Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa hadal dar daaran ah oo dareen badan xambaarsan ka jeediyay Xaflad casuumad ah oo Madaxweynuhu maanta u sameeyay Hogaanka xisbiga iyo Guddida qabanqaabada shirweynaha Kulmiye.
Saylici ayaa sheegay in Kulmiye looga baahanyahay inuu Dhawro Shuruucda dalka iyo Milgaha Xisbimada, si ay Xisbiyada kale ugaga daydaan Xisbimada iyo dimuquraadiyada.
“Waxaa loo baahanyahay inaynu Maanta noqono kuwa Xisbinimada lagaga daydo, kuwo qabyaalada ka fogaada, kuwo uga soo baxa hawsha laynoo xilsaaray si xilkasnimo ku jirto, sideed sanadood ayaynu Mucaarid ku soo ahayn Kulmiye, Maantana waxaynu nahay xisbul Xaakimkii talada hayay.
Halkan ka Dhegeyso: