(GNA)Thomas Muller ayaa ku adkeystay in aanu qorshaha ugu jirin in uu ka tago kooxda Bayern Munich madaama uu ku faraxsan yahay nolosha kooxda ah horyaalnimda Bundesliga.
Xidigan caalamiga ah ee reer Germany oo 24 jir ah ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay in uu ku biirayo kooxda Barcelona kaddib markii uu booqday caasimada gobolka Catalan, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in ku biirida kooxda ah awooda Spain aanu waqtigan qorshaha ugu jirin.
“Waxaan tagay Barcelona sabab aniga i quseeya, laakiin taasi waxa ay si dhaqsiyo ah u muuqatay wax si kale ah”. Muller ayaa sidaasi u sheegay Sky90.
“Dabcan, waad ku farxeysaa marka lagula xidhiidhiyo koox lamid ah Barcelona”.
“Aad ban ugu faraxsanahay Bayern. Bayern waxa ay iiga taalaa wadnaha, waxana aan rajeynayaa in aan joogo sanado kale oo badan”.
Qadaraska uu Muller kula jiro kooxda Bavarian ayaa sii socon doona ilaa iyo June 2017, waana mid kamid ah ciyaartoy Germany ee la la xidhiidhiyay kooxda Tababare Gerardo Martino, marka laga soot ago difaac kooxda Borussia Dortmund Mats Hummels.