Monday, October 28, 2013

Badhasaab ku-xigeenka Togdheer oo ka Dhaartay inuu qayb ka yahay Caqabadaha Hakiyay Diwaan-gelinta Wasaaradda Qorsheynta


Burco(GNA)-Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) ayaa Maanta waxba kama Jiraan ku sheegay war war ay baahintu qortay oo sheegaya in ay carqaladi ku timi  diiwaan galin ay samaynaysay wasaarada Qorshayantu ee Gobolka Togdheer.




taas oo labadii casho ee ugu danbeeyay uu hakad ku yimi ka dib markii ay badhasaab ku xigeenka iyo wasaaradu isku maandhaafeen gaadiidka ka hawl galaya diiwaan galinta.




Ubaxle oo Maanta Xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, ayaa iska fogeeyay inuu wax ka ogyahay ama qayb ka ahaa qorista shaqaalaha iyo Gaadiidka hawshan fulinaya.




“Dabcan wasiirka qorshaynta qaranku halkan ayuu yimi isagoo wasiirkii shaqada iyo arimah bulshadu la socdo marka gudida cadaalada lagu daro iyagu waxay u socdeen maadama oo ay yihiin gudidii tahriibta ee Madaxwaynuhu Magacabay,tahriibta,markaas  Howsha Qorshayntu way socotay maalmihii u danbeyayba wasiirkuna wuu la kulmay si fiican way u dhacday si fiicana waa loo agaasimay shalayna way baxeen shaqalihii Miyiga. saakana waxa lay sheegay inay gudaha magalada burco ka bilaabmayo mudo dhowr iyo toban cisho ah”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “anigu ka gudoomiye ahaa walaahi ayay iga tahay dadka la qaatay cadaan iyo madow waxay yihiin.waxaanan cadaynayaa in aanu jirin gadiid aanu ku gacan galinay wasarada qorshaynta.




“saaka todobadii markii aan shaqada aanimi waxa lay sheegay in saaka howlihii oo dhami bilaabmeen,markaa ka saxaafad ahaan waxaan idiin cadaynayaa in aanay waxba ka jirin wax khilaaf iyo murantoona oo ka jira arinkaasi” ayuu kaga baxay hadalkiisii Mr- Ubaxle.




Warbaahinta ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay si weyn u hadal haysay arrinta diwaan-gelintan oo deegaamo badan laga soo sheegayo inay caqabad farsamo ka hortimi, isla markaana maanta la sheegay in Degmada Oodweyne maanta laga joojiyay, Gabiley-na shalay lagaga mudaharaaday, ka dib markii shaqaalaha fulinaya laysku maandhaafay.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office