Friday, October 25, 2013

Somaliland oo Cilaaqaad siyaasadeed ka Raadinaysa Masartii bur-burtay iyo Wasiiro u safray Maanta


Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ayaa sheegtay in Wefti wasiirro ah oo xukuumadda ka socdaa maanta safar ugu kicitimeen dalka Masar.




Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xukuumadda Somaliland ku tagto Dalka Masar ee qul-qulatooyinka siyaasadeed ragaadiyeen labadii sanadood ee ugu dambeeyay, tan iyo markii xukunka laga tuuray Xusni Mobaarig.




Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu diirada saarayso sidii ay wax wada qabsi iyo iskaashi ula yeelan lahayd jaamacada carabta, si taasi loo xoojinayana waxa maanta u kicitimeen dalka Masar oo ay marti-qaad ka heleen Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Sam-sam Cabdi Aadan.




“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somalilland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis oo ay ku weheliyaan wasiirada waxbarshada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda siyaasadda ee wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maanta oo ay bishu tahay 24/10/2013 safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Qaahira ee xarunt dalka Masar, safarkan waxa uu ku yimi casuumad rasmi ah oo ka timi Wasiirka khaarajiga dalka Masar”ayaa lagu sheegay War-murtiyeedka ka soo baxay wasaarrada oo ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradaasi Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi).




Waxaana waxaana war-murtiyeedku intaasi ku daray “Weftigu waxa ku sugnaan doonaa dalka masar muddo 5 maalmood ah oo ay kulamo kala duwan la yeelaan doonaan Wasiirrada khaarajiga iyo waxbarashada ee dalka masar, taasoo lagaga hadli doono xoojinta cilaaqaada labada dal ee somaliland iyo masar iyo siddii dalka masar inooga caawin lahaa xaga waxbarasha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka Masar siiyo Somaliland, iyo sidii maalgashi dalka masar uga sameyn lahaa dalka Somaliland.




Dhanka kalena weftigu waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha uga sareysa jamacadda carabta oo lagaga hadli doono sidii Somaliland iyo jaamacada carabtu xidhiidh iyo iskaashi u yeelan lahaayeen. Safarkan waa safarkii ugu horeeyay ee wasiirka khaarajiga Somaliland ku tago dalka masar intaa uu xilka la wareega bilo ka hor.”




Horaantii sanadkan ayay ahayd markii wefti ka socda xukuumadda Somaliland, booqdeen dalka Masar, waxaana xiligaasi xukunka Masar hayay Madaxweynaha xabsiga ku jira ee Maxamed Mursi oo ay ahayd wakhti yar ka dib markii la doortay.




Weftiga xukuumadda ee xiligaasi Masar tegay, waxa xubno ka ahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji xasan iyo Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasoo kulamo la yeeshay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumaddi Ikhwaanu Muslimiinka.




Laakiinse laga soo bilaabo, bilowgii dib u soo laba kaclaynta kacdoonkii ka dhacay Masar , kaasoo xukunka lagaga tuuray Maxamed Mursi iyo Xukuumaddii Ikhwaanu Muslimiinka, ma jirin wax xidhiidh siyaasaddeed ah iyo cilaaqaad ka dhexeeyay, Qaahira iyo Somaliland , balse waxaan la hilmaami Karin inay jiraan dano ka dhexeeya xubno ka mid ah xukuumadda Madaxweyne siilaanyo iyo Kooxaha Islaamiga ah dalka masar ka  dhisan, oo loo badinayay Ikhwaanu Muslimiinka.




Hase ahaatee Xidhiidhka ka dhexeeyay ashkhaasta ku jira Ururadda hoos yimaada Ikhwaanka, siyaasadda guud ee Somaliland, ayaa ka soo horjeeday nidaamkii Maxamed Mursi, waxaana taasi ku khasbayay xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Itoobiya oo khatar geli lahaa hadii aanay iska fogaynin nidaamka Mursi oo Loolan ugu jiray inuu Itoobiya iska hortaago munaafacaadsiga Webiga Nile-ka Buluuga ah.




Sidaasooy tahay, hadana  la macaamiilka kasta oo ay Somaliland la sameyso Maamulka ku meel gaadhka ah ee Masar ka taliya oo aan wali Mujtamaca Caalamku go’aan ka qaadan, isla markaana cago adag aan ku istaagin, ayaa diblo maasiyad ahaan su’aalo badani ka dhalanayaan.




Dhinaca kale, waxa isweydiin keenaysa waxa ay Somaliland ka dheefi karto dhaqaale iyo badhitaar siyaasdeed kay noqotaba, waddan Qalalaase siyaasadeed gudihiisa ka taaganyahay, ayna adagtahay in lagu dhiirado dan kasta Somaliland ka leedahay.




Si kastaba ah ahaatee xubnaha wasiirrada Somaliland ee Qaahira u kicitimay, ayaa  waajahayaan laba arimood oo midkood, dibada u soo saarayso in Inqilaabkii Maxamed Mursi laga soo agaasimey wadamadii ka soo horjeeday siyaasadda Mursi oo ay Itoobiya iyo Xulafadeeda Somaliland ka mid yihiin,taasoo casuumadda loogu yeedhay  ay arrimahaasi salka ku hayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com