Saturday, October 26, 2013

Caynabo: Iska-horimaad laba Maleeshiyo ku dhex maray Deegaanka Bali-ciise oo lagu guulaystay in dhakhso loo hakiyo


Caynabo(GNA)-Wararka ka imanaya deegaanka Bali-ciise oo hilaadii 14KM dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, ayaa sheegaya in muran Dhul oo u dhexeeyay laba deegaan oo halkaasi wada degeni uu sababay gacan dhex maray laba maleeshiyo beeleed,Khamiistii shalay.




Murankan ayaa ka dhashay Qodaal Berked Biyaha laga cabo oo mid ka mid ah labada ardaa ee meesha wada degaa isku dayay inay ka qotaan, ka dibna dhinaca kale ka soo horjeesteen, iyagoo ka dibaaqaya go’aan hore loogaga joojiyay qodista deegaankaasi, sida ay Goob-joogeyaal Gobanimonews u sheegeen.




Ma jiro wax khasaare ah oo kala gaadhay labada maleeshiyo oo ay mudo israsaaseyntoodu socotay, waxaana maanta halkaasi ku baxay si ay Xiisada u dejiyaan Maamulka Gobolka Saraar, Saraakiisha amaanka iyo xubno ka mid ah Golaha deegaanka ee Caynaba, kuwaasoo ku guulaystay kala kaxaynta labada maleeshiyo ee is-horfadhiyay.




Sida uu sheegay Xildhinaan Maxamed Abyan oo ka mid ah Golaha deegaanka Caynaba ee shaqaaqadan ku baxay, labada Deegaan ee Muranku u dhexeeyo, ayaa cadaadis lagu saaray inay joojiyaan sheegashada iyo qodista dhulkaasi, isla markaana meesha ka saaraan gacan ka hadalka “ shaqaaqadaasi shalay ayay dagaal sababtay, waxaanay u dhaxaysaa laba beelood oo deegaamada Gobolka wada degen, markaa maanta ayaanu ku baxnay, waxaanan ku guulaysanay inaanu kala kaxayno labadii ciidan ee is-horfadhiyay”ayuu yidhi.




Xildhibaan Abyan oo sidoo kale ka mid ah Guddida Nabad-gelyada Gobolka, ayaa intaasi ku daray “labada beelood waxaanu ku qancinay inay xukuumaddu kala dhex gelayso oo ay arrintooda si mug leh u eegi doonto, sidaasi darteed inta laysugu imanayo aanay wax talaabo ah qaadin”.




“muranku wuxuu salka ku hayaa arrin muddo dheer soo socotay oo ah, Berkad laga qoday Meesha oo xiligii xukuumaddii rayaale laga aasay qolo ka mid labada qolo, dabadeed halkii ayay hadana qoladan kale wax ka qoday,ka dibna qoladii hore loogu diiday ayaa ciidan soo uruursaday”ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan abyan.




“Hawshana waxa kaalin mug leh ka qaatay Guddida bad-baada Gobolka oo ka kooban Golaha deegaanka,Madaxda Bilayska iyo Bulshada rayidka ah”ayuu Gobanimonews u sheegay Mudane Abyan.




Deegaanka Bali-ciise ayaa u dhexeeya Deegaanka Bali-cumar iyo degmada War-idaad, waxaanay dhanka Koonfur Bari kaga beegantahay Magaalada Caynabo ee Xarunta gobolka Saraar.




Dhinaca kale, waxa la sheegay inay Ciidanka Bilaysku hore ugu guul-daraysteen inay ka hortagaan iska hor-imaadka labada deegaan.




Maaha markii ugu horaysay ee Muran Dhul oo noocan ahi sababo iska hor-imaad beeleed, balse muddo haatan todobaadyo laga joogo ayay ahayd markii labada beelood oo Gobolkaasi wada degaa isku faro-saareen meel la yidhaahdo Qararo oo Baraago laga qoday, kuwaasoo khasaare hal qof oo dhimasho ahi soo kala gaadhay.




Shaqaaqadaasi ayaa si dhakhso ah loo xaliyay, isla markaana xukuumaddu ka soo saartay go’aan lagu madnuucayo abuurista magaaleynta cusub, go’aankaasoo wasiirka arrimaha guduhu soo saaray maalin uun ka dib markii deegaanka qararo shaqaaqadu ka dhacday.




Khilaafka u dhexeeya labadan Ardaa ee shalay iska hor-imaadku dhex maray, ayaa salka ku haya arin ka hor imanaysa qaraarka dawladdu ku madnuucday Qodashada Dhulka aan Magaalo hore u ahayn ee banaan, walise ilaa hada wax talaabo ah may qaadin Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Bilaysku toona.




Gobanimonews




Caynaba Office




Email: editor@gobanimonews.com