Burco(GNA)-Shirkada igaadhsiinta ee Telesom ayaa Maanta mudo saacado ah hakad gashay,iyadoo xiliganina ay hawlgalo amniga lagu xoojinayo ay dalka ka socdaan, kadib markii dhamaan adeega telefoonadu shaqayn waayay,taas oo saamayn ku yeelatay dadka reer Somaliland dhamaan.
Waxaana markaad is tidhaahdo garaac aad la kulmaysay inaanay gabi ahaanba waxba galayn.
lama garanayo waxa xiligani ku beegay inuu shaqayn waayo adeega shirkada Telesom oo ah shirkada ugu badan ee telefoonada dadku isticmaalaan,inkastoo ay shirkadu dadwaynah fariin u soo marisay ay kaga raali galinayso.
“saaka markii aan toosay ayaan is idhi lasoo hadal dabadeedna telefoonkii ayaa shaqaynwaayay dabadeed waanigaa hada kula soo hadlay”,sidaas waxa yidhi cabdi oo 10:50 kii duhurnimo la soo hadlay mid saaxiibkii oo ay hawli ka dhaxaysay.
“maanta ma shaqaynayso Telesom waana maalin hawlgal jiro maxaa ku beegay” sidaana waxa yidhi mid kale oo ka mid a Bulshada reer Burco.s
Sidoo kale C/laahi oo nagala soo xidhiidhay tuulada yayle oo ka tirsan Gobolka sool ayaa sheegay inay cilada telefoonadu ay ku kala duwanyihiin Gobolada dalka oo toodU aad uga sii darantahay.
si kastaba ha ahaatee maaha markii koowaad ee ay cildadi ku timi xidhiidhka xaga telefoonada ee shirkada waxaanay xiliyada qaar ku beegantaa iyadoo uu dalka ay ka socdaan hawlo muhiim ah oo wadanka iyo Bulshaduba ay u baaanyihiin.waxaanay sababi kartaa maadaama ay isgaadhsiin tu wadanka iyo maankaba muhiim u tahay in ay hadii ay sidani ku sii socto oo aan wax laga badalin iinay saamayn ku yeelato.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com