Hadii aanu nahay Deegaanka uu ka soo jeeday Marxuum Axmed Caydiid waxaa nagu ka lifay in aanu soo qorno Baaqan Dad Runsheegayaal sheegtay oo Wargeysyada ku soo qoray arin ku saabsan Kiiska Marxuumkii la dilay.
Hadii aanu nahay Haweenka ka soo jeeda Beesha Marxuumka midyar iyo mid weynba dal iyo dibadba xukuumada waxaanu ugu hambalyeynaynaa ama ku bogaadinaynaa waxqabadkii balaadhnaa ee ay ka muujisay dhacdadii ka dhacday Tuulada Ceynaba 16/4/2013.
waxaanu kaloo xukuumada u soo jeedineynaa iney nabada labada beelood ku xidhan tahay haynta raga ay hayso waxa aanu u shegeenaa xukuumada anagoo ah xog-ogaal dhacdadii ka dhacday Ceynaba iney gacanta ku hayso ragii abaabulay iyo ku wii hubka gurayey ee gurnadka siday sidey ogtahay xukuumaduba ee ay qaar ku qabatay iyagoo sida gurnadka iyo qoryihii iyo rasaastiiba iyagoo ku sida gawaadhudoodii waxaanu u sheegeynaa Madaxweynaha,Wasiirka Arimaha Gudaha ee Nabadgelyada Qaranka mas'uulka ka ah iyo Wasiirka Madaxtooyada ee hawlgalka arintaa ku dhexjiray, in hadii Qof laga sii daayo ay nabadgelyada labada beelood faraha ka bixi doonto iydoo nabadgelyada labada beelood ku xidhan tahay xadhiga raga ay hayso.
xukuumada waxa aanu usheegeenaa sida ku cad iska soo dabadhacayay ee ay qoree ehelada ay dadkoodu xidhan yahay rag iyo dumarba, denbiilayaasha inta maqan ee ugu xumaa xaga abaabulka iyo lacagta loo dirayo gacankudhiiglaha oo ay ka mid yihiin Aaqilka Beesha,Maxamed Daroor Ducaale,kaasoo xukuumada ka qaata laba mushahar midi tahay Dembibaadhe,iyo tiisa Aaqilka ahba isku qaato, Maayarka Degmada Ceynaba Faysal Axmed Jaamac,Agaasima Shaqalaha Gob/Saraar Ismaciil Salaad Huruuse,(Gaaceer) kaasoo ka mid ahaa ragii ay 8da Bilood gacanku dhiiglaha duurka kula jiray intaasiba waxay ka tirsan yihiin waxa ay ka tirsan yihiin shaqalaha Dowlada ee mushaharka ka qaata.
waxaa kaloo aanu xukuumada u cadeyneynaa taladii ninka yaga lagu dilay inay aheyd talo Qabiil kaasoo cadeynteedu tahay Maayarka oo Shir ugu hanjabay kuna caayay shirkii Beeshoodu ay Shidaalka isku hortaagtay isaga oo marxuumku ku tagey shaqo dowladeed shirkaa Beeshu kaga soo horjeeday Shidaalka iyo go'aankii xukuumada markaasi uu u dhaartay isla todobaadkiiba uu dilay ina adeerkii waa Mayarka'e halka gaaceer ay ilma adeer ruma yihiina qoriga u dhiibay gacankudhiiglaha Maayarka walaalkiina uu kaxeeyay isla iminkana la maqan yahay,Maayarka iyo walaalkii abtigoodna uu ahaa ninkii ku hayay Widh widh.
Hadaanu nahay Haweenka Beesha inay xukuumadu hayso nimankaasi kuna soo darto kuwa aynu kor kusoo xusnay ee ay ehelkoodu ku cadeeyeen Joornalka Ogaal,Cadadka 2097 ee 20/10/2013 hadii taa la waayo waxa aanu xukuumada ku wargelineynaa in amaanka labada Beelood faraha ka bixi doono.
1-Leyla Caydiid Bootaan
2-Shaadiya cali Caydiid
3-Madar Cali Caydiid
4-Fadxa Cali Caydiid
5-Laki Axmed Caydiid
6-Cawo Axmed Caydiid
7-Xiis Cawil Bootaan
8-Koos Cawil Bootaan
9-Xaali Faarax Bootaan
10-Kinsi Faarax Bootaan
11-Shamis Ismaaciil Bulaale
12-Shamis Bulaale Amaan
13-Saado Saciid Cali Daad
14-Raxmo Salaad Cali
15-Barwaaqo Jaamac Hindi
16-Xabiiba Xirsi Axmed
17-Cadar Bile
18-Hodan Cashuur
19-Ardo Diiriye Maxamed
20-Faadumo Saciid Seed