GNA Kooxo Khuburo saynisyahanno ah oo ka tirsan Jaamacada Kings College London ayaa daaha ka rogey natiijada daraasad cusub oo ay sameeyeen, iyaga oo ku xaqiiqsadey in sigaar cabista ay ka dhalato xanuuno ku dhaca maskaxda qofka bini’aadamka ah.
Goor sii horeysay ayaa daraasado kala duwan oo la xiriira sigaar cabista waxaa lagu xusey in ay keento cuduro ku dhaca sababada, iyadoo habka neef qaadashada uu u keeno dhibaato culus,kuwa ku dhaca jirka qofka, isla markaana uu sababo cuduro kala duwan oo halis ba’an ku ah caafimaadka qofka.
Daraasadan cusub ee ay sameeyeen Saynisyhanadan waxay kaloo farta ku godeen in sigaar cabistu ay keento kor u kaca dhiiga ama waxa loo yaqaan blood pressure (Dhiig-kar), waxaana ay ugu baaqeeen in qofka inta uu ku cusub yahay sigaar dhuuqista ama uu da’a yar yahay uu joojiyo halistaasi caafimaad.
Cilmibaarayaashu waxay tijaabo ka qaadeen 8,800 oo qof, kuwaasi oo da’doodu ka weyn tahay 50 sano, iyadoo ay muujisay daraasadu in dadkaasi kuwa sigaarka caba ay ka heleen dhibaatooyin xaga maskaxda ah, dhibaato wax aqrinta ah ama waxbarashada saameysa iyo waliba xusuusta oo lunta.
Cilmibaaristu waxay kaloo xustey in dadka sigaarka caba ay sidoo kale u nugul yihiin cudurka Stroke ama qalalka iyo dhiig karka, miisaanka jirka oo kordha iyo guud ahaan mudo 8 sano ah oo qofku iska dameemo xusuus la’aan.
Dr Alex Dregan oo ka tirsan Kings College London hormuudna u ahaa kooxdan cilmibaarayaasha ah ayaa xusey in dad badan iyagoo og dhibaatada caafimaad ee sigaarku u leeyahay ay hadana sii wadaan halistaasi culus
Diyaariye.C/qaadir Ismaaciil Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com