Hargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa dafiray eeddo lala xidhiidhiyay oo ku saabsan inuu khamiistii todobaadkii hore awood dawladnimo u isticmaalay sii deynta Sarkaal dhawaan Rasaas ku riday xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada, kaasoo bilaysku ka soo qabteen Degmada Dacar-budhuq.
Cabdillaahi Abokor, ayaa lagu eedeeyay inuu sarkaalkaasi bilayska ka sii daayay, maalin ka hor intaan Madaxweyne Siilaanyo amar ku bixin in dhakhso loo soo qabto, ka dibna lagu soo guulaysan shalay in isla deegaankii lagu qabtay Khamiistii laga soo xidhin.
Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Maanta Wasiir ku-xigeenku Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay “Anigu Nin aan sii daayay ma jiro,kiiskaasna cida baahisay cadeynteedaa laga rabaa,laakiinse anigu Ninkaa maan sii deyn, waana arin aan iga suurto gelayn”ayuu yidhi.
Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa laysla dhex marayay in wasiir ku-xigeenku amray inaan la soo qaban Ninkaasi oo Falka uu galay , horeba loola xidhiidhiyay inay soo maleegeen isaga iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.
Tabaarik Maxamed Ducaale, ayaa qirtay inuu shan maalmood ka hor Rasaas ku riday xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil.
Ninkan ayaa ah Sarkaal Mileriga ka tirsan oo derejadiisa lagu sheegay Kabtan, waxaanu ku andacooday mar uu ka hadlayay sababta uu falkaasi ugu kacay inuu is-difaacayay, ka dib markii mudane qabille Baastoolad ula baxay, ka dib markii ay hadal kaftan ah isdhaafsadeen.
Sidaasooy tahay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xildhibaankuba waxay falka uu Tabaarig galay ku tilmaameen Shirqool siyaasadeed oo la doonayay in lagu Khaarajiyo xildhibaankan oo Mucaaridka xukuumadda ka fog ka mid ah.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com