Friday, October 25, 2013

Muqdisho: Maamulka iyo Hawl-wadeenada Iddeecada Shabeele oo Dhimasho ka Xiga banaynta Dhisme lagu haysto


Muqdisho(GNA)-Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Boga Internet-ka ee Shabeele, shaqaalaha iyo hawl-waddeenada warbaahinta shabeele ee Magaalada Muqdisho waxay wacad ku mareen inaanay ka baxayn dhismaha ay ku shaqeeyaan oo Wasaaradda Gaadiidka Somaliya ku haysato.




Qoraalka ayaa lagu sheegay in  Maxkamaddaha Gobolka Banaadir iyo ta sare ee isku riix-riixayaan furida dacwad ay u gudbiyeen oo ay kaga dacwoonayaan amar ka soo baxay wasaaradda Gaadiidka oo heshiis dhex maray loogu ogolaaday.




Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-




“ Iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha uu si sharci darro ah uu ku doonayo in looga saaro dhismaha ay degan tahay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee ay heshiiska kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka sida ku cad Warqada heshiiska ayaa arintaa awgeed waxa ay Shabelle Warqado ku saabsan heshiiskaaasi  ay gaarsiiyeen  Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Warfaafinta boostaha iyo gaadiidka, Cirka iyo Dhulka iyagoo intuba naga aqbalay Warqadahaasi.




Hasa yeeshee sidaa oo kale Waxa ay Shabelle Dacwad geysatay Maxkamadda Sare ee Dalka Dacwadaasoo ay ku lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan tahay Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka. hasa yeeshee markii loo geeyey waxa ay sheegeen in Dacwadani laga furi karo Maxkamadda Gobolka Banaadir, markii Maxkamadda Gobolka Banaadir la geeyey dacwadaa oo ay ku lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan tahay Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Warqadii uu Wasiirku soo marsiiyey Taliska Ciidanka Booliska ee lagu amray in shabelle ka guurto Dhismahaasi  Waxa ay Sheegeen Maxkamada Gobalku  in dacwadan laga furi karo Maxkamadda Sare.




Haddaba markii ay inta dhacday  oo ay u cadaatay Shabelle in Dacwad aan loo furaynin  ayey  dhamaan Shaqaalaha iyo Maamulka Shabelle shir ay yeesheen oo ay kaga hadlayeen arintaasi waxa ay go’aansadeen in intii Banaanka lagu dili lahaa Shaqaalaha iyo Maamulkaba in ay Dawladu ay ku disho Dhismaha ay Shabelle iminka Sida Sharciga ah ku degan tahay, waxaana arintaasi haddii ay dhacdana Mas’uuliyadeeda ay qaadanayso DF Soomaaliya”,




Ideecadda Shabeele ayaa ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha Magaalada Muqdisho, waxaanay ka mid tahay Iddeecadaha ugu waaweyn ee laga dhegeysto Gobolka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com