugaaska beelaha Sade Ugaas Maxamed, kaas oo qeyb-galay shirkan isa saamaxaada  dhibaatooyinkii dhacay ee beelaha Jubbooyinka iyo Gedo ee bishii June.




Dagaallo qadhaadh oo bishii June badhtamaheedii ka dhacay Kismaayo iyo deegaamo ku hareeraysan ayaa waxa ku dhintay in ka badan 200 oo qof tiro intaasi ka badana way ku dhaawacantay.




Dhibaatadii ugu darneyd ee dagaaladaasi ka dhashay waxay ahayd Xasuuq loo geystay Qoys dhan oo Hooyo iyo todoba caruur ah oo Madfac hal mar qudha lagaga jaray, kuwaasoo la laayay mid ka mid ah maalmihii ugu kulayd xiisadii magaalada ka taaganayd Kismaayo.




Laakiinse lama yaqaano xidhiidhka ka dhexeeya dedaalka Odayaasha dhaqanku shaaciyeen iyo qorshaha dawladdu wado ee dib u heshiisiinta qaran ee Muqdisho laga abaabulayay muddooyinkan dambe, kaasoo isaga la qorsheeyay 21-kii bishan, balse suurto gal noqon waayay.




Si kastaba ha ahaatee dhawaaqan Odayaasha Reer jubo wuxuu imanayaa maalin ka dib markii madaxweynaha somaliya ka baaqday booqasho la filayay inuu ku yimaado Kismaayo oo shalay ku beegnayd, taasoo aan la garanayn sababta dib u dhigtay, balse inta la ogyahay kaga soo beegantahay tegitaankiisa Turkiga.  




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com