Boorama(GNA) - Shirkada Kalluumaysiga ee Pontus Marine ayaa shalay dadka reer Boorama u soo bandhigay qorshe ay kaga mid noqonayaan dadka maalgashanaya shirkadan dhinaca Kalluumaysiga ah oo ka hawl gali doonta Somaliland.
Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhinaca Haweenka, maayarka Boorama, ganacsato, Cuqaal iyo dadwayne kale.
Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadalay Mudane Maxamed Guuleed Liibaan oo ah Madaxa Shirkadda Guul Group oo ka wakiil ah shirkadan Pontus Marine, kaasoo ka waramay shirkadu waxa ay qabanayso iyo siyaabaha loo maalgashanayo.
waxanu yidhi “Waxa aan maanta keenay Boorama Shirkada Kalluumaysiga ee Pontus Marine oo aan doonayno inay dadka reer Awdal ka qayb qaataan maalgalinteeda, shirkadu waa mid ka hawl gali doonta Somaliland kana shaqayn doonta Kalluumaysiga iyo iibgayntiisaba, waxa ay shirkadu xarumo ku yeelanaysaa magaalada Maydh oo ah meesha uu dalkeena kaluunku ugu badan yahay iyo Berbera oo noqondoonta meesha kaluunka laga dhoofin doono, sidaasi aawadeed, waxa aan u sheegaynaa ganacsatada iyo dadka kale ee danaynaya inay ka qayb qaataan maalgashiga shirkadan, in ay u furan tahay isla markaana ugu yaraan lagu darsanayo $500 ugu badnaana lagu darsan doono $500,000”ayuu yidhi mr Guuleed.
Dhinaca kale, Munaasibada bandhiga saami-bixinta shirkadda, Xubin uga hadlay Ganacsatada G/Awdal ayaa sheegay in madmadow badani ku jiro hanaanka Ganacsi ee shirkadan iyo qaabka sheerka lagu gelayo.
“Arinta aad wadaan maaha mid noo cuntamaysa, waxaanan u aragnaa mid la dedejinayo wakhtiga aad sheegteen in qabashada saamiyadu xidhmayaan waa 30-ka bishan waxaana ka hadan Afar maalmood, sida kale ma aydaan sheegin hantidada ay shirkadu inta ay tahay, markaas madmadaw badan ayaa ku jira waanan ka fiirsanaynaa Ayuu yidhi Madaxaas u hadlay Ganacsatada G/Awdal.
Sidoo kale ganacsato kale ayaa iyaguna ka biyo diiday markii masuulka shirkada u hadlayay xusay in xaruntu tahay Maydh meesha labaadna tahay Berbera, taasooo reer Awdal u arkeen in aanay ku darsan Karin Saamiyo, iyagoo inta badan maalqabeenadu ku doodayay inaanay garanayn cida shirkada Aasaastay iyo cida ay u raacayaan Hantidooda.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com