Monday, October 28, 2013

Waa Su’aalle Afkan yaa lahaa?byFardawsa Maax Xasan (Nimco)


Jiritaanka ummadeed kuma xidhna sida ama cida ay oogada uga egtahey iyo diinta ay haysato ee waa afka ay ku hadasho. Ummad ka guurtay ama joojisay afkeediina way dabar go’day iyadoo ifka taagan wali. Dunidu waxay tartan iyo is balaadhin ugu jirtaa sidii afkeedu u gaadhi lahaa dad badan, maadama uu afku yahey unuga koowaad ee ummadeed; jiritaankeeduna ku saleysan yahey inta afkeedu gaadho.




Ummadkastana aqoonta loo leeyahey waa inta afkeeda laga yaqaan, u fiirso ummada aad afkeeda barato dhaqankeediina waad baratey. Hadaynu eegno gasiiradan yar ee Egland oo iyadu ah ta afkeedu noqdey afka ay dunida inteeda kale isku afgarato; ayaa ku khasabtay qoomiyadaha aduunkoo dhami in ay ku qamaamaan sidii Ingriisi loo baran lahaa.




China oo ah wadanada ugu dadka badan aduunka ayaa afka Ingiriiska lagu bartaa xeryaha kubada, waxaana la sheegay in ay dad ka badan labba bilyan aroor walba u dareeraan aduunka in ay afkaa bartaan, waxa kalee sannad walba u fadhiista imtixaan afkan ingiriisiga ah Sideetan malyuun oo ardayjaamacado galaysa ah oo haday ku dhacaan aan galayn jaamacadaha.




 Waxay taasi muujinaysaa in Ingiriis xadaarad iyo jiritaanba uu aduunka ku haysandoono.




Waxa kalee Israel ku dadaalaysey kontonkii sanno ee lasoo dhaafay sidii ay usoo noolayn laheyd afka Cibriga oo ahaa uun af ay dadka diimaha ku takhakhusay baran jireen, mudadaa kontonka sanno ah




ayey kaga dhigeen heer lagu barto xanaanda caruurta ilaa heer jaamacadeed! Taasi waxey ku tusineysaa in ummaduhu ku dadaalayaan in aaney dabargo’in soona noolaynayaan afaf dhintay, waxaanan odhan karaa Israel waxay fahamsantahay in jiritaanka afka iyo jiritaankooda dadmino kala hadhi karin.




Hadaba tirada dadka kuma xidhnaan doonto ummad jiritaankeedu ee waxay ku xidhnaanaysaa afka, dhaqabka iyo diinta ay ummadaasi haysato. Hadaba Haddii afkaagu dabar go’o ogow in aanad jirin




hadeed balse aad cidkale biirisey (Cidii aad afkeeda ku hadashaad tahay) Afka Somaligu waa af xambaarsan caqiido, jiritaan iyo xadaarad ummadi leedahey, ummadan Somali ku abtirsata oo ah ummad Muslin ah waa mihiim in afkeedu jiro oo uu waaro. Waxaa taa dheer xadaarad u gaara iyo waliba afka oo ah af hodana oo leh suuggan facweyn in laga guuro ama uu tirtimaana ay tahay ayaan darro soo hoomayda ummada loogu yeedho Soomaal.




Sidoo kale waa af qayima oo diin iyo taariikh xambaarsan; in cisigiisa sare loo qaadaana ay mihiimad badani ku jirto. Somali ahaanwaxaa mihiim ah in aynaan mustawaha nololeed ka dhicin ee aynu is daba qabano, saddex arrimoodba waa in aynu ku dadaalo.




1- In aynaan jiritaanka Aadame ka bixin, oo aynu ahaano umad miiqaan leh oo jirta taasina afkeena ka fursan mayso oo waxa laysku fahmuu ahaan.




2-In aynu Muslin ahaano oo aan dhalan doorsan inagu dhicin khaas ahaa dadka dibada u baxay, taasina waxaa gundhig u ah in aan afkan ka siiban dhexdeena ooynaan ummado kale uun tiradooda iyo tayadoodaba biirin.




3- In aynu ahaano dad Somaliyeed oo sii jiro dhaqankeena iyo hidaheenu ay noqdaan wax lasii gudbin karo oo la kala dhaxlo, taasina waxaa maftaax u ah afkeena hooyo. Macne wayn sameyn mayso in aynu nidhaa dad madow baanu nahay, waayo taasi khaas inaguma aha ee dad badan oo kalaa Madaw ah, midkalena Somali ku noqon mayno oo in aan ku faano Muslin baanu nahay; dee qoomiyado tiro badan baa kula wadaagga. Taasina waxay ina tusaysaa in xataa Haddii dhulka Caro Edeg lasii daganaado balse




afkani sidan u sii riiqmo in dhulka oo dhulkii ah aanu dadku dadkii noqon dooni, maxaa yeelay waxaa kaa lumi doona sumadaadii kuu gaarka aheyd ee cidina kula wadaagi jiri (Af-Somali).




Yaa Canaanta leh?




Intii ka dambaysey burburkii dagaalada ee dalka ku habsadey, waxaa la waayey dawlad ilaalisa afka iyo miisaanka waxbarasho ee dhamaan dhulka Somali dagto, waxaa taa kasii daran dibad baxa xad dhaafka ah ee loo guuray qarbiga, taas oo ceebta ugu wayni kasoo hoyatey in Somalidii qurbe gashay ay ka xuub siibatay afkeedii, waliba ay ku saaqiday in ay caruurtooda u gudbiyaan afkii intooda badani, dhaleecada ugu wayn waalidkuba ha lahaadee, misna kala tagsanaanta Somali iyo tafaraaruqa dhexdooda yaal awgii ayey kari waayeen in ay yeeshaan xidhiidh iyo iskaashi ka caawin lahaa in ay afkooda haystaan una gudbiyaan jiilkadambe.




Waxayna xooga saareen uun qof waliba inuu dhinaciisa ugula dadaalo caruurtiisa afka wadanka cusub ee ay yeesheen.




Waxaanad Jeclayn Lama Barto Hadaba hadaynu doonayno in ay ummadan sii jirto afkana uu ahaado mid sii jooga; waxaa mihiim ah in jeclaansho lala yimaado, lana qadariyo oon laga soo qaadin wax miiqaan liita, yasida iyo yaraysiga afku waxay keentay in laga faano oon lagu wada hadlin ama aan wax laysugu qorin, waxaa aad loo adeegsadaa luqadaha Ingiriisiga iyo Carabi ood moodaa inay ugaba macaanaadeen dadka tii aan xaqa u lahayn! Waxa taa dheer in aad arkayso dad jooga oo dagen dhulkii hooyo, oo wada hadlaya ama wax isku soo qoraya iyagoo adeegsanaya af qalaad! Waxaa wali iga dagi la’ sobabta




ku khasbaysa in ay luqad qalaad adeegsadaan iyadoo waxbarasho iyo shaqo midna lagu jirin balse wada hadankii caadiga ahaa noqday af qalaad!




Marka shaqsiga hada halkaa taagan ilmaha uu dhalo ma ku waanin kara afka? Taasi waa maya. Hadal iyo dhamaan oogada madaw Somali ku noqon mayno, Ashahaado qiridna Somali ku noqon mayno ee bal aan dib isku xisaabino yar iyo weynba si jiritaanka ummadani u waaro, dal iyo dadba.




Fardawsa Maax  Xasan (Nimco)




Fardawsan@yahoo.com