Dhammaan Bulshada reer Somaliland gaar ahaanna Gobolka Gabiley waxa la gaysiinayaa in la caleemo saari doono Chief Caaqilka Cusub ee Gobolka Gabiley, Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle, isaga oo buuxin doono Jagadii uu ka geeriyooday Aabihii Marxuum Cabdi Ciidle Ammaan, oo ahaa Chief Caaqilka guud ee gobolka Gabiley, 19-kii bishan geeriyooday.
Sidaas darteed Caleemo SAarka Chief Caaqilka Cusub oo hore loogu qorsheeyey Inay Qabsoonto berri oo khamiis ah, waxa lagu wargelinayaa bulshada in dib loo dhigay xafladdii caleemo saarka, iyadoo la qaban doono haddii Alle Idmo 5-ta bisha November ee Sanadkan 2013-ka oo taariikhda Islaamiga ah waafaqsan 1-da bisha Muxarram ee sanadka 1435.
Haddaba waxaan la socodsiinaynaa cidkasta oo ka tirsan beesha uu caaqilka u yahay, iyo dhammaan bulshawaynta reer Soomaaliland inay kasoo qaybgalaan caleema saarka jiif caaqilka cusub ee Dayib Cabdi Ciidle.
Allaa Mahad Leh