Hargeysa(GNA)-Saraakiisha Bilayska Somaliland iyo Hay’adda UNDP, ayaa isku maandhaafsanayn dib u soo celinta Sarkaal xil sare ka hayay Ciidanka birmadka oo dhawaan loo xidhay tuhun ku saabsan inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab.
Sida ay Gobanimonews u ku heshay xogo hoose, sarkaalkan oo dhawaan sirdoonku xidhay,lana sheegay inuu hore madax uga ahaa Ciidanka birmadka ee SPU-da loo yaqaano oo khaas u ah Ilaalada Hay’adaha Caalamiga ah iyo dadka ajaanibka ah, ayaa todobaadyadanba hadal haynta in la sii daayay oo shaqada dib loogu celinayaa ay socotay.
balse sida aanu ka helnay saraakiil sar sare oo bilayska ah Hay’adaha UNDP oo Ciidanka SPU-da Gunnooyin dhaqaale siisa, ayaa Taliyaha Bilayska ku diiday in dib shaqada loogu soo celiyo Cabdillaahi Gadhle oo ah sarkaalka hore loo xidhay.
Ma cadda sababta ay Madaxda UNDP qaybta amaanka u qaabilsani sarkaalkan xaasaasiyada uga muujiyeen, balse waxa warku intaasi ku darayaa inay ku doodayaan inuu xidhiidh la leeyahay Kooxaha xag-jirka lagu tilmaamo ee Ururka Al-shabaab faraca ka yahay.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee arintan isku khilaafsan waa UNDP iyo Taliyaha Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal, balse ilo-wareedyada aanu helnay waxay intaasi raaciyeen inay labada dhan dhawr jeer isku cel-celiyeen Ninkaasi arintiisa, cid kale oo ilaa soo dhex gashayna lama sheegin.
Cabdillaahi Gadhle, ayaa Bishii Jully ee sanadkan xxili maalinimo aah laga qabtay Xerada Ciidanka Birmadka dhexdeeda, ka dib Xabsiga loo taxaabay, waxaana xiligaasi ku beegnaa wakhti Bilaysku wadeen hawl-galo joogto ah oo ay ku bar tilmaameedsadeen dad uu ka mid ahaa Cismaan Awr Liqe oo mar ka tirsanaa saraakiisha Xafiiska Xidhiidhka Madaxtooyada Somaliland, kaasoo isla bishaa julay wakhti lagu qiyaaso shaqada ka tegay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com