Barcelona ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka La Liga iyagoo sii wata kulamada aan dhinaca dhulka loo dhigin ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkan ka dib markii ay 3-0 kaga talaabsadeen Celta Vigo.
Barca ayaana goolasha furatay daqiiqadii sagaalaad ka dib markii Alexis Sanchez uu shabaqa dhex dhigay kubad laga soo celiyay Cesc Fabregas.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay goolkaas uu Sanchez dhaliyay, iyadoo bilowgii qeybta labaad uu hogaanka u dheereeyay Cesc Fabregas inkastoo goolka uu iska dhaliyay goolhaye Yoel madaama kubadii soo laabatay ay dusha uga dhacday goolhayaha ka hor inta aysan shabaqa gelin.
Fabregas ayaana gool rasmi ah dhaliyay markii uu kubad ka helay Lionel Messi daqiiqadii 54aad ee ciyaarta, waxaana goolkaas uu ahaa goolkii seddexaad ee Barcelona ay dhaliso.
Celta Vigo ayaa isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato laakiin waa ay u suurtogeli weysay, waxaana 3-0 si sahlan ay guusha ku raacday Blaugrana kuwaasoo haatan hogaanka horyaalka ku haya 31 dhibcood.
Waxa ay afar dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid halka ay sagaal dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Real Madrid inkastoo ay hal kulan sii hor ciyaareen.