Sunday, October 27, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Xisbiga kulmiye ku Gubaabiyey inaan Mucaaridku ku wiirsan, Shirweynuhuna ka Fashilmin: Dhegeyso


 Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Marti qaad u fidiyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Guddida qabanqaabada shirweynaha xisbigaasi iyo Guddida fulinta.




 Munaasibadda oo ka dhacday Hoolka Shirarka Madaxtootada, waxa  ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Madaxda Xisbiga ee kala duwan, waxaanu madaxweynuhu ka jeediyay Munaasibadaasi Khudbad u badan Dar-daaran siyaasadeed iyo talo soo jeedin ku socota Xisbiga.




Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ), ayaa sheegay in Mucaaridka xisbiga Kulmiye jecelyihiin inuu fashilmo shirweynaha xisbigiisu, loona baahanyahay in taasi meesha laga saaro.




Madaxweynaha ayaa rejo wanaaag ka muujiyay qabsoomida shirweynaha xisbiga kulmiye oo Bisha December ku beegan, waxaanu hogaanka xisbiga ku dar-daaray in shirkaasi si wanaagsan oo Cadaalad ah loo hago.




Halkan ka dhegeyso: