Hargeysa(GNA)-Maamulka Dawlada hoose ee magaaladda hargeysa oo ay horkacayaan Maayarka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo ku xigeenkiisa C/Casiis Maxamed Cago-weyne iyo masuuliyiin iyo Xildhibaano kale oo ka mid ah maamulka dawladda hoose ee magaaladda hargeysa ayaa xalay hirgaliyay bilawgii balanqaadkii Wasiir Waran-cadde ee ahaa inay guryaha Wadooyinka ku jeeda dhisaan hortooda dhirna ku beeraan’
Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda hargeysa ayaa ka dhabeeyay go’aankii iyo balanqaadkii Wasiirka arimaha guddaha ee Somaliland md Cali Maxamed (Waran-cadde) oo hore u sheegay inay meherad kasta waajib tahay inay gurigooda hortiisa laami ka dhigto oo wadada hormarta ku xidho isla markaana Dher ku beerto,waxana Maayarka Magaaladda Hargeysa Maayarka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko0 iyo ku xigeenkiisa C/Casiis Maxamed Cago-weyneiyo Xoghayaha Bilicda iyo arimaha Bulshadda dawladda hoose ee Magaaladda hargeysa ayaa xalay badhtamaha magaaladda hargeysa ka hirgaliyay dhismaha qaybtii ugu horeysay ee guryaha wadooyinka wadooyinka ku soo jeeda laamida loogu xidhilahaa dhirna loogu beerilahaa.
Maayarka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay maadama oo ay maamulka dawladiisa hoose ee uu madaxda ka yahay ku guulaystay inay bilawdo balanqaadkii wasiirka Arimaha Guddaha md Cali Maxamed (Waran-cadde) ee ku amray inay maamuladda dawladdaha hoose ee dalka ka jiraa magaalooyinka dalka bilicdooda sare u qaadaan isla markaana ay ku dadaalaan inay dhisaan hirgelinta isku xidhka wadooyinka iyo guryaha iyo meheradda ku jeeda isla markaana ay dhirku beeraan waxanu yidhi “marka hore waad salaaman tihiin waxa runtii noo sharaf ah aniga iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda hooseba in aanu caawa hirgelinay balanqaadkii Wasiirkeena arimaha guddaha md Cali (Waran-cadde) kor u qaadida bilicda magaaladda hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalkuba waa mid horumarka dalkeena ah anaguna ka dawld hoose hargeysa ahaan waa mid anaga go’an in aanu si wayn wax uga qabano arintaasi sidii aanu magaaladda hargeysa uga dhigilahayn mid bilicdeeda iyo nadaafadeeduba fiican tahay,halkaasi waanu ka sii wadi doona hadii ALLE idmo Wasiir”
Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Guddaha Md. Cali Maxamed (Waran-cade ) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaynu caawa (habeen hore ) halkan isugu nimid inaynu Camuuda ka dabar-jarno magaalada Hargeysa gudaheeda haddii ILAAHAY yidhaahdo, oo Insha Allaahu ay noqoto inay dadku todobaadkii hal-mar Kabaha baalasheeyaan,halka imika subixii iyo habeenkii la baalasheeyo,oo Magaalada inta badhtamaheeda ah iyo halka ay laamiyadu maraan inaan dhamaan gaadhsiino laamiyada iyo wajahada hore ee aqalka oo aan la arag meel kaliya oo Camuud ah,waxaynu gaadhi doona in dhowrkii cishaba loo baahdo in mar la xaadho Magaalada Hargeysa, oo camuuda yar ee kabuhu meelaha fog kala yimaadaan in laga xaadho, taas ayeynu maanta (shalay) wadnaa, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu inagu guuleeyo"
Wariye Cabdiwali
Email:abdiwali991@gmail.com
Gobanimo2013@gmail.com
hargeysa office