Tix ka hadlaysa Jidka Guusha loo maro
Maansadani waa maanso kooban oo ka hadlaysa qiimaha ninka raga ; waxa aan guriga imi habeen habeenada kamida aniga niyad jabsan oo aad u wareersan, waxa aan daaray muraayada tvga waxana aan helay filin maraykan ah oo aad u xanuun badan kaasoo aan ku ilaaway xaaladii i haysatay iyo culayskii i saarnaa , waxa metelayey nin madow oo feedh yahana oo lagu magacaabo Jember ninkaasoo aad loo dhibayo, kadib daawashada filinkaa waxa igu dhashay maansadan kooban oo ka turjumaysa xaalada ninkaa iyo xaalada ninka geesiga ah iyo gobanimadu inay sharaf tahay aakhirkana uu guulaysanayo ninkaasi jember , waxana aan filinkaa ka bartay in waxa uu qofku niyada geliyo uu ku guulaysto gooray ahaataba hadii uu u samro sida wiilkaa jembar oo kale ninka raga ahina uu guulaysanayo gooray ahaatababa.
Inkastoo la gawdh shoo
Shisheeyuhu gumeeyaan
Noloshiisa gil-gilaan
Gurigiisa bi’iyaan
Gubashiyo la bado ciil
Gooni jooge laga dhigo
Garawshiiyo laga jaro
Ma gabloolo geesigu
Gobanimona waa sharaf!
Inkastoo guhaad iyo
Gaadiyo dagaal iyo
Gabashada wax lagu dhigo
Geesigu ma liiloo
Gooray ahaataba
Goolkiisa wuu dhalin
Geeribaa wax yeeshee
Gawl- gawlku waa sahal
Abaal ruuxa galabaa
‘Weligiiba gudi jirey
Geesigu ma liicoo
Gooray ahaataba
Aminbuu gadoodaa
Gumuciyo rasaastiyo
Gaashaanka tuuraa
Giiryaale heecuna
Galab qudha ma’ diiro
Show maba dagaal galo!
Noloshuna giraantaa
Gad-gadoonta weeyaan
Jember wuu go’doomoo
Samirbuu gaboodsaday
Godmadowna lagu tuur
Wakhtigaa giriifoo
Gocashiyo xanuun baday
Goob xun waayahaa dhigay
Wax kastaa ha gaadhee
Hadafkiisii muu gudhin
Laabtiisii geliyoo
Go; aankiina muu liqin
Waxa uu gudoonsaday
Inuu gaadhi doonoo
Hanan doono guushaa!
Dhammaad…..
waxa curiyey abwaan Cali Maxamed Ibraahim ( cali dhanaaniye)
Dhanaaniye@hotmail.com