Saturday, August 23, 2014

Taageeradda Madaxweyne Siilaanyo Aanu U hayno Waxa laga Gartaa Soo ku Dhaweyntii Boorame


siilaanyo44Waddooyinka waaweyn  oo ah fureyaasha kaabeyaasha dhaqaalaha waxay gobolka Awdal dhadhamiyeen afartii Sanadood ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo xukuumadiisu xilka haysay.




Arrintaasi waa mid aanan kaga masuugaynin wax-qabadka baaxadda leh ee xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay ka fulisay gobolka Awdal, waxa xusid mudan in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeday gobolka Awdal oo madaxweyne ka ahaa Somaliland muddo  sideed sannadood ah uu lagala quustay inuu laami dhigo jidkii rafka ahaa ee u dhaxeeyay  Dilla Iyo Boorame oo aan Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga mahad celinayno inuu qaaday tallaabo geesinimo ah oo uu bixiyay kharashkii ugu badnaa ee wadadaas galay inkasta oo dadka deegaankuna ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen, haddana waxaan la iska indho tiri Karin inay xukuumaddu miiska saartay qaadhaankii ugu badnaa iyo qalabkii lagu dhisay jidkaasi oo dadweynuhu ku liibaaneen isla markaana shacbiga reer Awdal ay abaal aan duugoobaynin ugu hayaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah shamac ILAAHAY u soo diray horumarinta wadooyinka burbursanaa ee dalkeenna.




Qoddobka aan hoosta ka xariiqayo ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo bulshadda ku tacliimisay waxa weeye inay bartay hanaanka iskaashiga bulshadda iyo dawladda oo la’aantii horumarku noqonayo mid aan dhamaystirnayn. Waxa magaaladda Boorame laga dhisay gudaheeda waddooyin tiro badan oo dadweynaha, dawladda Hoose iyo xukuumadda dhexeba ka qeyb-qaateen.




Halka madaxweynuhu shacbiga ku dhaqan gobolka Awdal oo aan ka soo jeedo uu kaga yaalo waxa lagu qiyaasi karaa sidii aan kala hadhka lahayn ee loogu soo baxay socdaalkii gaabnaa ee uu ku yimid Todobaadkii hore magaaladda Boorame oo uu shahaadooyin gudoon siiyay 621 arday oo ahayd dufcadii 13-aad ee ka qalin-jabisay jaamacadda Cammuud.




Anigoo ka mid ahaa dadweynihii maalintaasi joogay badhtamaha Boorame waxaan ka xusuustaa hal ku dhigyadii ay haweenkii buraan-burayay ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo “Halyaygii Nabadoow, Aabihii horumarkoow Siilaanyoow Soo Dhawoow.”




Waxaan qabaa in shacbiga reer Awdal ay aad ula dhacsan yihiin Madaxweyne Siilaanyo oo ay u arkaan inuu yahay madaxweyne himilo dheer oo Somaliland ku daadihayn kara jidka horumarka. Waxaanu isku diyaarinaynaa haddii aanu nahay shacbiga ku dhaqan goboladda  Awdal Iyo Salel dhismaha dekadii Lughaya ee madaxweynuhu dhagax dhigay.




Dadweynaha reer Awdal waxa ka go’an inay garab iyo gaashaan u noqdaan xukuumadda Siilaanyo oo ah mid leh istaraatajiyad cad oo ummaddu ku aamini karto. Halka xisbiyaddii mucaaridka ahaa ay noqdeen qaar aflagaado u joog ah oo barnaamijkoodu yahay inay warbaahinta shacbiga u mariyaan eedo xajiin leh iyo siyaasad ma dhalays ah oo ay bulshadda ku marin habaabinayaan.




Waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo  isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland uu marti-qaad balaadhan oo casho-sharaf ahaa u sameeyay 621-kii arday ee ka qalin-jabiyay jaamacadda Camuud oo uu xaflad casho ah oo la isku arkay ugu sameeyay Huteelka Rays habeenimadii, waxa ay arrintaasi dhiirigelin weyn u ahayd ardaydaas dhamaystay digree-gii koowaad ee Jaamacada oo ay ku jiraan koox arday ah oo dhegooleyaal ah, waxaanay ahayd markii u horeysay ee arday dhego li’ ay dhamaystaan waxbarasho heer jaamacadeed ah.




M.Ali Nuur




Boorame/Somaliland