Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)-, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo saaro Isku shaandheyn hor leh oo uu xukuumadiisa ku samaynayo, taasoo maalmahanba si weyn looga hadal hayo Xafiisyada Siyaasadda ee xukuumadda.
Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay jiritaanka wax lagu sheegay Isku shaandheyn iyo xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeynayo xukuumaddiisa, inkasta oo aan la cadeyn iliga uu soo saarayo iyo meelaha ay saameynayso toona, balse xafiisyo badan la hadal hayo.
Xogta ku saabsan isku shaandheyntan ayaa soo baxaysa xili uu waddanka ka maqanyahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji oo inta badan loo sibir-saaro in madaxweynuhu kala tashado taalabo kasta oo uu qaadayo, isla markaana wax laga saaro Eriga inuu door weyn ku leeyahay bedelka iyo magacaabista madaxda Hay’addaha xukuumiga ah ee Madaxweynuhu magacaabo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa bishii June ee sanadkan isku shaandheyn mug leh ku sameeyay Golaha wasiirrada ee xukuumadda iyo Agaasimeyaasha Guud Wasaaradaha iyo Maareeyayaasha Hay’adaha dawladda ee madaxbanaan qaarkood.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com