Tuesday, October 1, 2013

Hargeysa: Weriyeyaal Tababar loo soo xidhay


Hargaysa (GNA): Agaasimaha guud ee wasaaradda Waraafinta Somaliland, C/rashiid Jibriil Yuusuf ayaa  shalay  tababar ugu soo xidhay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, weriyeyaal ka kala  tirsan   idaacadda Radio Ergo iyo kuwo  ka  socday warbaahinta dawladda ee Somaliland iyo ta madaxbanaan.


Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa waxa ka qayb galay  muddadii uu socday  koow iyo labaatan weriye oo isugu jiray,  weriyayaasha idaacadda Radio Ergo wakiiladda uga ah ama uga soo warama gobollada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale weriyeyaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo saxaafadda kale ee gaarka loo leeyahay.


Tababarkaasi oo ay fulinaysay idaacadda Radio Ergo  hirgelintiisana ay  gacan ka geysteen  hay’adaha  caalamiga ah ee wadashaqaynta la leh idaacadaasi, tababarkaasi oo ay  u jeedadiisu ahayd sidii weriyeyaasha  gobollada kala duwan ee  Soomaaliya iyo deegaanadda   kale  wakiillada uga ah idaacadda Radio Ergom sidii  aqoontooda iyo xirfadoodaba kor loogu qaadi lahaa, isla markaana ay warar iyo barnaamijiyo xaqiiqada  ku dhisan oo cilmiyaysan ay bulshada ugu gudbin lahaayeen.


Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee  Somaliland, oo hadal ka jeediyay xafladdii xidhitaanka tababarkani, ayaa  weriyeyaashii tababarkaasi ka qayb galay u soo jeediyay in ay uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale ee aan fursada u helin in ay kala qayb galaan tababarkani waxyaabihii ay halkaasi ku qaateen.  waxaanu yidhi “Tababarkan oo weriyayaasha u socday muddo afar maalmood ah, waxaan filayaa in aad waxyaabo badan oo qiimo leh, oo aad dadkana uga faa’idayn kartaan in aad ka barateen, waxaa loo baahan yahay,  oo waajib idinku ah in aad u gudbisaan fariinta iyo  casharaddii aad halkan ku qaadateen, walaalihiina kale ee aan fursada u helin in ay tababarkan ama mid  noocan oo kale ah helaan, cilmiguna waxa uu ku barakoobaa marka uu qofku faxal ku noqdo, haddii aad cilmi xaasid noqoto runtii wax uu kuu  tarayaa ma jiro, adiguna ma gudbe ayaad noqonaysaa”.



C/rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa kula dar-daarmay  weriyayaashii tababarka qaatay in casharadii  ay barteen ay sidooda ugu  camal falaan, isla markaana  ay ka muuqato   hawl maalmeedkooda   shaqo iyo qaabkii ay markii hore u hawlgelayeen. Waxaanu tilmaamay agaasimuhu in qofka weriyaha ah ee ka shaqaynaya arrimaha bani’aadannimadu uu la mid yahay sida looyar u doodaya dadka aan codka lahayn ee tabaalaysan.


Agaasimaha oo aarimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maadaama oo aad arrimo bani’aadanimo ka shaqaynasaan dar-daaran badan uma baahinidin idinku, waayo waa qof is diray oo u noqday garyaqaan ama looyar u dooda bulshadda,  oo ay u jeedadiisuna tahay in uu ka dayacan u doodo, kii wax dayacayana uu waaniyo, markaa waxa muhiim ah in aad taasina cadaalad ka samaysaan.waxaan idinkula dar-daarmayaa,loona   baahan yahay marka uu qofku aqoontiisa kor u qaado in ay dhaqankiisa iyo noloshiisaba wax weyn ka bedesho  iyo qaabkii uu markii hore u dhaqmayay, oo uu ku camal falo cilmigii iyo aqoontii uu bartay, haddii aadan ku camal falin wixii aad baratay wax macne ah oo ay samaynaysaa ma jirto”.


Waxaanu intaasi raaciyay “Qofka suxufiga ah waxa loo baahan yahay aqoon kasta oo jirta in uu wax ka barto si maalinleh ahna ay naftiisa xog ogaal ugu noqdo, marka cilmiga kale la gayimaado qalabkan aad ku shaqaysaan, waxa uu u badan yahay electronic casri ah, siaguna maalin walba wuu isbedelaa, markaasi aan lagaaga tegin waxa muhiim ah in aad ku dadaashaan, xataa cilmiyada kale ee aan saxaafadaba la xidhiidhin, sida IT-ga caafimaad iyo waxyaabaha kaleba waa waajib idin saaran in aad wax ka ogaataan,” ayuu yidhi Md. C/rashiid.


Faadumo Macalin Abuukar oo ka tirsan weriyeyaasha iyo soo saarayaasha idaacada Radio Ergo ee xafiiska mgaaladda Nayroobi ee dalka Kiiniya,  oo iyadna hadal kooban ka jeedisay xafladii xidhitaanka tababarkaasi ayaa sheegtay in idaacada Radio Ergo ay sanadkiiba ilaa laba jeer tababaro  u qabato weriyeyaasha wakiiladda uga ah deegaanada Soomaalida.“Waxaan maanta (shalay)  halkan ku soo xidhaynaa tababarkan oo inoo socday muddo afar cisho, kana soo bilaabmay 25-kii bishan September ilaa maanta oo ah 29-bishan, tababarkaasi oo uu Radio Ergo u qabto sanad walba ugu yaraan laba jeer weriyayaasha wakiiladda uga ah, Soomaaliya iyo weliba weriyayaal kale oo gobollada oo iyagana xaruntoodu ay tahay magaalladan Hargeysa” ayay tidhi Faadumo Macalin Abuukar.


Faadumo Macalin Abuur, oo ka waramaysa waxyaabihii uu  tababarkani  ku saabsanaa, tiradda weriyayaasha ka qayb galay iyo deegaanadda ay ka kala yimaadeen weriyeyaashii ka qayb galay, waxa ay tidhi “Tababarkan oo ku saabsanaa soo tebinta wararka arrimaha bini’aadannimada, waxa ka qayb galay mudadii uu socday koow iyo labaatan weriyayaal ah oo ka kala tirsan, weriyayaasha Radio Ergo ee gobolada Soomaaliya wakiiladda uga ah iyo weliba weriyayaal kale oo magaaladdan Hargeysa ka hawlgala, tababarkaasi oo si fiican inoogu socday,  inooguna soo dhamaaday”.


Tababarkan ayaa maalmihii uu socday waxaa lagu barayay weriyayaasha wakiiladda uga ah idaacadda Radio Ergo gobollada Soomaaliya casharo kala duwan oo la xidhiidhay  sida ugu habboon ee ay uga hawlgeli karaan ugana soo warami karaan goobaha ay ku nool yihiin dadka dhibaataysan, sida barakaceyaasha.  gaar ahaana kuwa ay xaaladahooda dhinaca nolosha  bini’aadanimaddu haysato,  isla markaana ay bulshada kale ugu soo bandhigi lahaayeen.


 idaacadda Radio Ergo ayaa tan iyo markii ay bur-burtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysay si aad ahna uga hawlgashay baahinta wararka iyo barnaamijyadda ka hadlaya dhibaatooyinka nololeed ee haysta bulshada Soomaalida ah ee tabaalaysan,  iyada oo soo gudbisa hadba nooca gar-gaar ee ay u baahan yihiin.


Waxaanay si  gaar ah uga hawl-gashaa meelaha ay ku  nool yihiin  dadka barakacay ee ay colaaduhu saameeyeen, kuwa u baahan ama aan haysan adeegyada nolosha ee aasaasiga ah sida, biyaha caafimaadka,hoyga  iyo waxyaabha la midka ah.


 Sidoo kale idaacadda Radio Ergo ayaa si gaar ah waxay diiradda ugu saartaa wararka iyo barnaamijyadda ay baahiso goobaha ay ka dhacaan   masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhul-gariirka, abaaraha, duufaanadda iyo waxyaabaha kale.
 
By: Khadar Cabdi Muue.
E-mail:khadarmuuse94@gmail.com