(GNA) Haweeney u dhalatay dalka Bulgaria ayaa dhashay gabadh, xilli uu si toos ah ugu socday qalliin lagaga sameynaayey wadnaha.
Haweeneydaa oo da’deeda lagu sheegay 33 jir iyo Inanta ay dhashay labaduba waxa la sheegay in caafimaadkoodu wanaagsan yahay sida ay xaqiijiyeen wargeysyada ka soo baxa dalkaasi maalintii jimcahah.
Todobaadkii hore ayey haweeneydaan oo uurkeedu ahaa sideed bilood tagtay isbitaal ku yaala caasimada dalka Bulgaria ee Sofia maadaama ay qabtay dhibaatooyin wadnaha ah.
Haweeneyda ayaa intuu ku socday qaliinku la ogaaday inuu dhalankaro ilmaha Uurka ay ku sidaa kadib markii ay fooshu qabatay, Xaaladaa awgeed dhaliin daciibic ahna macquul muu aheyn, waxaaney dhaqaatiirtu go’aan ku gaadheen iney ku sameeyaan laba qalliin oo isbarbar socda, kuwaas oo kala ah midkii wadnaha iyo mid lagu dhalinayo Ilmaha, wuxuuna socday mudo dhan shan saacadood.
Ilmaha yar ayaa miisaankiisa ahaa 5.4pounds, hooyaduna waxaa lagu heyn doonaa mudo laba todobaad ah
Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com