Tuesday, October 29, 2013

Dawladda Somaliya oo Qareeno u qabtay Tiicay iyo Afweyne


Brusells(GNA)-Xukuumada federaalka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xarig dhowaan magaalada Brussells ee dalka Belgium loogu geystay Maxmaed Cabdi Afweyne oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha burcad badeeda Soomaalida, hase ahaatee markii dambe sheegay inuu ka baxay iyo Maxamed Aadan Tiicey oo ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb.




 




Safiirka Somalia u fadhiya magaalada Brussells ee dalka Belgium Dr. Cali Fiqqi ayaa sheegay in xaalada labadaas nin ay wanaagsan tahay ayna safaaradu si dhow ula socoto.




 




“Waxaan u xilsaarnay ka safaarad ahaan qunsulka 1aad inuu xaalada labadaas nin la socdo, eheladoodana way booqdaan mar kasta, waxaana loo qabtay qareeno ka difaaca dacwadaha loo heysto” ayuu intaa ku daray Safiirka.




 




Bishan Novembar marka ay tahay 30-ka ayaa lagu wadaa in labada nin la soo taago maxkamad ku taala magaalada Brussells iyadoo loo heysto dacwado la xiriira afduubka maraakiib laga lagaa dalkaas iyo gacansiin burcad badeednimada.




 




Dhowaan ayey aheyd markii labada nin ay dowlada Belgium ka dhaadhicisay qorshe been abuur ah oo ahaa iney tagaan dalkaas si ay uga qeyb qaataan filim laga sameynayo burcad badeednimada, waxayna u soo dirtay viisooyin, iyadoo markii ay tageen dalkaasna xabsiga loo taxaabay.