Hargeysa-(GNA)-Xukuumadda Somaliland waxa ay xidhay, isla markaana shaqo joojin ku samaysay wargeyska madaxa-banaan ee HAATUF oo magaaladdan Hargaysa ka soo bixi jiray qaybihiisa kala duwan ee af-soomaaliga, Ingiriisiga iyo af-carabiga.
Hadaba Waxaa beryahan soo baxayey warar sheegaya wasiirada ugu tunka waa weyn ee dawladda Siilaanyo oo u hiilanaya Wargeyska Haatufnews , kuwaasoo sida la tuhunsanyahay hore ugu xidhnaa wargeyskaas oo si daba ka dhiib ah ugu tebin jirey Wargeyska Haatuf News wararka madaxtooyada.
Wasiirka arimaha dibada Mr Yoonis ayaa la sheegay inuu hor kacaya wasiiradan isagoo ku andacoonaya in wasiirka macdantu aanu waxba kala socodsiin shaqadiisa ah dhinaca arimaha heshiisyada caalamiga ah madaama uu yahay wasiirka arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga.Wasiir Hussen ayaa u arka arintaas mid lala yaabo madaama aya yihiin isaga iyo wasiir Yoonis laba wasiir oo siman.
Wasiirka macdanta Hussen Abdi oo dadka taageersani ku tiriyaan wasiirada ugu wax tarka badan ee dhaqaajiyey arimaha macdanta Somaliland isagoo si wanaagsan caalamka ugu bandhigay khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan dalkeena kuwaas aad ugu soo dhiiraday inay maal gashadaan dalka .
Waxa kaloo hore la ogaa iska hor keenki uu sameeyey Safiirka UK u fadhiya Somaliland Ali Awale ee uu ka dhex abuuray wasiir Yoonis oo ay isku beel yihiin iyo wasiir Hussen ka dib markii wasiir Hussen uu u gudbiyey jaaliyada Sheffield xooga lacag ah oo ka caawinaya kharashki xilli ay ku guulaysteen inay soo hooyaan guul wax ku ool markay timaado arimaha ictiraafka ee Somaliland naawilayso.
Maqaalka Haatuf ku soo baxay dhawaan ee ku saabsan nin seedi u ah wasiir Hussen oo ay been cad soo bandhigtay iyadoo ku tuhmaysa wasiirka inuu seedigii siiyey kontarak 2.5 million taas oo aan waxba ka jirin. Wargeyskaa Haatuf oo xaalkeedu noqday cidiyo ku dagaalan iyadoo ugaadhsanaya cidii walba oo loogu sheego inay wasiir Hussen qaraabo yihiin Haatuf ayaa ku hawlan wax u eg aargoosi ka dib markii wasiirku kaga guulaystay dacwad maxkamadeed.
Wasiir Yoonis iyo wasiirada kale ee ay isku beesha yihiin ayaa ah kuwa uu madaxweyne Siilaanyo ku aaminay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, waxaase lala yaabsan yahay ilaa imika inaanay jirin wax la taaban karo ay wasiiradaasi ku soo kordhiyeen dawlada aan ahayn hanti uruursi, waxaana daliila u ah sida abaal xumida ah ee uu wasiirki hore waa Mohamed Abdilahi ugu abaal guday Madaxweyne Siilaanyo oo la wada ogaa inuu ahaa ninkii tababaray ee siyaasada ku soo daray xilli ay beeshiisu diiday inay ogolaato in wasiir laga dhigo.
Wasiir Mohamed Abdilaahi oo ahaa wasiirki xilka ku wareejiyey wasiir Yoonis ayaa la sheegaya inuu dardaaaran kaga tegey isagoo ku balimaniya inuu meesha hanti ka samaysto kana hor tago wasiir Hussen iyo cidii kale eek a soo jeeda beesha madaxweynaha inay ka soo dhawaadan agagaarka xeyndaabka wasaarada arimaha dibada iyo ka aga dhawaanshaha madaxweynaha.
Waxay xaaladu maraysa in wasiir Yoonis u aad uga horymaado in Abdirahman Ali Ubahle oo ahaa Gudoomiyihii qurba jooga loo daayo jagadaas oo uu dib u soo nooleeyo, isgaoo ku andacoonaya inaanu la shaqayn karay mudane Ubahle , mdihkaas oo ka yaabiyey dad badan madaama aanu wasiir Yoonis ahayn nin ay hore u soo wada shaqeeyeen, waxaana halkaas mar labaad ka cad in wasiir Mohd Abdilahi uu fariintan ka danbeeyey.
Wasiirada Beeshan ayaa waxay laf dhuun gashay ku noqdeen madaxweyne Siilaanyo iyagoo la soo hor taagan inay beeshoodu tahay beeshi codka ugu badan siisay isla markaana ay xaq u leeyihiin inay helaan mar walba wixii ay u baahdaan.
Waxaa la wada ogyahay inay tiraba beeshani leedahay lix wasiir marka la eego tirade wasiirada ee dawlada Siilaany Markay sidaa Tahay ayaa hadana waxaa cadaatay inay beeshani tahay ta ugu mucaaradad badan , hadalkaasna waxaa ka markhaati kacaya hadalki xildhibaan Nacnac mar uu dhawaan ugu baaqay beeshaas inay mucaaradada xadkaa leh joojiyaan madaama ay yihiin kuwa ugu badan ee helay saamiga ugu badan dawlada Siilaanyo . Dad badan ayaa waxay ku fasiraan cadaalad darad lagu sheego dawlada Siilanyo inay tahay duurxul loo jeedo saamiga aan caadiga ahayn ee uu siiyey Beeshaas.
Bal hadaba waxaynu eegna halka ay isla gaadhaan wasiiradan iyo dawlada Siilaanyo cida ay guushu raacdo iyadoo dhinaca kalena ay kaabiga ku soo hayaan doorashooyin ay hor kacaayaan beelaha kale ee ka xanaaqasan xulufaysiga labada beelood ee xukunka dalka haysta, Iyagoo aad moodo inay qudhuudo ilaa imika ku guuleeysteen inay dhaliyaan iska horkeen badan oo ku saabsan labada beelood iyo sidii loo kala furfuri lahaa.
Source: Dhaymoolenews