Monday, September 30, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Shakiyay Saylici, xili uu doonayo inuu dalka kaga tago Safarkiisa Fransiiska


Hargaysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi ismaciil saylici ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda ku yeeshay kulan Casho ah, xili aanay wanaagsanayn wada shaqeyntooda dastuuriga ahi.




Kulankan ayaa cashada ka sekow, labada masuul  kaga arrinsanayeen sidii loo soo af-jari lahaa tabashooyin dhinaca Maamulka ah oo wali dhex miranaya, taasoo sababtay in Saylici afka iyo indhahaba ka xidho, ka dib markii Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa awoodda badani camuumyahaha ka laliyeen tabashadiisa, una joojin waayeen.




Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in kulankaasoo ay Albaabadu u xidhnaayeen lagagana wada hadlayay loo bogsiin lahaa dareen ay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Madaxtooyaddu ka qaateen Aamusnaanta Madaxweyne ku-xigeenka oo ay saxaafadda Somaliland beryahan aad u hadal haysay, ay ku wehelinayeen labadooda xubno ka mid ah wasiirradda ugu miisaanka culus ee Xukuumadda.




Ma jirto xog rasmiya oo ka soo baxday kulankaasi  oo Warbaahinta loo soo bandhigay, balse ilowareedyada aanu helayno waxay intaasi ku darayaan inay labada Masuul wax iska tuseen waxyaabaha xidhiidhkooda xumeeyay, isla markaana waxoogaa ka shawreen xaaladaha dalku marayo iyo halka ay ka kala joogaan.




Safarka Madaxweynaha dartii ayaa waxa maalmahanba socday Dedaalo la doonayay in lagu qanciyo Madaxweyne ku-xigeenka in uu talada Dalka la sii wareego si uu waajibaadka Dastuuriga ah ee Qaranka u sii guto, sidoo kale waxa lagaga hortagayay si aanay u dhicin mudada uu xilka sii hayo in uu ku talaabsado go’aano la mid ah kuwii uu ku dhaqaaqay safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo talada kaga sii tagay, wakhtigaasi oo ay isku dhaceen wasiirka Madaxtooyadda.




Safarka Madaxweynuhu baxayo oo maalmaha soo socda ku beegan ayaan la ogayn Wasiirka madaxtooyadu ku wehelin doono iyo in kale, inkasta oo ay adagtahay inay Madaxweynaha iyo Xirsi dalka ka wada maqnaadaan, si aanay xulafada kale ee Xukuumadda ku jiraa uga sii faa’idaysan dano badan iyo hawlo badan oo ka baahsan Wasiir Xirsi iyo Kooxdiisa.




Cabdiraxmaan Saylici ayaa tan iyo Iidii Bishii Ramadaan saaxada Siyaasadda ee Xukuumadda ka maqnaa, waxaanu xataa joojiyay ka qayb-galka Xafladaha Qalin jabinta ah ee lagu soo casuumi jiray iyo Dhagax dhiga iyo furida  mashaariicda Xukuumaddu  Fuliso, halkaasoo u ahayd Fagaaraha uu kaga baano dhanka siyaasada iyo dareenkiisa shakhsiga ah.




Isku soo dhawaanshiyaha labadan masuul ee xalay dhacay, ayaan la saadaalin Karin inta uu sii jiri doono, balse dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ku doodaya inaanu wax macno ah oo badan samaynayn ilaa haanta gunteeda loogu tago Khilaafka labada masuul sababta keentay, isla markaana Madaxtooyadu ka  badheedho xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee ay salka ku hayso tabashada Saylici.




Dhinaca kale yooyootanka iyo wada shaqayn la’aanta labadan Masuul waxay imanaysaa xili wakhtigii Umaddu ay u soo dooratay uga hadhsantahay mudo 22 Bilood ah, isla markaana dhaliilo badan loo soo jeedinayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com