Thursday, October 31, 2013

Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (1) .(Long Walk to Freedom) Xusuusqorka Nelson Mandela Turjumid: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”


(GNA) Kolka laga reebo noloshayda, adaygga jidh ahaaneed, iyo ku abtirsiga qoyska reer suldaan ee dadka Thembu, deeqda keliya ee aan dhalashadaydii aabbahay ka helay waa magaca Rolihlahla. Afka Xhosa magacaa macnihiisa dhabta ahi waxaa weeye ”Laanta geedka ka soo jebi”, laakiin sida caadi ahaan loo la jeedo waxaa loo turjumi karaa ”Qalqaalli”. Ma rumaysni magacu in uu wax ku yeesho aayaha qofka, mana qabo aabbahay in uu sii saadinayay mustaqbalkayga, ha yeeshee xigtadayda iyo asxaabtaydu sannadihii dambe magacayga ayay u sababeeyeen wixii aan maayad kiciyay ee dhan walba u fuulay.




 




Magacayga kaa ka caansan ee ingiriisida ama masiixiga ahi iiga ma horrayn maalintii dugsiga la i qoray, laakiin taasi waa sheekadii oo aan ka hordhacay.




 




Wax aan ku dhashay Mvezo, 18 Julaay 1918, tuulo yar oo saaran webiga Mbashe duleedkana u ah Umata oo ah magaalamadaxda gobolka Transkei.  Guga dhalashadaydu wax uu ku astaysan yahay dhammaadkii Dagaalkii Kowaad, iyo sidoo kale dillaacii cudurkii weynaa ee malyuumaadka qof dunida oo dhan ku halligay. Sidoo kale waa sannadkii ay ergada ururka African National Congress, ANC, martida u ahayd shirkii nabadda ee magaalada Versailles si ay u soo muujiyaan dareenka kacdoonsan ee dadka afrikaanka ah ee Koonfur Afrika. Ha ahaatee tuuladayda Mvezo wax ay ahayd meel fog, meel ka durugsan xarumaha dhacdooyinka waaweyn, meel noloshu isaga socoto si u dhow sidii ay boqollaal sannadood soo ahayd.




 




Gobolka Transkei wax uu 1300 km bari ka xigaa magaalada Cape Town iyo 900 km koonfurta Johannesburg, inta u dhexaysa webiga Kei iyo soohdinta gobolka Natal, ama inta u dhexaysa buuraleyda Drakbergen dhanka waqooyi iyo dheegagga buluugga ah ee Badweynta Hindiya dhanka bari. Waa dhul barwaaqo ah oo ka kooban haaro, dooxooyin ugbaad ah, iyo kumannaan webiyo, togag iyo durdurro ah oo dhulka cagaar ka dhiga xitaa jiilaalka. Gobolka Transkei hore wax uu ahaan jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada Koonfur Afrika, wax uuna ku fadhiyaa dhul la’eg dalka Iswisirland, waxaana ku dhaqan saddex malyuun iyo badh ruux oo ah daka Xhosa iyo tiro aad iyo aad u yar oo ah reer Basotho iyo caddaan. Dhulkaasi waa dalka reer Thembu, oo ah cid ka tirsan tolweynaha Xhosa ee aan qudhaydu mid jilibyadiisa ka mid ah ka dhashay.




 




Aabbahay wax uu ahaa nin dheer oo madow oo joog toosan oo muuq wanaagsan, tilmaamahaas oo aan isu sheego in aan ka hiddaystay. Food cad buu lahaa, kolkii aan yaraana foodda ayaan dambas marsan jiray si aan isaga ugu ekaado. Aad buu u miigganaa, barbaarinta carruurtiisana sarwaanta uga ma tudhi jirin. Waxa kale oo uu lahaa go’aan adayg mintidnimo ah taas oo nasiibxumo aan ka dhaxlay.




 




Aabbahay marmar waxaa loo magacaabay raysalwasaaraha dadka Thembu horraantii 1900-nadii xilligii uu talada saldanaddayada hayay Sabata aabbihii Dalindyebo, iyo xilligii kaa wiilkiisa Jongilizwe uu talinayay. Magacaabiddaasi ma ahayn wax dhab ah waayo xil magacaas lihi maba jirin, ha yeeshee hawshii uu hayay uun baa ahayd wax taa u dhigma. Aabbahay wax uu ahaa nin magac iyo maamuus leh oo labadaa suldaanba lataliye u ahaa, socdaallada ayuuna u raaci jiray, caadi ahaanna garabkooda ayuu taagnaan jiray kulannadooda iyo maamulkoodaba. Waxa kale oo uu awood la aqoonsan yahay ku lahaa taariikhda reer Xhosa, taas ayaana ka mid ahayd sababaha keenay in uu noqdo lataliye si weyn loo qiimeeyo. Xiisaha aan taariikhda u hayaa yaraan ayuu igu abuurmay, aabbahay ayaana igu dhiirriyay. Isagu in kasta oo aanu wax qori aqoon waxna akhriyi aqoon haddana waxaa u faaftay in uu yahay codkar dhegaystayaashiisa soo jiita isaga oo isla marka uu dadka madaddaalinyo waxna baraya.




 




Aabbahay wax uu lahaa afar ooryood. Ta saddexaad oo ahayd Nosekeni Fanny, waa hooyaday oo ahayd ina Nkedama oo u dhashay tolka Xhosa ee amaMpemvu kana tirsan Aqalka Sare. Afarta afoodba: marwada kowaad, marwada sare (hooyaday), marwada bidix iyo iqadi – ama marwada kaydka ah – mid waliba wax ay lahayd kraal. Kraal waa meel caadi ahaan ka kooban xeryo xoolaad, beero la fasho iyo mid ama dhawr aqal oo caw lagu waabay. Kraal-ladaasi dhawr kiiloomitir ayay isu jirjireen aabbahayna wuu isaga gooshi jiray. Socodkaa ayay ugu dhasheen saddex iyo toban qof, afar wiil iyo sagaal gabdhood. Aniga ayaa curad u ahaa bahda Aqalka Weyn uguna yaraa afarta wiil. Saddex hablood ayaannu isku bah ahayn. In kasta oo Mlahlwa ahaa wiilasha ka noogu weyn haddana Daligqili oo ahaa bahda Aqalka Kowaad ayaa aabbahay ka dhaxlay caaqilnimada. Wiilashayadii aniga mooyee imika waa ay wada mootan yihiin, waana ay iga wada waaweynaayeen igana magac sarreeyeen.




 




Aniga oo weli cayddi ah ayuu aabbahay la kulmay khilaaf uu madaxnimadii Mveza ku waayay taas oo ina tusaysa abuurtiisa aan qudhaydu ka hiddaystay. Runtii waxa aan si buuxda u odhanayaa waxa qofka dabcigiisa qaabeeyaa hiddaysiga ma aha ee waa barbaarinta. Aabbahay wax uu lahaa han weyn iyo jacayl aan liicin oo uu u hayo xaqsoorka, dabeecaddaas oo aan qudhaydu isku arko. Aabbahay oo kolka xilligaa loo eego hodan iyo madaxba ahaa, hantidii iyo madaxnimadiiba waa uu waayay. Dhulkiisii iyo xoolihii noolaa intii badnayd waa laga qaaday, sidaas ayuuna ku waayay dakhligii ka soo geli jiray. Noloshaa cidhiidhiga noqotay darteed hooyaday wax ay u guurtay Qunu oo ahayd tuulo tan ka sii yara weyn oo dhanka waqooyi ka xigta Mvezo halkaas oo ay ka helaysay caawimada saaxiibbada iyo xigtada. Qunu wax aannu kaga noolayn nolol tii hore ka liidata waa se tuuladaa u dhow magaalada Umtata meesha aan ku qaatay guyaashii carruurnimadayda ugu farxadda badnaa, halkaas ayaanan ka hayaa xusuusahaygii ugu horreeyay.




 




Tuulada Qunu wax ay ku taallay dooxo dhuuban oo cawsku qariyay togna dhex maro oo buur cagaarani ku meersan tahay. Waxaa degganaa dhawr boqol oo qof oo keliya oo ku noolaa mutullayaal, guryo u eg kuwa shinnida oo derbiyadu dhoobo yihiin, tiirna badhtanka ka qotomo oo saqaf caws ah hayo. Sagxadda aqalladu wax ay ahayd fudad dundumo oo la burburiyo oo ah ciidda ay qudhaanjadu dhulka ka soo qoddo inteeda sare ee adag, taas oo si ay u simanto faantada lo’da joogto loogu malaaso. Dabka gudaha lagu shito qiiqiisu wax uu ka bixi jiray saqafka, meesha qudha ee furanina wax ay ahayd irrid gaaban. Guryahaa mutullayaasha ahi badiyaaba wax ay u yaalleen kooxkoox la mid ah xaafado ka yara durugsan beeraha galleyda. Waddooyin ma ay jirin aan ahayn dhabbooyin cawska dhex mara oo cagaha carruurta iyo haweenka wada kabaha la ku samaysmay.




 




Haweenka iyo carruurtu wax ay xidhan jireen qaydad dhoobo lagu midabeeyay, cidda qudha ee tuulada oo dhan dhar casri ah xidhan jirtayna waa dhawrka qof ee masiixiga ah. Lo’da, idaha, riyaha iyo farduhu wax ay wada daaqi jireen daaqsin la wada lahaa. Dhulka Qunu u dhowi haba yaraatee wax dhir ah ma lahayn kolka laga reebo tumbul geed caleemeed ah oo ku taallay kur tuulada ka dambaysa. In yar mooyee dhulka dawladda ayaa lahayd. Berigaa dadka afrikaanka ahi dhul ma ay yeelan karayn aan ahayn in ay kiraystaan oo sannadiiba mar dawladda kirada siiyaan. Agagaarka waxaa ku yaallay laba dugi hoose, suuq ganacsi iyo haan weyn oo ay ku jireen wax xoolaha lagaga dilo dulinka iyo cudurrada. Galley, hadhuudh, digir iyo qajaarka waaweyn ayaa u badnaa waxa aannu cunno, mana aha in aannu raashinka jaadkaas ah gooni u jeclayn dadka ayaan se wax dhaama goyn karayn. Qoysaska yara ladan ee tuuladu intaa wax ay ku darsan jireen shaah, bun iyo sonkor, ha yeeshee dadka kale intooda badan taasi wax ay la ahayd raaxo ka fog oo aan dhaqaalahoodu gaadhsiin karin.




 




Biyaha wax lagu beerto, wax lagu karsado ama wax lagu maydho waxaa baaldiyo lagaga soo dhaansan jiray togagga iyo balliyada. Taasi wax ay ka mid ahayd hawlaha dumarka, laakiin Qunu ugu horreynba wax ay ahayd tuulo haween iyo carruureed waayo ragga badankoodu sannadka intiisa badan wax ay ku maqnaan jireen xoogsi ay ka hayeen magaalooyin fogfog, ama beero ku yaallay dhulal durdurgan, amaba godadka macdanta ee Randbergen, duudda weyn ee buurta dahabka laga qodo iyo soohdinta koonfureed ee Johannesberg. Ugu badnaan sannadkiiba laba jeer ayay raggaasi iman jireen, wax ayna badanaa u soo noqon jireen waraabinta beerahooda. Goynta beeraha iyo dhilidda waxaa loo dayn jiray dumarka iyo carruurta. Cid wax qorta ama akhridaa tuulada aad ayay ugu yarayd, haddiiba ay jirtay, waxbarasho dugsina dadka badankoodu maba ay aqoon.




 




Hooyaday wax ay Qunu maamuli jirtay saddex guri oo inta aan xusuusto ay ka buuxi jireen ilmo dhashay iyo carruurta xigaalku. Run ahaantii ma xusuusto intii aan yaraa aniga oo keli noqday. Dhaqanka afrikaanka carruurta ay dhaleen habaryaraha, abtiyada, eeddooyinka iyo adeerradu waxaa loo arkaa walaalahaa ee loo ma yaqaan ilmo adeer ama ilmo abti. Annagu xigtadayada u ma ka la soocno sida caddaanka. Ma naqaan wax la yidhaahdo ”half brother” iyo ”half sister”. Hooyaday walaasheed waa hooyaday, adeerkay wiilkiisu waa walaalkay, walaalkay ilmihiisuna waa inankayga ama inantayda.




 




Saddexda aqal ee hooyaday mid waxaa loogu dhaqmi jiray kijin ahaan, midna hurdada, midna alaab dhigashada. Aqalka aannu seexan jirnay ma oollin wax sariiro, kuraas ama miisas ah oo la mid ah alaabada reer galbeedka. Qadiifado ayaannu ku seexan jirnay dhulkana waannu fadhiisan jirnay. Barkimo wax la yidhaahdo waxaa iigu horraysay kolkii aan imid Mqhekezweni. Hooyo cuntada wax ay ku karin jirtay dheri bir ah oo leh saddex rukun oo dhardhaarro u ah iyo dab laga shido aqalka badhtankiisa amaba debeddiisa. Wax aannu cunno oo dhan annaga ayaa beeran jirnay ama samaysan jirnay. Hooyaday iyada ayaa galleyda noo beeri jirtay oo soo goyn jirtay. Kolka xasiiddu adkaato ee engegto ayaa la goyn jiray oo kiishash ama bakaar lagu kaydin jiray. Habab ka la duwan ayay haweenku galleyda u karin jireen. Wax ay ku ridqi jireen laba dhagax dabadeed budada roodhi ka dubin jireen, ama iyada oo aan la budayn ayay karin jireen oo inta ay gadhoodh ku daraan ka dhigi jireen ”umphothulo” ama ”umngqusho” (shuuro ama jidhiidh digir lagu dhex kariyay). Galleydu marmar waa ay nagu yarayd caanaha lo’da iyo kuwa riyaha ayaa se goor walba durdur ahaa.




 




Ilaa markii aan aad u yaraa waqtiga firaaqada wax aan tegi jiray meel aan wiilasha kale ku la ciyaari jiray ku lana diriri jiray. Wiil guriga fadhiya oo hooyadii uun tafta haysta waxaa loo arkayay liite. Habeenkana isla wiilashaas ayaan cuntadayda iyo bustahayga wax ka siin jiray. Shan jir ka ma aan weynayn kolkii aan noqday xoolajir oo aan adhiga iyo waylaha raacay. Sidaas ayuu igu galay jacaylka yaabka leh ee ay dadka Xhosa xoolahooda u hayaan, xoolahaas oo aan u ahayn uun cad iyo caano, ama hodantinnimo keliya, ee u ah wax Eebbe ku karaameeyay iyo asaaska liibaantooda ruuxiga ah. Halkaa ayaan sidoo kale ku bartay in aan shimbiruhu iyaga oo duulaya shimbiralaaye ku laayo, in aan malabka jabsado, in aan midhaha gurto oo quwaaxa qoto, in aan lo’da caanaha oo diirran afka kaga nuugo, in aan iliilaha calcalyada ah ee qabow ku dabbaasho, oo kalluunka dabto aniga oo adeegsanaya xadhig iyo taar. Wax aan isbaray habka dagaalka aniga oo ku tababaranaya ulo dhumuc leh – taas oo aad muhiim ugu ah wiilasha reer miyiga ah ee dadkayaga – wax aanan xariif ku noqday habka nabarka loogu gabbado ee haddana dhinaca kale tummaatida looga keeno iyada oo isla markaa cadawga la iska hayo intaana lugaha dhaqso looga shaqaysiinayo. Berigaas ayuu igu abuurmay jacaylka aan u qabo bananka furan, quruxda fudud ee dabeecadda iyo muuqaalka fidsan ee dunida.




 




Haddii aannu wiilasha nahay badanaa cidna u ma aannu baahnayn. Wax aannu ku dheeli jirnay alaabo aannu annagu samaysannay. Dhoobada ayaannu xoolo iyo shimbiro ka samaysan jirnay. Laamo ayaannu gaadhi-faras ka samaysan jirnay. Gegida ciyaartana waxaa noo ahayd dabeecadda aannu dhex joogno. Kuraha Qunu ku hareeraysani wax ay lahaayeen gebiyo siman oo siiban oo aannu ka dhigannay meelo aannu kor iyo hoos ugu ciyaarro.  Dhagxaanta siibsiiban inta aannu ku fadhiisanno ayaannu gebiyada hoos isugu soo dayn jirnay. Sidaas ayaannu ku wadi jirnay ilaa dabadu na wada xanuunto oo aannu xitaa fadhiisan kari wayno. Fuullimaadka wax aan ku bartay waylaha oo kolka aad intaas oo jeer ka dhacdo aad xeeladdeeda baranayso. Maalin wax aan cashar lama’illaawaan ah ka bartay dameer baxdow ah. Wax aannu isu bedbeddalaynnay fuulista dameerkaa, dabadeed kolkii kalkaygii la soo gaadhay ee aan fuulay dameerkii orod ayuu cagaha wax ka dayay oo sogsog noo dhowayd i la dhex galay. Inta uu madaxa foororiyay ayuu i la biqleeyay si uu isaga kay rido, waanan ka dhacay oo sogsogtii baa wejiga iga diiratay saaxiibbadayna waan ku hor fadeexadoobay. Dadka reer Afrika isla sida reer Aasiya wax ay lee yihiin dareen fog oo ku saabsan sharafta qofka, ama wax ay shiinuhu u yaqaannaan “wejiga”. Imika haddaba saaxiibbaday waxaa igaga dhacday weji xumo. In kasta oo wax aan ka dhacay uu dameer uun ahaa wax aan bartay dhadhanka xanuunka qofka la bahdilo sida ay u arxandaran tahay isla markaa ay tahay wax aan loo baahnayn. Taa darteed aniga oo kuray ah ayaan bartay qofka aannu is’haynno in aan ka guulaysto aniga oo aan milgaha iyo maamuska ka qaadin.




 




Badanaa wiilashu gooni ayay u ciyaari jireen, waa se ay dhici jirtay in aannu hablahayaga u oggolaanno in ay na la ciyaaraan. Ciyaaraha ay wiilasha iyo gabdhuhu wada dheelaan waxaa ka mid ahayd dhuumaalaysi iyo beratan, wax aan se ugu jeclaa dheel la yidhaahdo “khetha” oo macnaheedu yahay dooro-ka-aad-jeclaato. Ma ahayn ciyaar habaysan oo la sii qorsheeyo ee wax ay nagu dhalan jirtay uun kolka aannu koox hablo ah hareeraynno dabadeed ku khasabno mid waliba in ay doorato wiilka ay ka hesho. Xeerka ciyaartaasi wax uu dhigayay in doorashada gabadha la xaqdhawro oo ka ay doorato ee nasiibka lihi meesha u socoto u sii gelbiyo. Gabdhuhu aad ayay u maskax badnaayeen – aad ayayna nooga fariidsanaayeen annaga wiilasha ah ee madax buurrada ah – waana ay ka wada tashan jireen sida ay noo ka la dooranayaan, iyaga oo la bixi jiray ka noogu foolxun dabadeed inta uu guriga u sii gelbinayo ayay caajis ku dili jireen.




 




Ciyaarta ay wiilashu ugu jeclaayeen waxaa la odhan jiray “thinti” waana ta ciyaaraha oo dhan ugu eg dagaalka. Laba qori oo gool ahaan ah ayaannu dhulka ka qotomin jirray in isu jirta ilaa soddon mitir. Dabadeed inta aannu laba kooxood oo isla’eg isu qaybinno ayaannu qoryo ku tuuri jinyay qoriga kooxda kale si uu u dhaco. Koox waliba goolkeeda ayay difaacdaa oo qoriga ay qolada kale ku tuurtay dib u soo qaadataa. Markii aannu yara weynaannay wax aannu qaban jirnay tartan ciyaartaas ah oo aannu la yeelanno wiilasha tuulooyinka kale ee deriska na la ah, kooxdaa noogu wanaagsanaatana aad baa loo weynayn jiray waana loo dabbaaldegi jiray sidii saraakiil dagaal weyn ku soo guulaysatay.




 




Kolka aannu ciyaarta dhammaysanno wax aan aadi jiray karaal-ka hooyaday oo ay hooyo cunto diyaarin ku foogan tahay. Aabbe wax uu nooga sheekayn jiray dagaallo caan ahaa iyo geesiyadii dadka Xhosa, hooyana wax ay si yaab leh noogu meerin jirtay qisooyin taariikho hore, sheeko xariiro iyo sheeko xayawaan awow ka awow soo taxnaa. Sheeko xariirooyinkaasi wax ay nafaqayn jireen khayaaligayaga carruurnimo caadi ahaanna waxaa ku jiray farriimo anshax oo muhiim ah. Wax aan xusuusan ahay mid sheekooyinkaa ka mid ahayd kuna saabsanayd nin socdaal ah oo la kulmay islaan gabowday oo labada indhood xabbajo iyo qudhun dabooleen. Ninkii socdaalka ahaa ayay kaalmo wayddiisatay, isaguna inta uu wejiga ka dadbay ayuu iska dhaafay. Nin kale ayaa dabadeed meeshii soo maray oo ay isagana ka codsatay in uu indhaha u maydho. In kasta oo ay ahayd qudhun iyo yalaalugo haddana sidii ay wayddiisatay ayuu u yeelay. Dabadeed si mucjiso ah ayay indhaheedii u qolof dhacsadeen wax ayna noqotay gabadh dhallinyar oo qurux badan. Ninkii baa dabeed guursaday oo ku barwaaqoobay kuna badhaadhay. Waa sheeko yar laakiin dhambaalkeedu weligii wuu jiraa: falka gobannimada leh iyo deeqsinnimadu abaalgudkooda waa ay helaan, laakiin ma ogaan karro sida abaalgudkaasi ku imanayo.




 




Sida carruurta dadka Xhosa oo dhan wax aan wax ku bartay fiirada. Waxaa na looga fadhiyay mar walba in aannu dadkayaga kale ku dayanno oo isu ekaysiinno, mana ahayn in aannu hadal soo celinno. Markii kowaad ee aan guri caddaan booqday waan la yaabay waxa ay carruurtu waalidkood su’aal wayddiinayaan – iyo sida joogtada ah ee ay waalidku diyaarka ugu yihiin in ay u jawaabaan. Xaggayaga wayddiimaha waxaa loo arkaa madaxwareerin, waayeelkuna wax ay wax iswayddiiyaan uun haddii ay lamahuraan tahay.




 




Noloshayda, sida dadkayga kale oo dhanba, waxaa qaabeeyay caadooyin iyo waajibaad dhaqameedyo joogto ah, iyo wax xaaraan ah oo aan la soo hadalqaadin. Sidaas ayay noloshayadu u dhisnayd bilaw ilaa dhammaad, weligeedna wayddiin laga ma keeno. Raggu wax ay ku wada joogeen waddadii dhaqanka ee aabbayaashood bixiyeen, dumarkuna wax ay ku nool yihiin isla noloshii hooyooyinkood. Iyada oo aan cidina wax ii sheegin ayaan la falgalay xeerarka adadag ee xidhiidhka ragga iyo dumarka. Wax aan bartay ninku in aanu geli karin aqal ay dhowaan haweenay ku ummushay, iyo gabadha la soo guursadaa in aanay geli karin kraal-ka gurigeeda ilaa horta loo sameeyo xaflad dhaqameed weyn oo aad looga shaqeeyay. Wax aan kale oo bartay awowyadii dhintay oo la xusi waayaa in ay qofka u keento ayaandarro iyo guuldarro nololeed. Qofka awowyada caayaa waxa qudha ee uu dembigaa kaga toobad keeni karaa waa in uu u tago geedagooyaha ama odayga tolka ugu da weyn kaas oo la xidhiidhi yaqaanna maytida una gudbin kara qofka dembaabay cabashadiisa. Arrimahaas oo dhami aniga wax ay ii ahaayeen wax dabiici ah.




 




 




Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (2) .(Long Walk to Freedom)




 




Xusuusqorka Nelson Mandela   Turjumid: ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd




 




Yaraantii dhif bay igu ahayd in aan dad caddaan ah ku arko Qunu. Dabcan qaaddigu caddaan buu ahaa, sidoo kale waa ay dhici jirtay caddaan socdaal ah iyo bilays socoto ahi in ay na maraan. Nimankaa cadcadi aniga wax ay i la ahaayeen ilaahyo, waanan dareensanaa in lagu la dhaqmo baqdin iyo weynayn isku jira. Laakiin jiritankoodu noloshayda wax saamayn ah ku ma lahayn, weligayna si ahaantooda uga ma fekerin, iyo noolahaa yaabka leh ee meelahaa ka muuqmuuqdaa xidhiidhka ay dadkayga la lee yihiin.




 




Iskudhacyada qabyaaladeed ee qudha ee tuuladayada Qunu ka jiray wax uu ka dhexeeyay qoladayada Xhosa iyo dad aad u yar oo qolada la yidhaahdo amaMfengu tuulada ka degganaa. Dadka amaMfengu bariga gobolka Cape ayay soo degeen  iyaga oo ka soo qaxay ciidammadii Shakas Zulu xilliga loo yaqaan amaMfecane, oo ah xilligii dagaallada iyo barakacyada waaweyn una dhexeeyay 1820 iyo 1840, dagaalladaas oo ay huriyeen Shakas iyada oo la isku dayayo in la abuuro dawlad Zulu ah ciidammadooduna doonayeen in ay jebiyaan dadyowga kale oo dhan oo awooddooda hoos keenaan. Qolada amaMfengu asal ahaan ku ma ay hadli jirin afkayaga Xhosa, wax ay se ka soo qaxeen amaMfecane, wax aana lagu dirqiyay in ay qabtaan shaqooyinka liita ee aan afrikaanka kale qaban. Caddaanka ayay uga adeegi jireen beeraha iyo shirkadaha, taas oo ay Xhosaha dhulka deggani aad u yasayeen. Laakiin amaMfecane wax ay ahaayeen dad hawlkar ah, xidhiidhkii ay caddaanka la yeesheenna wax ay ka heleen tacliin iyo horumar ay ku dhaamaan afrikaanka kale ee dhulka dega badankooda.




 




Berigii aan yaraa qoladaa amaMfengu ayaa ugu mudnayd degmadayada yar, iyaga ayaana noqon jiray wadaaddada, bilayska, barayaasha, hawlwadeennada dawladda iyo turjubaannada. Iyaga ayaana ugu horreeyay cid masiixiyowda oo guryo wanaagsan dhisata, waana ay ka nolol wanaagsanaayeen Xhosaha. Wax ay xaqiijiyeen aragtidii ay dadka masiixiyadda faafiyaan hirgeliyeen ee ahayd “masiixinnimadu waa ilbaxnimo ilbaxnimaduna waa masiixinnimo”. Berigaa aan sheegayo amaMfengu weli dhaqankaa waa lagu colaadin jiray, maanta se kolka aan dib u eego wax aan odhan lahaa wax ay ahayd hinaase qoladaa loo hayo ee ma ahayn iskudhac tolal dhex yaallay. Loollankaa qabyaaladeed ee aan yaraantii arkayay waxyeello weyn ma lahayn. Xilligaa ii ma ay muuqan oo xitaa ma aan malayn karayn dagaalladii ba’naa ee ay beri dambe caddaanku tolalka ka dhex hurin doonaan.




 




Aabbahay weligii qoladiisa ku ma raacin xumaanta loo arko dadka amaMfengu, laba nin oo walaalo ah oo amaMfengu ah ayuuna saaxiib la ahaa, George Mbekela iyo Ben Mbekela. Walaalahaa ilma Mbekela Qunu wax ay ka ahaayeen niman aan caadi ahayn: wax ay ahaayeen mutacallimiin masiixi ah. George oo ahaa labada ka weyni wax uu ahaa bare hawlgab ah, Ben isaguna bilays. Nimankaa walaalaha ahi in kasta oo ay isku dayeen aabbahay in ay masiixi ka dhigaan isaga taasi waa ay geli wayday. Wax uuna ilaashaday diintiisii oo ahayd Ruuxda Weyn ee Xhosa, Qamata, ilaahii awowyadiis. Runtii aabbahay wax uuba ahaa wadaad aan rasmi ahayn, wax uuna maamuli jiray xuska diineed oo lagu qalo riyo iyo waylo, wax uuna kale oo qabanqaabin jiray xaflad dhaqameedyada la xidhiidha beerista, goynta beeraha, dhalashada ilmaha, arooska, daahfurka waxqabadka iyo aaska. U ma uu baahnayn aqoonsi wadaadnimadiisa ku saabsan waayo dhaqan diineedka reer Xhosa ayaa ku dhisan midnimada jiritaanka oo dhan, wax la sheegi karana ku ma ka la duwana waxa ruuxiga ah iyo waxa aduun, waxa muuqda iyo waxa dahsooni.




 




In kasta oo aanay diinta ilma Mbekela aabbahay weligeed saamayn hooyaday waa ay ka heshay oo masiixiyad bay noqotay. Magaceeda Fanny sidiisaba waa magac masiixi oo kiniisadda looga bixiyay. Aniga qudhaydu in aan masiixiyoobo oo ku biiro Kiniisadda Methodist ama Wesleyan, sidii berigaa la odhan jiray, iyo xitaa in dugsiga la igu daro, waxaa sabab u ahaa ilma Mbekela. Labadaa nin kolka aan ciyaarayo ama adhiga la joogo badanaa waa ay i eegi jireen oo i la hadli jireen. Maalin buu George Mbekela hooyaday booqasho ugu yimid. “Wiilkaagu waa yar garasho badan”, ayuu ku yidhi. “Waa in uu dugsiga dhigtaa.” Hooyaday waxba ma ay odhan. Qoyskayaga qof qudh ahi dugsi ma dhigan sidaa darteed fikradda Mbekela hooyo wax ay ku ahayd kediso. Laakiin taladii wax ay u sii gudbisay aabbahay kaas oo waxbarasho la’aantiisa darteed – ama taa awaadeed – go’aan degdeg ah ku gaadhay in inankiisa ugu yari dugsiga galo.




 




Dhismaha dugsigu wax uu ahaa qol keliya oo leh saqafka dhismaha reer galbeedka, wax uuna ku yaallay kolka Qunu la joogo buurta shishadeeda. Toddoba jir baan ahaa oo maalintii aan waxbarashada bilaabi lahaa tii ka horreysay aabbe inta uu gooni ii la baxay ayuu ii sheegay marka aan dugsiga joogo in aan si wanaagsan u lebbisto. Awel, sida wiilasha kale ee Quni oo dhan, go aan garbaha ka soo rogay ayaan dhexda ka guntan jiray. Imika se aabbe mid surwaalladiisa ka mid ah ayuu inta uu labada law ka gooyay i yidhi gasho, waanan gashaday, dhererna wuu i le’ekaaday in kasta oo uu dhexda iiga weynaaday. Dabadeed xadhig buu aabbe surwaalkii dhexda iigu giijiyay. Shaki la’aan muuqaygu qosol buu lahaa weligay se ma aan yeelan maro aan uga faan badnaa surwaalkaa jilbaha ka go’an ee aabbahay.




 




Cishadii kowaad ee dugsiga arday walba waxaa magac ingiriisi ah u bixisay macallimaddii oo ahayd miss Mdingane, wax ayna noo sheegtay maanta ka dib in aannu magacaa iskuulka kaga xaadiraynno. Sidaas ayaa berigaa dadka madow ee dhulka oo dhan caado u ahayd, shaki la’aanna waa arrin la xidhiidhay awoodda dhinaca ingriisida oo qudha ah ee barbaarintayada. Waxbarashadaydu wax ay ahayd Biritish taas oo fikradaha, dhaqanka iyo hay’adaha dawladda ee wada Biritishka ah sarrayntooda toos loo aqoonsanayo. Dhaqan afrikaan wax la yidhaahdo iyo wax la mid ahi sidoodaba meesha ma jirin.




 




Faca aan ka midka ahay dadka dhaladka ah – iyo xitaa facan imika jooga – caadi ahaan qof waliba wax uu lee yahay magac ingiriisi ah iyo sidoo kale magac afrikaan. Bilawgii sababtu wax ay ahayd caddaanka oo ay ku adkayd ku dhawaaqidda magaca afrikaanka amaba aanay doonayn in ay ku dhawaaqaan, iyo iyaga oo isla markaa magaca caynkaas ah u arkayay yawnnimo [cawaannimo]. Maalintaa ayay miss Mdingane ii sheegtay magacayga cusubi in uu yahay Nelson. Waxaa laga yaabaa in uu yahay magac wax la wadaaga Lord Nelson, sarkaal badeedkii weynaa ee Biriteyn u dhashay, waa se malahayga uun.




 




Fiid aan sagaal jir ahaa baan dareemay mashaqo weyn oo gurigayaga ka jirta. Aabbahay waxaa u caado ahayd in uu afartiisa xaas kaltiris u la joogo, bahdayadana wax uu na la noolaan jiray bil walba toddobaad qiyaastii. Dabadeed maanta wuu noo yimid. Laakiin ma ahayn imaatin caadi ah ee wax uu noo iman lahaa maalmo ka dib. Wax aan ku la kulmay aqalka hooyo, isaga oo inta uu iska la bixiyay dhabarka u jiifa, oo si aan xad lahayn u qufacaya. In kasta oo aan sidaa u yaraa haddana waan garan karayay aabbe in uu dhowaan dunidan ka tegayo oo u yimid in uu karaal-ka hooyo ku dhinto. Kolley wax uu qaaday cudurrada sambabbada ku dhaca, laakiin cudurkiisu wax uu ahaa cidina ma sheegin waayo aabbahay weligiiba noloshiisa dhakhtar u ma tagin. Dhawr cisho ayuu aqalka dhex yaallay isaga oo aan dhawaaq iyo dhaqaaq lahayn, ilaa habeenkii dambe ay xaaladdiisu ka sii dartay. Waxaa wada hayay hooyo iyo ta ugu yar afooyinka aabbahay, Nodayimani, oo noo timid, isla cawayskaa ayuu goor dambe u yeedhay Nodayimani oo ku yidhi: “Naa i sii buurigaygii.” Hooyo iyo Nodayimani wadatashi gaaban ka dib wax ay isla garteen in aanay caqligal ahayn in ay isaga oo sidaa ah buuri siiyaan. Waxa uu se ku adkaystay in ay siiyaan, ugu dambaynna Nodayimani beebkii ayay u cabbaysay oo u shidday dabadeed siisay. Aabbana beebkiisii ayuu iska cabbay wuuna ku degay. Ilaa muddo saacad ah ayuu cabbayay dabadeed wuu dhintay, iyada oo beebkii afka ugu jiro.




 




Ma xusuusni weligay in aan la kulmay murugo taa ka weyn, wax aan se xusuustaa in aan dareemay cidloobid. In kasta oo ay hooyo ii ahayd asaaska nolosha haddana aabbe ayaa ahaa aqoonsiga qofnimadayda. Geeridiisu noloshayda wax ay ku lahayd isbeddello aan natiijadooda la malayn karin. Muddo yar oo aannu tacsi ku jirnay ka dib hooyo wax ay ii sheegtay in aan Qunu ka tegayo. Ma aan wayddiin sababta iyo meesha aan u kacayo midnaba.




 




Aroor hore ayaan alaabtaydii yarayd xidhxidhay oo aannu u socdaallay galbeed iyo degaankayga cusub. Murugadii geerida aabbahay ayaaba ka fududayd ta aan ka qaaday dhulkan aan ka tegayay. Ma aan aqoon meel aan ahayn Qunu, taas oo aan u jeclaa sida aan soohdinta lahayn ee ilmo waliba u jecel yahay meesha uu ku garaadsado. Intii aanay tuuladu buurta gadaasheeda igaga libdhin dib ayaan ugu jeestay oo u eegay si aan islahaa waa markii kuugu dambaysay. Waxaa ii sii muuqday aqalladii yaryaraa iyo dadkii oo hawl maalmeeddoodii iska wata; toggii aan ku dabbaalan jiray ee wiilasha kale ku la ciyaari jiray; beerihii galleyda iyo burcooyinkii doogganaa ee ay ugaadha xasilloon iyo xaynta idaha ahi daaqayeen. Wax aan maskaxda ka arkay wiilashii saaxiibbaday ahaa oo shimbiraha yaryar debedda ka ugaadhsanaya, oo lo’da caanaha diirran afka kaga maalaya oo harada toggu ku shubmo farxad ugu boodboodaya. Wax ay se ugu horrayn iyo ugu dambayn eegamdaydu ku raagaysay saddexdaa aqal ee yaryar ee aan ku soo qaatay jacaylka iyo xannaanada hooyaday. Saddexdaa aqal ayay liibaantaydii oo dhami ka buuxdaa, iyo sidoo kale noloshaydii oo dhami, waanan ka xumaaday in aanan soo wada dhunkan intii aanan ka soo dhaqaaqin. Ma aan rumaysan karayn mustaqbalka aan imika ku sii jeedaa si walba oo uu u fogaado in lagu dhererin karo noloshaa aan ka tegayay.




 




Annaga oo aamusan ayaannu lugaynnay ilaa qunyar qunyar gabbalku u dhacay. Laakiin jacaylka aamusan ee hooyo iyo ilmaheedu weligii kelinnimo ma yeesho. Aniga iyo hooyo sidayadaba aad u ma aannu wada hadli jirin, loo maba baahnayn. Weligay jacaylkeeda shaki iga ma gelin weligayna caawimadeeda joogtada ah madow iga ma gelin. Waxa uu ahaa socdaal daal badan, iyo waddooyin dhaadheer oo dhagax iyo uskag ah, oo haaro la fuulayo oo laga degayo, oo tuulooyin badan la dhaafayo, laakiin ma aannu hakan. Gabbal gaabkii ayaannu soo gaadhnay godan yar oo ay ku taallo tuulo dhiri ku meersan tahay, badhtankeedana uu ku yaal aqal weyn oo qurux badan oo ka sarreeya wax wal oo aan ilaa maalintaa arkay kaas oo aan eegmadiisa ku ashqaraaray. Dhismayaashu wax ay ka koobnaayeen laba afar-gees u dhisan iyo toddoba mutulle oo qurux badan aadna uga weyn kuwii aan hore u arkay oo dhan, giddigoodna wax ay ka dhisnaayeen dhagax cad oo indhadaraandar leh oo iftiinka qorraxda sii dhacaysa soo celinaya. Waxaa ku hor yaallay beer-guriyeed weyn iyo beer galley ay geedo gurmago’an ahi ku qaydan yihiin. Aqalka gadaashiisana waxaa ku taallay beer-guriyeed kale oo tii hore ka sii weyn oo lagu bilay dhir tufaax, beer khudradeed, ubax iyo xidh sogsog ah. Meel aad ugu dhow waxaa qotontay kiniisad aad u cad.




 




Laba geed oo halka aqalka weyn laga soo galo ku yaalla waxaa hoos fadhiyay labaataneeyo oday oo guurti qabiil ah. Dhismayaasha hareerahooda waxaa dhulka barwaaqada ah si xasilloon u daaqayay ilaa konton sac iyo malaha ilaa saddex boqol oo ido ah. Wax waliba qurux miidhan bay ahaayeen oo si wacan baa looga shaqeeyay wax ayna maskaxdu ka qaadanaysay hodantinnimo iyo sarrayn aad uga weyn wax walba oo khayaaligu i tusi lahaa. Wax uu ahaa Qasriga Weyn ee Mqhekezweni, caasimadda kumeelgaadhka ah ee Thembuland, guriga boqortooyada ee suldaan Jongintaba Dalinbyebo, suldaanka dadka Thembu.




 




Aniga oo weli taagan oo waxan oo qurux ah liqi kari la ayuu baabuur xiimayaa kadinka galbeed ka soo galay raggii geedka hoos fadhiyayna degdeg ayay u kaceen. Koofiyadaha ayay iska wada qaadeen oo kor u wada taageen iyaga oo ku dhawaaqaya “Bayete a-a-a, Jongintaba! (Jongintaba ha noolaado!), taas oo ahayd bariidada dadka Xhosa ee boqorradooda. Baabuurkii (oo aan beri dambe bartay gaadhigaa haybadda badan in la yidhaahdo V8) waxaa ka soo degay nin gaaban oo kuusan oo suudh bilic leh gashan oo aan isku kalsoonidiisa iyo madaxtaaggiisa ka garan karayay in uu yahay nin caadaystay in uu awood adeegsado. Magaciisa wuu ku bannaanaa waayo Jongintaba macnihiisa dhabta ahi waa “Kii buurta eegayay”, wax uuna ahaa nin leh haybad weyn oo ay indhaha oo dhami ku jeedeen. Wax uu lahaa midab madow iyo weji garasho ka muuqato, raggii geedka ka hoos kacay ayuuna isaga oo aan islurayn gacanqaaday, kuwaas oo aan dib ka ogaaday in ay ahaayeen Maxkamadda Sare ee dalka Thembu. Ninkaas ayaa ahaa taliyaha, isaga ayaana masuul iga noqon doona oo i korin doona tobanka sannadood ee soo socda.




 




Isla ilbidhiqsigaa aan arkay Jongintaba iyo qasrigiisa ayaan dareemay sidii aan ahay geed yar oo xididdada iyo laamahaba dhulka looga rujiyay oo lagu dhex tuuray duufaan aanu sinaba isaga caabbiyi karin. Waxa i gashay qaddarin aad u weyn iyo haddana jahawareer. Maanta ka hor weligay ka ma aan fekerin wax aan ahayn dantayda, mana aan yeelan hiyi ka sarreeya in aan dhergo iyo in aan ku adkaado dagaalka ciyaarta ah. Maskaxdayda ku ma jirin wax la yidhaahdo lacag, dabaqad, abaalmarin, ama awood. Mar qudha ayay duni cusubi isu kay furtay. Weligeedba carruurta guryaha saboolka ah ka timaaddaa haddii ay si degdeg ah nolol hodan ah u galaan waxaa jiita dhaldhalaalka badan ee nolosha. Aniguna taa ka ma aan duwanayn. Wax aan is arkay iyada oo wixii aan fikir haystay oo dhan iyo wixii aan ilaalin jiray oo dhami iga sii baxayaan. Seeskii aan awelba adkayn ee ay waalidkay wax iiga dul dhiseen durba wuu liicliicay. Ilbidhiqsigaa ayaan istusay suurtagalnimada in ay noloshu ii la diyaar tahay wax ka badan ciyaartii u tababarashada dagaalka.




 




Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (3) . Xusuusqorka Nelson Mandela




(Long Walk to Freedom)  Turjumid: ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd




 




Gadaal ayaan ka ogaaday dhimashadii aabbahay ka dib boqor Jongintaba in uu isu xilqaamay korintayda. Wax uu ii la dhaqmi doonaa isla sida uu carruurtiisa u la dhaqmo, wax aanan heli doonaa wanaag walba oo ay helaan. Hooyaday wax ay taa ka tidhaahdaa ma jirin. Deeqsinnimada sidaas ah ee boqorka la ma diidi karo xitaa haddii ay i tebayso, raalli ayayna ka ahayd korinta wanaagsan ee aan boqorka ka helayo halkii ay iyadu i korin lahayd. Boqorku ma uu illaawin sababtii uu madaxnimada ku helay in aabbahay lahaa.




 




 




Hooyo maalin ama laba ayay na la sii joogtay Mqhekezweni dabadeed Qunu ayay ku noqotay. Isa sagootigayagu wax kacdoon nafsadeed ah ma lahayn. Wax waano iyo talooyin ah i ma ay siin, i mana dhunkan. Wax aan maleeyay in aanay doonayn marka ay iga tegayso in aan dareemo in ay i tuurtay sababtaas ayayna isu dejinaysay oo isu xilqaamaysay. Waan ogaa aabbahay in uu jeclaan lahaa in aan waxbarto oo dunida meel ka galo taas oo aanan ka heleen Qunu. Eegmadeeda jacaylku ku dhan yahay ayaa ahaa deeqsinnimada, naxariista iyo taageerada aan u baahnaa, kolkii ay dhaqaaqdayna inta ay igu soo jeesatay ayay tidhi: ”Uqinisufokotho kwedini - hooyo madaxa kor u qaad!” Carruurta sideedaba lagu ma yaqaan dareen nafsdadeed oo fog, gaar ahaan haddii ay ku shuqlan yihiin wax ku cusub oo xiiso leh. Markaa xitaa iyada oo hooyaday gacalisaday ahna saaxiibkaygii kowaad iga tegayso madaxayga waxaa ka buuxay raaxooyinka badan ee aan gurigan cusub ka helay. Maxaan madaxa kor ugu qaadayaa? Durba wax aan gashanaa dhar cusub oo qurux badan oo barbaariyahayga cusubi ii soo iibiyay.




 




Markiiba wax aan ku milmay nolol maalmeeddii Mqhekezweni. Ilmuhu degdeg buu nolosha u la qabsadaa, ama weligiiba la ma qabsado – aniguna Qasriga Weyn wax aan uga mid noqday sidii aan isaga ku koray. Wax ay ii ahayd sidii janno samada la iiga soo dejiyay, wax waliba aad ayay u wacnaayeen, hawl maalmeeddii Qunu xiisaha darrayd Mqhekezweni wax ay ii noqotay wax aan ku raaxaysto. Marka aanan dugsiga jirin beerta ayaan wax ka fali jiray, ama waddooyinka ayaan gaadiidka iyo iyo xoolaha ka la hagi jiray. Fardaha ayaan fuuli jiray, shimbiraha ayaanan shimbiralaaye ku layn jiray, oo wax aan raadsan jiray wiilal aan la feedhtamo, kolkolna cawayska ayaan hablaha reer Thembu heesahooda macaan iyo sacabkooda ku ciyaari jiray. In kasta oo aan tebay Qunu iyo hooyadayba haddana dunidaa cusub ayaa i wada liqday.




 




Wax aan galay dugsi fasal qudha ka kooban oo qasriga u dhow halkaas oo aan ka dhigtay ingiriisida, afka Xhosaha, taariikhda iyo juqraafiga. Ingiriisida wax aannu ka baran jirnay buugga waxbarashada Chamber, layliyadana wax aannu kaga shaqayn jirnay sabuurado yaryar. Macallimiintayada mudane Fadana iyo kolkii dambe Giqwa si gooni ah ayay aniga ii danayn jireen. Waxbarashada waan ku wanaagsanaa, wax ayna ahayd mintidnimadayda ee ma ahayn maskax badni. Nadaam wanaaggayga qofeed waxa sii xoojisay eeddo Phathiwe oo qasriga ku noolayd oo habeen walba layliyada iga kormeeri jirtay.




 




Mqhekezweni wax ay saldhig u ahayd Kiniisadda Methodist aad ayayna uga casrisanayd Qunu oo uga reer galbeedsanayd. Dadka halkani wax ay xidhan jireen dhar casri ah. Raggu wax ay gashan jireen suudh haweenkuna dhar asturan oo la mid ah ka borotestaanka diinta faafiya: googgarad weyn oo dheer, toob qoorta jooga, garbasaar weyn oo garbaha ka rogan iyo masar si qurxoon madaxa loogu duubo.




 




Haddii ay nolosha Mqhekezweni ku wareegaysay boqorka, anigana noloshayda yari wax ay ku wareegaysay labadiisa carruur ah: Justice, oo ahaa wiilkiisa qudha lehna dhaxaltooyada qasriga, iyo Nomafu oo iyaduna ahayd inanta boqorka. Iyaga ayaan la noolaa waxaana la ii la dhaqmi jiray isla sidooda oo aan in yarna ka duwanayn. Isku cunto ayaannu cuni jirnay, dhar isku mid ah ayaannu gashan jirnay, oo isku hawl ayaannuna qaban jirnay. Kol dambe waxaa nagu soo biiray Nxeko oo ahaa walaal ka weyn kan dhaxaltooyada leh oo la yidhaahdo Sabata. Afartayadaas ayaa u ekayn boqortooyo dhan. Boqorka iyo marwadiisa No.England wax ay ii barbaariyeen sida ilmahooda. Waa ay iga welweli jireen, waana ay i tilmaami jireen oo haddii aan gefo i edbin jireen, intaas oo dhanna wax ay igu la dhaqmi jireen kalgacal weyn iyo xaqsoor. Jongintaba waa uu adadkaa weligay se shaki iga ma gelin in uu i jecel yahay. Wax ay iigu yeedhi jireen naanaystayda ah Tatomkhulu, oo macnaheedu yahay awowe. Wax ay sheegi jireen kolka ay arrini aad iiga dhab tahay in aan u ekaado oday gaboobay.




 




Justice oo afar sano iga weynaa ayaa ii noqday halyeyga kowaad aabbahay ka dib isaga ayaanan wax walba kaga dayan jiray. Kolkii aan halkan imidba isagu wax uu ku jiray Clarkebury oo ahaa dugsi boodhin ah oo boqol kiiloomitir u jira Mqhekezweni. Wax uu ahaa wiil dheer, qurxoon oo jidhkiisu dhisan yahay aadna ugu wanaagsan isboortiga oroddada, cricket-ka, rugby-da iyo kubbaddacagta. Waxa uu ahaa nin mar kasta faraxsan oo horusocod ah, nin u dhashay jilaannimo oo dadka ku ashqaraariya heeso macaan kagana yaabiya kolka uu qaabciyaarayo. Sida caadiga ah dumar badan baa ka heli jiray – waxaa se jiray dad yar oo ku dhaliili jiray in uu yahay nin aan xishoon oo shabeelnaagood ah. Aniga iyo Justice in kasta oo aannu wax badan ku ka la duwanayn haddana wax aannu noqonnay saaxiibbo isku dheer. Isagu wax uu ahaa dadka waxqabadka leh halka aan anigu ahaa dadka hoos isugu mashquulsan; mar walba wuu faraxsanaa halka aan anigu sidii nin weyn u dhaqmi jiray. Isaga wax waliba waa u fududaayeen anigu se wax kasta dadaal baan gelin jiray. Wax aan u arkay wax wal oo ay tahay nin da’yari in uu ahaado in uu ahaa sidaas oo aan aad u jeclaan lahaa in aan noqdo.




 




Maalin walba guriga boqorka ayaan hawlo ka la duwan gucle ku galaabixi jiray, ta iigu xiiso badanina wax ay ahayd kaawiyadaynta suudhadhkiisa, taas oo ahayd shaqo aan aad ugu faanayay. Wax uu lahaa ilaa lix suudh oo jaadka reer galbeedka ah, saacado badan ayayna igu qaadan jirtay in aan saraawiishiisa si qurux badan u kaawidayeeyo.




 




Labada mabda ee noloshayda Mqhezweni xukumayay waxa ay ahaayeen boqortooyada iyo kiniisadda. Labada dhaqan ayaa ku wada jiray gaashaanbuur xaaraan ah, in kasta oo aanan berigaa sinaba u garanayn labadu in ay col isu ahaayeen. Masiixinnimadu aniga nadaam diineed ii ma ahayn wax aan se u arkayay awood diineed oo uu nin qudha ahi lee yahay: baadderi Matyolo. Qofnimadiisa xooggani wax ay tusaale buuxa u ahayd wax wal oo masiixiyadda lagu jeclaanayo. Sida boqorka ayuu caan u ahaa loona jeclaa, isla markaa xaqiiqada ah in uu isagu boqorka kaga sarreeyo arrimaha diinta la xidhiidhaa qaddarin weyn ayay ii gelisay. Laakiin kiniisaddu if iyo aakhiro isku si ayay uga shaqaynaysay, wax alla waxa ay madowga Koonfur Afrika horumar gaadheenna wax aan u arkay wax ku yimid dadaalka dadka diinta masiixiga u shaqeeya. Iskuullada kiniisadda ayay wax ku soo barteen dhammaan dadka xafiisyada ka shaqeeya, turjubaannada iyo bilayskuba, kuwaas oo berigaa matalayay nolosha sare ee ay ahayd dadka afrikaanka ahi in ay u halgamaan.




 




Baadderi Matyolo wax uu ahaa nin laf weyn oo da kontonaad ku jira, wax uuna lahaa cod qoto iyo xoog leh oo ku habboonaa in uu wax ku wacdiyo iyo in uu ku heesaba. Kolka uu wax ka wacdiyayo kiniisadda yar ee cidhifka galbeed kaga taalla Mqhekezweni qolku yar ee kiniisaddu had iyo goor wuu buux dhaafi jiray. Dhawaaqa ah ”Hosianna” ayaa isu bixi jiray iyaga oo dumarkuna hoostiisa jilbajooga oo ka tuugaya in uu u duceeyo. Kolkii aan Qasriga imid qisooyinkii ugu horreeyay ee aan maqlay wax ay ahayd baadderigu in uu dhulka ka eryay jin halis ahaa iyada oo hubka keliya ee uu adeegsaday ahaa Baybalka iyo toosh. Sheekadaasi in aanay maangal ahayn iyo in ay isburini ku jirto midnaba berigaa ma aan garan karayn. Tacaaliinta Mehtodist ee uu Matyolo wax ku wacdiyi jiray wax ay ku milnayd diin dhaqameeddii afrikaanka. Halkaa Eebbe wax uu ahaa mid xikmad badan oo awooddiisu buuxdo oo haddana aarguta oo cidda falxumooto ciqaab mariya.




 




Qunu intii aan joogay mar qudha ayaan weligay kiniisad tegay, waana markii masiixiyadda la iigu waqlalay. Xaggayga taasi wax ay iska ahayd arrin aan hooyaday darteed u sameeyay laakiin aan wax macne ah oo kale ii lahayn. Laakiin Mqhekezweni diintu wax ay ka mid ahayd dhaqan maalmeedka, Axad kastana boqorka iyo marwadiisa ayaan kiniisadda u raaci jiray. Boqorku qiimi weyn buu diinta siin jiray. Run ahaantii maalinta qudha ee uu si xanuun badan ii garaacay waa maalin Axad ahayd oo aan ka baaqday tegista kiniisadda aniga oo wiilasha tuulada noo dhow dagaal ugu maqnaa. Wax uu ahaa gef aanan dib u samayn.




 




Taasi ma ahayn ganaaxa qudha ee aan ka la kulmay gef aan baadderiga ka galay. Galab baan beerta baadderi Matyolo inta aan u dhuuntay xasiid ka soo goostay oo inta aan dubtay halkii ku cunay. Gabadh yar baa se i aragtay aniga oo galleydii cunaya markiibana baadderigii ayay u sheegtay halkan aan joogo. Warkiina degdeg buu u fiday oo xitaa wax uu gaadhay marwadii boqorka. Fiidkii – iyada oo sugaysa salaaddii maqrib oo ahayd cibaado maalinle ah – ayay dembigaa iga la hadashay, wax ayna igu canaanatay in aan cuntadii ka qaatay miskiin danyar ah oo diinta u adeegaya iyo in aan qoyska ceeb u soo jiiday. Wax ay ii sheegtay in ay hubto waxa xadka iga gudbiyay in uu yahay sheyddaan. Dabadeed wax aan dareemay baqdin iyo ceeb isku jira – wax aan ka baqay in xagga samada la iga ciqaabo wax aanan ka khajilay sida aan u jebiyay kalsoonida qoyskii i korinayay.




 




Boqorku qaddarinta uu guud ahaanba dadka ku lee yahay madowga iyo caddaankaba, iyo awoodda muuqata ee adag ee uu lee yahay darteed, boqortooyada wax aan u arkayay udubdhexaadka ay nolosha kale oo dhami ku wareegayso. Awoodda hawlaha boqorka iyo saamayntooda ayaa noloshayada Mqhekezweni oo dhan si walba u xukumaysay, iyada ayaana ahayd agabka ugu waxtarsan qof wal oo doonaya in uu helo awood iyo meeqaan.




 




Fikirkayga ku saabsan hoggaaminta markii dambe waxaa saamayn weyn ku yeeshay waxyaalihii aan ku arkay boqorka iyo hawlwadeenka qasrigiisa. Wax aan u fiirsaday oo wax ka bartay kulannadii tolka ee sida joogtada ah loogu qaban jiray qasriga. Kulannadaa marnaba la ma sii qorshayn jirin ee waxaa la isugu iman jiray uun hadba kolka ay danto keento. Kulannadaa waxaa lagaga doodi jiray dhibaatooyinka la wadaago sida abaarta, cudurrada faafa, soo xulista xoolaha la loogayo, tallaabooyinka siyaasadeed ee qaaddigu amro, ama xeerarka cusub ee dawladdu soo saarto. Qof wal oo qoomiyadda Thembu ahi xaq buu u lahaa in uu ka soo qaybgalo – dad aad u badan baana iman jiray, lug iyo farasba.




 




Markaas oo kale boqorka waxaa ku xeernaan jiray dadka boqortooyada u shaqeeya oo ka koobnaa lataliyayaal sarsare sida gole baarlammaan iyo guddi maxkamadeed. Wax ay ahaayeen rag garasho leh oo maskaxda ku wada haya aqoontii taariikhda iyo caadooyinka tolka hadalkoodana aad baa looga dambayn jiray.




 




Caaqilladaa iyo madaxdaa kaleba boqorka ayaa u diri jiray warqado uu kulanka ugu yeedhayo, in yar ka dibna Qasriga Weyn waxaa soo degi jiray dad badan oo marti iyo socoto ah oo ka yimid idil ahaan dalka Thembu. Martidaasi wax ay isugu soo ururi jireen guriga boqorka barxad ku hortaalla, wax uuna boqorku kulanka ku furi jiray mahadnaq uu u jeediyo dhammaan dadka ka soo qabygalay imaatinkooda, wax uuna u sheegi jiray sababta uu isugu yeedhay. Markaa ka dib juuq dambe ma uu odhan jirin ilaa shirku gabagabo ku dhowaado.




 




Qof walba oo in uu wax yidhaahdo u baahani wuu hadli jiray. Wax ay ahayd dimuqraaddiyad ta ugu wanaagsan. Waa laga yaabaa in ay jirtay kalasarrayn ka muuqata sida hadalka loogu ka la horreynayo, laakiin qof waliba xaq buu u lahaa tiisa in uu yidhaahdo: boqor iyo shicib, dagaalyahan iyo dhakhtar, dukaanle iyo beerato, hantiile iyo adeege. Dadku inta ay doonaan ayay hadli jireen iyada oo aan laga dhex gelin, kulankuna wax uu socon jiray saacado badan. Ismaamulka sidaas ah waxaa asaas u ahaa ragga oo dhami in ay xor u yihiin in ay aragtidooda sheegtaan iyo in la yahay muwaaddiniin siman. (Nasiibxumo haweenka waxaa loo arkayay muwaaddiniin dabaqadda labaad ah).




 




Maalinnimada waxaa la keeni jiray cunto aad u badan had iyo goorna caloosha ayaa igu xanuuni jirtay waxa aan cunto cunay iyo khudbadaha isdabajoogga ah. Waxa ii muuqatay dadka khudbadaynaya qaarkood in ay u hadlaan si ka la daadsan oo aad mooddo weligood in aanay ujeeddada ku biyadhacayn. Waxaa kale oo ii muuqatay qaar kale in ay si qumman u hadlaan, oo si xoog leh kuugu qanciyaan hadal urursan oo sababaysan. Waxaa ii muuqatay in ay jiraan dad hadalka u adeegsada dareen kicin iyo luqad xamaasadaysan si ay dhegaystaha u saameeyaan, iyo kuwo kale oo u hadla si deggan oo caqliyaysan iskana ilaaliya in ay dadka dhiigga dhaqaajiyaan.




 




Bilawgii waan la yaabay sida adag – aan waxba loo la hadhayn – ee ay dadka hadlayaa boqorka u dhaliilayaan. Ma ahayn nin ka sarreeya in la canaanan karo – taa iskaba daaye waxaa muuqatay in ay isaga tahay meesha dhaliisha badankeedu ku dhacaysaa. In kasta oo aan weerarku arxan lahayn haddana si wacan ayuu u dhegaysan jiray, isaga oo aan isdifaacin ama aan wax dareen ah muujin.




 




Sidaas ayay kulammadu u socon jireen ilaa la gaadho go’aan la isku raacsan yahay. In heshiis la gaadho iyo in aan shirku weligii dhammaan mid uun bay ahayd. In aan waxba lagu heshiin qudheedu wax ay ahayd heshiis, in arrinka dib loogu dhigo xilli iyo duruuf xal ku habboon. Dimuqraadiyaddu wax ay ahayd in ragga oo dhan la dhegaysto iyo in go’aanka dadka oo dhami yeeshaan. In ay aqlabiyaddu talisaa wax ay ahayd wax nagu cusub. Tirada badani marnaba ma ay muquunin karayn inta laga badan yahay. Boqorku wax uu mar kale hadli jiray oo qudha kolka shirku gunaanad yahay ee qorraxdu sii dhacayso. Ujeedkiisu markaa waa in uu soo koobo wixii la yidhi oo dhan iyo in uu isu soo ururiyo aragtiyhii ka la duwanaa. Haddii ay suurtoobi waydo in go’aan la isku raaco, kulan dambe ayaa la qaban jiray. Ugu dambayn kolka shirku gabagabo ku dhow yahay waxaa kici jiray heesaa iyo gabyaa soo bandhiga ammaanta boqorradii hore ama ammaan iyo xifaale ku jeeda madaxda meesha joogta halkaas oo dadka oo dhan, oo boqorku ugu horreeyaa, qosol ka wareegi jireen.




 




Intii aan anigu hoggaamiyaha noqday weligay waxa aan raaci jiray mabaadiidii hoggaamineed ee aan kolkii kowaad ku soo arkay Qasriga Weyn ee boqorka. Weligay wax aan isku dayi jiray in aan dhegaysto dhammaan dadka doodda ka qaybgelayaa waxa ay odhanayaan inta aanan tayda soo bandhigin. Taa darteed marar badan aragtidaydu wax ay noqon jirtay wixii meesha laga wada yidhi oo aan isu soo koobay. Goor walba wax aan isxusuusin jiray xaqiiqo muran la’aan ah oo ku saabsan hoggaaminta, taas oo aan markii kowaad boqorka ka maqlay. Wax uu yidhi: hoggaamiye waa xoolajire. Xoolaha wuu ka dambeeyaa oo kuwa ugu dheereeya ayuu u daayaa in ay hor yaacaan inta kalena waa ay daba yaacdaa iyada oo aan neef qudha ahi dareemin in dabada laga wado.




 




Mqhekezweni ayuu ku baraarugay xiisahayga ku saabsan taariikhda Afrika. Awal wax aan maqli jiray uun qisooyinka la xidhiidha halyeyadii reer Xhosa, laakiin Qasriga Weyn wax aan ku bartay halyeyada kale ee Afrika, ragga ay ka midka yihiin Sekhukhune oo boqor u wada ahaan jiray cidaha Bapedi, Moshoeshoe oo ahaa boqorkii Basotho, boqorkii Zulu ee Dingane iyo kuwo kale sida Bambatha, Hintsa iyo Makana, Montshiwa iyo Kgama. Waxaa ka sheekayn jiray boqorrada iyo lataliyayaashooda Qasriga Weyn u iman jiray in ay dadka is khilaafsan dhexdhexaadiyaan iyo in ay arrimo caddaaladeed ka garnaqaan. In kasta oo aanay ahayn qareenno [habka casriga ah] garta ayay isla eegi jireen dabadeed xukumi jireen.  Maalmaha qaar hawsha markiiba waa ay dhammayn jireen dabadeed inta ay wada fadhiistaan ayay taariikhaha ka sheekayn jireen. Agtooda ayaan fadhiisan jiray aniga oo aan juuq lahayn, waanan dhegaysan jiray. Wax ay ku hadli jireen lahjad aanan weligay hore u maqal. Hadalkoodu wax uu lahaa qaab diyaarsan iyo hab sare, wax ay u hadli jireen si deggan oo ka fiirsi leh, codadka afkayga u gaarka ahna wax ay u yeeli jireen dherer iyo xallad.




 




Bilawgii waa ay i eryi jireen iyaga oo odhan jireen waad yar tahay oo in aad dhegaysato ma aha. Muddo ka dib waa ay ii yeedhan jireen oo dab ama biyo ii diran jireen ama dumarku in ay shaah u keenaan ii fari jireen. Sidaa darteed bilihii hore oo dhan wax aan aad ugu shuqlanaa in aan iyaga wax u geegeeyo si aan isla markaa hadalkooda u la socdo. Qunyar qunyar ayay dabadeed u oggolaadeen in aan la joogo, markaas ayayna ii bilaabatay in aan maqlo iyada oo laga sheekaynayo geesiyadii Afrika ee la halgamay gumaysiga. Taas ayaa shidaal u noqotay fikirkayga ku saabsan dagaalyahannadii Afrika qiimigooda.




 




Boqorradaa matali jiray golaha guurtida tolalka ka ugu da weyn ee qisooyinkii hore ka sheekaya wax uu ahaa Zwelibhangile Joyi, oo ka dhashay bahda weyn ee boqor Ngubengcukas. Tatu Joyi gabow inta uu ka qabo liidadka madmadow ee haragga wejigiisu wax ay u soo laallaadeen sidii maro ka lulata. Qunyar ayuu taariikhda uga sheekayn jiray waxaana badanaa ka ka la goyn jiray qufac xoog leh oo marmar ku dirqiyi jiray in uu daqiiqado dhan aamuso. Joyi waxa uu ahaa qofka ugu awoodda badan haynta taariikhda reer Thembu inteeda badan sababta oo ah qudhiisa ayaa wax badan u soo joogay.




 




Haddaba boqor Joyi waxaa ka soo daadan jirtay taariikhda tobannaan iyo tobannaan sannadood marka uu ka sheekaynayo Impi, ama dagaalyahannadii ciidanka boqor Ngangelizwe markii ay la dirirayeen Ingiriiska. Kolka uu ka sheekaynayo goob dagaal, jab iyo guulba, jilitaan ayuu ku muujin jiray warankiisa ayuuna gani jiray. Waxa uu ka sheekayn jiray halyeynimadii boqor Ngangelizwe, deeqsinnimadiisii iyo debecsanidiisii.




 




Sheekooyinka boqor Joyi ku ma ay koobnayn tolka Thembu oo qudha. Markii kowaad ee aan dhegaystay isaga oo ka sheekaynaya dagaalyahan aan xitaa reer Xhosa ahayn sababta waan iswayddiiyay. Wax aan la mid ahaa sidii wiil yar oo caabuda ciyaaryahanka xiddigga ah ee kubbada cagta degmadiisa oo aan dan ka lahayn xiddigga aan isaga waxba la wadaagin ee xulka qaranka u ciyaara. Wax badani ka ma dambayn markii ay weynida taariikhda Afrika i gashay iyo halyeyadu wixii ay u soo halgameen, aniga oo aan qabiil u eegin. Boqor Joyi wax uu cadho ku la dhici jiray ninka cad oo uu u arkayay in uu si qorshaysan u ka la daadiyay tolka Xhosa oo laba walaalo ah ka la qaybiyay. Ninka cadi wax uu reer Thembu gashaday boqorkooda dhabta ahi in uu yahay boqoradda weyn ee cad ee badaha ka shishaysa oo ay iyadu u taliso. Laakiin boqoraddaa weyn ee cadi dadka madow u ma ay soo kordhin wax aan ahayn ayaandarro iyo wacadfur, haddii ay boqorad tahayna waa mid hoog iyo baas ah. Sheekooyinka dagaallada ee boqor Joyi iyo eedaha uu Ingiriiska u jeedinayay wax ay igu abuureen ciil ah in na la khatalay, iyo xaqaygii dabiiciga ahaa la iga fara maroojiyay.




 




Boqor Joyi wax uu yidhi dadka afrikaanku xaalad nabadeed ayay iskaga noolaayeen jeer ay “abelungu” ama dadka cadi badda dhankeeda kale ka soo degeen iyaga oo sita hubka dhaca. Waxaa jirtay, ayuu yidhi, mar ay dadka Thembu, Pondo, Xhosa iyo Zulu ahaayeen ilmo aabbe wada dhalay una wada noolaayeen sida walaalaha. Ninka cad baa ka la tuuray, ayuu yidhi, “abantu”, walaalnimadii tolalkaa. Ninka cadi dhul buu gaajo u la hamuumayay ninka madowina dhulka wax uu u la qaybsaday isla sidii uu hawda iyo biyaha u la qaybsaday. Dadku dhulka ma yeelan karo. Ninka cadi dhulka wax uu u qaatay sida ninku u qaato faras nin kale.




 




Weli markaa ma aan ogayn taariikhda dhabta ah ee dalkayagu in aanay ahayn ta lagu qoray buugaagta waxbarashada ee Ingiriiska ee ku dacwiyaysa Koonfur Afrika in ay dhalatay maalintii uu Jan van Riebeeck ka soo degay Qoorriga Yididdiilada Wacan (The Cape of Good Hope) sannadkii 1652. Boqor Joyi ayaa i garansiiyay taariikhda dadyowga Baantu in ay ka soo bilaabatay meel aad woqooyi u xigta, dhul leh harooyin banan iyo dooxooyin cagaaran dabadeed aannu kumanaan sano qunyar qunyar ugu soo siqnay koonfurta, ilaa aannu soo gaadhnay cidhifkan ugu koonfureeya qaaraddan weyn. Gadaal ayaan se ka ogaaday taariikhaynta boqor Joyi ee Afrika ku saabsani in aanay run wada ahayn, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1652.




 




Magaalada Mqhekezweni wax aan dareemay si la mid ah wiil miyi oo magaalo weyn yimid. Mqhekezweni aad bay uga ilbaxsanayd Qunu taas oo ay dadkeedu aad uga badowsanaayeen dadka Mqhekezweni. Boqorku wuu i la necbaa in aan booqdo Qunu waayo wax uu rumaysnaa in aan dad xun ka soo baranayo degmadayadaa. Mararkii aan tegay wax aan dareemay hooyaday in boqorku igu soo ballamiyay, waayo markiiba wax ay i wayddiin jirtay cidda aan la soo ciyaaray. Marar badan se boqorka ayaa hooyaday iyo walaalahay cid u diray oo Qasriga iigu keenay halkii aan anigu u tegi lahaa.




 




Bilawgii kolkii aan imid Mqhekezweni kuwa i la faca ahi wax ay ii arkayeen in aan ahay sacsac reer miyi ah oo aan sinaba u la qabsan karayn nolosha quruxda badan ee Qasriga taalla, aniguna sida nin yar lagu yaqaan wax walba wax aan u sameeyay in aan la qabsado oo si wacan u ilbaxo. Maalin bay kiniisadda ishaydu qabatay gabadh dhallinyar oo qurxoon taas oo noqotay mid ka mid ah hablaha baadderi Matyolo. Waxaa lagu magacaabi jiray Winnie, in ay debedda ii raacdo ayaanan u soo jeediyay waana ay iga yeeshay. Iyadu waa ay iga heshay, laakiin maMpondo oo ahayd walaasheeda weyn ayaa ii aragtay in aan ahay wax aan naf lahayn oo lunsan, wax ayna u sheegtay in aan ahay bahal dibjir ah oo aan u qalmin ina baadderi Matyolo. Si ay walaasheeda yar ugu caddayso in aan ahay qof badow ah ayay hadhimo igu soortay gurigooda. Ilaa markaa wax aan cuntada u cuni jiray sidii ay caadadayadu ahayd, mana aannu aqoon mindi iyo fargeeto. Kolkii aannu miiskii qadada ee qoyskooda hareeraha ka fadhiisannay tii sheyddaamadda ahayd wax ay ii soo taagtay saxan aan garbo yaryar oo digaag mooyee wax kale saarrayn. Garbahaa yaryar ee digaaggana hilibkoodu ma jilicsanayn ee wuu adkaa oo la ma goosan karayn.




 




Inta aan u fiirsaday sida ay dadka kale dhib yari mindiyaha iyo fargeetooyinka wax ugu cunayaan, ayaan aniguna kuwaygii qunyar soo qaatay, dadkii baan hoosta ka yara eegay dabadeed isku dayay in aan garbahaygii yaryraa ku goosto. Horta saxanka ayaan ku yara dhex riixriixay aniga oo rajaynaya bal in wax uun iskood uga soo go’aan. Intaa wax aan isku dayayaa in aan saxanka ku cadaadiyo si aan u goosto, laakiin dhan kale ayuun buu garabkii yaraa iiga siibtaa oo aan saxanka guntiisa mindada ku dhuftaa. Cabbaar baan dadaalkaa waday ilaa aan arkay inantii weynayd oo igu dhoollacaddaynaysa oo haddana walaasheed eegaysa iyada oo indhaha ka leh “maxaan ku lahaa”. Waan dagaallamay oo dagaallamay oo dhidid la qoyay, laakiin ma aan doonayn jabkayga in aan qirto, sidaa darteed iyada oo talo igu caddaatay ayaan garabkii yaraa faraha ku soo qaatay. Maalintaa hilib badan oo digaag ma aan cunin.




 




Ka dib inantii weynayd walaasheed wax ay ku tidhi “noloshaadii oo dhan waad tuurtay haddii aad wiil ambad ah jeclaato”, laakiin nasiib wanaag yartu dheg u ma ay jalaqsiin….